Saturday, April 7, 2018

Ku Biiridda AMISOM: Maxay Lix Dal oo Afrikaan Ah ay Ciidamo ugu Deeqeen Hawlgalka Midwoga Afrika ee Soomaaliya?





Ku Biiridda AMISOM: Maxay Lix Dal oo Afrikaan Ah ay Ciidamo ugu Deeqeen Hawlgalka Midwoga Afrika ee Soomaaliya?


Falanqeyn Maqaal
Xasan C. Xasan
Cilmi-baare Siyaasadeed, Istanbul, Turkey.

Gogoldhig
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ‘AMISOM’ waxaa la billaabay bishii Maarso ee sanadkii 2007-da. Waa hawlgalkii ugu muddada dheeraa, ugu weynaa, ugu kharashaadka badnaa, uguna dhimashada badnaa ee taariikhda Midowga Afrika. Hawlgalkani waxaa haatan qeyb ka ah dalalka Ugaandha (2007), Burundi (2007), Jabuuti (2011), Keenya (2012), Siiralyoon (2013) iyo Itoobiya (2014). Waxaa sidoo kale jira waddamo AMISOM ugu deeqay, keliya, tiro kooban oo boolis ah, ilaaliyana goobaha muhiimka ah ee dawladda Soomaaliya. Dalalkaasi waxaa ka mid ah Gaana, Nayjeeriya iyo Saambia. Sababaha ay dawladuhu ugu biireen AMISOM waxa ay salka ku haysaa dano siyaasadeed ama dhaqaale sida ilaalinta amnigooda iyo xoojinta ciidamada dalalkaas iyagoo ka faa’iidaysanaya dhaqaalaha loo qoondeeyey AMISOM. Iyadoo intaasi ay u dheer tahay saameynta ciidan ku deeqidda ay ku yeelatay koboca sumcadda dalalkaas iyo xiriirka kala dhexeeya waddama deeqda bixiya.
Tixraac: Williams, P. D. (2018). Journal of Eastern African Studies 12 (1), 172-192.

Hordhac
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee marka magaciisa qalaad la soo gaabiyo loo yaqaano ‘AMISOM’ waxaa uu billowday Maarso sanadkii 2007-da. Waa hawlgalkii ugu muddada dheeraa, ugu weynaa, ugu kharashaadka badnaa, uguna dhimashada badnaa ee Midowga Afrika uu fuliyo.
Hawlgalkani waxaa haatan qeyb ka ah dalalka Ugaandha (2007), Burundi (2007), Jabuuti (2011), Keenya (2012), Siiralyoon (2013) iyo Itoobiya (2014). Waxaa sidoo kale ka fekeray in ay qeyb ka noqdaan dalalka Beniin, Gaana, Mallaawi, Nayjeeriya, Ruwaanda iyo Tanzaaniya (2007). Waxaa sidoo kale indho indheyn ku sameeyey ka qeyb galka AMISOM dalalka kala ah Saambiya iyo Senegaal (2010). Dalka Gini ayaa ku dhowaad 2000 oo askari u ballan-qaaday AMISOM xilliyadaas. Sidoo kale dalalka Gaaboon, Maali, Tuniisiya iyo Iswaasilaand ayaa ballan qaaday in ay ku soo biirayaan hawlgalka AMISOM sanadkii 2014.
In kastoo tirada dalalka ku fekeray in ay qeyb ka noqdaan AMISON ay gaaraayaan illaa 18 dal, waxaa is weydiin mudan sababta keentay in 12 dal aysan illaa iyo hadda ugu soo biirin hawlgalka AMISOM ay ka waddo Soomaaliya, oo keliya lixda (6) dal ee aan kor ku xusnay ay ciidamo u geeyeen, qeybna uga noqdeen AMISOM.
Guud ahaan go’aanka dal ee ku aaddan in ay ciidamo nabad ilaaliyeyaal ah ugu deeqaan hawlgal nabad ilaalineed waxa uu salka ku hayaa sida madaxdiisu isugu miisaanto waxyaabaha ku dhiirrogelinaya daabulidda ciidamada nabad ilaalinta ah iyo waxyaabaha caqabadda ku noqon kara. Marka dal uu go’aansado inuu ku biiro hawlgal nabad ilaalineed waxaa soo foodsooraysa inuu xaddido ama go’aan ka gaaro waxa uu ku biirinayo hawlgalka uu qeybta ka noqon doono, halka uu ku biirinayo iyo cidda ama hay’adaha dawladda ee uu sida gaarka ah ciidamo ugu deeqayo.
Marka laga hadlayo sababaha dalal ay uga mid noqdaan hawlgallo sida kan AMISOM oo kale ah waxaa la tixraacaa aragtiyaha kala duwan ee nabad ilaalinta. Maqaalkan waxa uu ka anbaqaadayaa xeyn-daab aragtiyeed (theoretical framework) ay abuureen Bellamy & Williams (2004). Xeyn-daab aragtiyeedkani waxa uu si is-bar-bar-dhig ah u falanqaynayaa sababaha dalalku uga qeyb qaataan hawl-gallada nabad ilaalinta iyadoo laga eegayo shan (5) qodob oo kala ah:
  • Siyaasad: raadinta sumcad siyaasadeed, saameyn yeelasho, heshiisyo laba-dhinacyo ah, cadaadis iyo qalqaalo ka timaadda qolooyin dibadeed ama dalal qalaad.

  • Amni: ka jawaabidda ama ka hortegidda khatar amniyeed oo caalami ah ama gobol gaar ah ku kooban.

  • Dhaqaale: helidda faa’iidooyin dhaqaale ama ka hortegidda waayidda faa’iidooyin dhaqaale ha ahaato kuwo shakhsiga ciidanka ah helayo ama shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha qaranka.

  • Hay’adaha Dawladda: arrimaha la xiriira kobcinta dhaqaalaha waaxyaha amniga, sumcaddooda, khibraddooda, tayadooda, iyo baraamijyada taageerada ee dalalka deeqda bixiya ay qoondeeyaan.

  • Akhlaaq iyo Ilaalinta Qiyam: ka soo bixidda waajibaadka banii’aadanimo iyo dhaqanka suubban ee is caawinta, iskaashiga iyo ka shaqeynta wadajirka iyo nabadda dadyowga dunida. Qoraaga maqaalka isagoo qoddobadan sare ka anba-qaadaya ayaa waxa uu falanqeyn ku samaya lixda dal ee haatan qeybta ka ah hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ugaandha
Ugaandha waa dalkii u horreeyey ee ka tirsan dalalka ciidamada ku biiriyay ‘Troop Contributing Countries’ (TCC) Soomaaliya. Keliya ciidanka Ugaandha ayaa ahaa tiirka ay AMISOM ku tiirsanayd ee Soomaaliya ka hawlgalaya intii u dhaxaysay Maarso illaa Noofembar sanadkii 2007-dii. Ciidamada Xoogagga Difaaca Dadka Uganda ‘Ugandan People’s Defense Force’ (UPDF) waxaa xilli sii horraysay loo sii diyaariyey in la geeyo Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan hawlgal-kii urur goboleedka IGAD (IGASOM) ee la soo jeediyey sanadkii 2005-tii. Muddo kaddib markii uu hawlgalkaasi rumoobi waayay, Midowga Afrika waxa uu oggolaaday hawlgalkan danbe ee AMISOM bishii Juun ee 2007-da.
Sida laga dheehan karo wararka saxaafadda ay siiyeeen iyo warbixinnada rasmiga ah ee dawladda Ugaandha, sababta ay ugu biireen AMISOM waxa ay ku sheegeen xoojinta iskaashiga iyo wadajirka dadyowga Afrika ‘Pan-Africanism’ iyo la dagaallanka argagixisada. Madaxweyne Museveni waxa u tibaaxay in ka qeyb-qaadashadooda AMISOM ay qeyb ka tahay dadaallada xalal Afrika dhexdeeda ah loogu raadinayo dhibaatooyinka Afrika. Hadalladani waxa ay liddi ku yihiin go’aankii dawlada Ugaandha ay ku diidday ka qeyb qaadaashada hawlgalka Midowga Afrika ee dalka ay deriska yihiin ee Suudaan ‘African Mission in Sudan’ (AMIS).
Ka qeyb qaadashada dawladda Ugaandha ee hawlgalka Soomaaliya ayaa waxaa loo aaneeya sababo kale oo ay ugu xoog badan yihiin faa’iidooyinka ka soo galaya hawlgalka. Tusaale ahaan, maadaama Soomaaliya laga soo maleegay weeradii safaaradaha Maraykanka ee Keenya iyo Tansaaniya, hoyna u tahay kooxda Alshabaab, waxa ay furinta hore ka noqotay dagaalka ka dhanka argagixisada ee uu hormuudka ka yahay Maraykanka. Ka qeyb qaadashada Ugaandha ee hawlgalka AMISOM waxa xoojinaysaa xiriirka ka dhexeeya Washington iyo Kampala. Sidoo kale waxa ay Museveni siinaysaa fursad uu ku qurxiyo sumcaddiisa caalamiga ah isagoo sidoo kale kaga gaashaamanaya dhaleeceynta uga imaanaysa beesha caalamka ee la xiriirta xad-gudubyada xuquuqda aadanaha iyo keli-talisnimada.
Sababaha kale ee Ugaandha ku riixay in ay ciidankeeda Soomaaliya ku daabbusho, ee aan doodaha rasmiga ah ka muuqan, waxaa ka mid ah saameynta burcad-badeednimada ku yeelatay kharashaadka badeecooyinka Ugaandha u soo mara xeebaha Soomaaliya iyo agagaaraheeda. Sidoo kale, Ugaandha waxa ay weligeed la halgamaysay iska-hor-imaadyo ka dhacayay gobolka Karamoja ee xoolo dhaqatadu degaan. Hubka loo adeegsado dagaalladaasi qaar ka mid ah ayaa Ugaandha waxa uu ka soo galayay dhanka Soomaaliya iyadoo la sii marinayo gobolka Waqooyi Bari ee Keenya ee Soomaalidu degaan. Hawl-galka ay Soomaaliya ka waddo dawladda Ugaandha waxaa dadka qaarkiis ku tilmaamaan dadaallo lagu xirayo ilaha uu hubkaasi ka soo galayay dadlka Ugaandha.
Siyaasadda arrimaha dibadda Ugaandha ee ku urursan gacanta Museveni waxa ay isaga u suuragelisay inuu noqdo hoggaamiye saameyn ku leh gobolka Bariga Afrika, dawladdiisana u horseeday in ay ka mid noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay. Sidoo kale waxa ay kor u qaadday sumcadda Museveni iyo kooxdiisa ee la liicaysay faro gelintii ay ku sameeyeen Koongo DRC (1998-2003) iyo dagaalkii Suudaan iyo Koonfurta Suudaan (2002- 2006).
AMISOM waxa ay u soo jiidday ciidanka Ugaandha fursado tabo-bar, taageero maaliyadeed, saanad iyo qalab casri ah oo badankeed ka imanayay dhanka Maraykanka. Ku biiriddeedii AMISOM kaddib, Ugaandha waxa ay qeyb ka noqotay dalalka ka faa’iidaysta barnaamijka Hawlgalka Bariga Afrika ee Tabo-barka iyo Kaalmada ‘African Contingency Operations Training and Assistance’ (ACOTA) ee ay maalgeliso wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka. Sidoo kale waxa ay kaalmooyin military ka heshay Boqortooyada Ingiriiska, dawladda Faransiiska iyo shirkadda ciidamada gaarka ah ee Bankroft Global Development taas oo ka saacidday in ay horumariso tayada xirfadda ciidanka ee ku aaddan dagaallada magaalooyinka ka dhaca ‘urban warfare’.
Burundi
Burundi waxa ay ku soo biirtay dalalka Soomaaliya ciidamada geynaya bishii Noofembar ee sanadkii 2007-da. Waxay ayna labo guuto u soo daabuleen Soomaaliya billowgii 2008-da. Go’aanka Burundi waxa uu ku gaaf wareegayay kor u qaadidda tayada iyo sumcadda ciidanka dalkooda. Dalka Burundi oo dagaal sokeeye ku jiray (1993-2006) ayaa damacsanaa qorshe uu ku midaynayo ciidankiisa kuwaasoo kala yimid jabhado kala duwan oo muddo dheer colaadi ka dhaxaysay. Ciidamada ay Soomaaliya geeyeen waxa ay siinaysay fursad ay kaalmo dhaqaale iyo qalab militari oo casri ah ay kaga heli karaan beesha caalamka. Sidoo kale, ciidamadoodana waxa ay u horseedeysay is dhexgal iyo is walaalaysi ka dhan ah cadow dibadeed sida kooxda Alshabaab.
Baahida hay’adaha mileteriga ee dalka Burundi ay u qabeen kaalmo dhaqaale iyo qalab waxaa tusaale u noqon kara in dalka Burundi uu awoodi waayay inuu qalabeeyo cutub ka kooban 30 qofood oo hordhac ahaa oo ujeedkoodu ahaa in ay sameeyaan sahan iyo baaritaan lagu go’aaminayo meelaha la dejin doono ciidamada Burundiga ah ee imaan doona Soomaaliya. Dalabaad badan kaddib cutubkii waxaa uu helay gawaari, baldoosarro, diyaaradaha helikobtarada ah iyo qalabka habeenkii wax lagu arko ‘night vision goggles’. Maadaama saanadda iyo agabka militari oo ay haystaan ciidamaasi ay aad u koobneyd waxaa loo xilsaaray ilaalinta amniga goobaha xasilloon sida gegida diyaaradaha.
Ka qeybgalkeedii AMISOM, Burundi waxa ay u horseedday in ay xubin ka noqoto dawladaha ka faa’iidaysanaya barnaamijka dhismaha ammaanka iyo nabadeynta ee ACOTA, iyadoo sidoo kale ciidamadeedu heleen tabo-baro wanaagsan oo tayadoodu ku kobocdo. Dawladda Maraykanka waxa ay xurumo tabobar ciidamo ah ka furtay magaalada Mudubugu iyoi Bujumbura ee Burundi sanadkii 2009-ka. Guud ahaan ACOTA waxa ay ku maalgelisay ciidamada Burundi wax ka badan 20 malyan oo dollarsanadkii u horreeyey ee hawlgalka. Burundi waxa ay gaartay in ay ka gudubto dal dagaallo aafaysteen oo noqoto dal qeyb ka ah hawlgallada nabad ilaalinta ee Afrika. Ciidamadoodu waxaa ay heleen fursado ay ku heli karaan ku dhowaad 500 oo dollar oo mushaar ah bishii, dawladda Burundina qarashaadka AMISOM loo qoondeeyey qaar ka mid ah ayaa waxa ay u leexisay dib-u-dhiska ciidankeeda.
Jabuuti
Sanadkii 2010-kii ayuu madaxweyne Geelle qaatay go’aankii ciidamo Jabuutiyaan ah lagu geyn lahaa Soomaaliya qeybna uga noqon lahaayeen hawlgalka AMISOM. Xilligaas waxaa jiray saraakiil sare oo ciidanka Jabuuti ka tirsan oo ka cago jiidayay go’aankaas iyagoo ku andacoonaya in ciidanka Jabuuti uu weli ka soo kabanayo dagaalkii xuduudaha ee 2008-dii ay la galeen Eritrea.
Kooxdii ugu horraysay ee ka tirsan ciidamada Jabuuti ‘Force Aerienne Djiboutienne’ (FAD) waxa ay imaadeen sanadkii 2011-kii markii cutub ka tirsan ciidamada jabuuti oo la magac baxay ‘Hiil’ ay ka soo degeen gegida diyaaradaha ee Muqdisho. Taliyihii ciidankaas ayaa waxa uu diiday in uu ciidanka ku daabbulo deegaankii loo qorsheeyey in ay ka hawlgalaan oo ahaaa gobolka Hiiraan. Waxa ay ka dalbadeen Xafiiska Taageerrada AMISOM ee Qaramada Midoobay (UNSOA) in loo dhisto guryo askareed inta aysan iyaga tegin goobta hawlgalka. Dalabkaasi oo noqday mid ay UNSOA diidday taas oo keentay in ay gegida Muqdisho iska joogaan ciidamadaas illaa Jabuuti dib loogu celiyey.
Intaas kaddib dawladda Jabuuti waxa ay UNSOA u soo dirtay warqad ay ku dalbanayso in la siiyo magdhow la xiriirta khasaarihii soo gaaray agabkoodii ee ka dhashay duulimaadyadii isku xigxigay ee ay galeen. Arrintani waxa ay abuurtay dood iyo khilaaf dheer oo dhex mara AMISOM, UNSOA oo dhan ah iyo dawladda jabuuti oo dhan kale ah. Ugu danbeyn waxaa la go’aamiyey in cutubyadii Jabuutiyaanka ahaa dib loogu daabbulo iyadoo busas la soo saarayo lana soo marsiinayo dhulka Itoobiya sidaasna lagu soo gaarsiinayo goobtii ay ka hawl gali lahaayeen. Hase ahaatee dawladda Jabuuti arrintaasi waa ku gacan sayrtay. Sidaa daraaddeed, UNSOA waxa ay ku qasbanaatay in ay diyaarado yaryar iyo duulimaadyo goos goos ah lagu soo duuliyo ciidamadii Jabuuti. Intaa kaddib cutubyadii waxaa 10 taangi looga soo amaahday Itoobiya, 10 gaari oo gaashamanna waxaa ku deeqday dawlada Ingiriiska. Daabulidda askartaas waxaa UNSOA ka galay kharashaad ka badan 3 malyan oo doollar, welina Jabuuti waxa ay dalbatay in kharashaadkii magdhowga alaabtooda ee duulimaadyadii koowaad dib loo siiyo.
Arrintu si kastaba ha ahaatee, dawladda Jabuuti ujeedkeeda koowaad waxa ay ahayd in ay muujiso in ay qeyb ka tahay ololaha la dagaallanka argagixisada iyo caawinta walaalahooda Soomaaliyeed iyagoo cutubyadoodii ku naanaysay ‘Hiil Walaal’. Jabuuti waxa ay arrintani u fududaysay in ka faa’iidaystaan barnaamijka horumarinta amniga ee dawladda maraykanku maamusho ee ACOTA laga billaabo bishii Noofembar ee sanadkii 2009. Ciidan geynta Soomaaliya waxa ay jabuuti u furtay ilihii ay ku heli lahayd dhaqaalaha ay u baahan yihiin in ay ku horumariyaan ciidankooda. Waxaa sidoo kale, madaxweyne Ismaaciil C. Geelle, u suuragashay in uu sumcaddiisa kor u soo qaado siin wanaajiyo xiriirka dalkiisa iyo deeq bixiyeyaasha.
Keenya
Dawladda Keenya waxa ay bishii Oktoobar ee sanadkii 2011-ka billowday hawlgalkii Linda Nchi (Ilaali Qaranka) markaas oo cutubyo ka tirsan ciidamada Keenya ay gudaha u soo galeen dhulka Soomaaliyeed iyagoo u sababayna in ay ka hortagayaan khatarta isa soo taraysa ee Alshabaab. Sanad kaddib hawlgalkii Linda Nchi, Keenya waxa ay Midowga Afrika la saxiixatay heshiis ay ciidamadeeda Soomaaliya ka hawlgala loogu biirinayo AMISOM iyagoo markaas wax ka badan 4000 oo askari ah hoos geeyey dalladda AMISOM.

Heshiiska ay Keenya la gashay Midowga Afrika ayaa waxa uu yimid kaddib doodo adag oo bilo socday oo ay la galeen Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo la xiriiray tirada ay Keenya ku biirinayso AMISOM iyo qoondada loogu talo galay ee xaddidaysa inta ciidan ee ay Keenya Soomaaliya geyn karto. Sidoo kale waxaa dooddaasi ka mid ahaa in cutubyada ciidamada cirka iyo badda Keenya ay qeyb ka noqoshada hawlgalkan. Waxaa qodobbada xasaasiga ah sidoo kale ka mid ahaa sida loo daboolayo kharashaadka ku baxaya ciidamadaas iyo maareyntooda.
Ujeedka koowaad ee Keenya ciidamadeeda ugu soo dirtay Soomaaliya, ha ahaato hawlgalkii Linda Nchi ama iyagoo taabacsan hawlgalka AMISOM, waxaa aasaas u ahaa ilaalinta amniga xudduuddeeda. Ku biiritaanka Keenya ee AMISOM waxaa lagu tilmaamaa habka ugu kharash iyo dhibka yar ee ujeeddooyinkii hore loo xaqiijin karo iyadoo huwan shaati AMISOM. Waxaa sidoo kale Keenya dhiirro gelinaya hab-maamulka dabacsan ee AMISOM oo u suuro gelinaya in ay fuliyaan hawlgallo iyagu u madax bannaan yihiin.
Guud ahaan, inta Keenya ay ka mid ahayd hawlgalka AMISOM waxa ay noqotay saaxiib dhow oo Maraykanku iska kaashadaan olalaha la dagaallanka argagixisada. Madaxda Keenya iyagoo muujinaya dadaallada ay Soomaaliya ka wadaan waxa ay dawladaha deeqda bixiya ka codsadeen kana heleen taageero dhaqaale, saanad militari, agab dalaal oo casri ah sida gawaari gaashaaman, diyaaradaha qummaatiga u kaca kuwooda weerarka iyo kuwa ciidanka lagu qaado. Sanadihii koowaad ee hawlgalka waxaa Keenya loogu deeqay wax ka badan 180 malyan oo dollar. Iyadoo intaas u dheer tahay in ay sharciyad u heleen joogitaankoodii dhulka Soomaaliyeed ee dooduhu ka taaganaayeen.
Siiralyoon
Siiralyoon waxa ay ku soo biirtay dalalka AMISOM ciidamada ugu deeqay sanadkii 2013-kii. Siiralyoon waxa ay ku han weyneyd in ay ka mid noqoto AMISOM tan iyo 2011-kii. Waxaa hawshooda dib u dhigay qalab la’aan. Waxa ay in muddo ah sugayeen saanad, qalabka asaasiga ah iyo gawaarida gaashaaman ee ciidanku adeegsado. Qorshaha koowaad ee Siiralyoon waxa uu ahaa in ay beddelaan ciidamada Keenya ee Kismaayo joogay. Hase ahaatee waxaa la geeyey meelihii ay ka hawlgaleyeen ciidamada Keenya si ay uga hortagaan khatarta keligood uga imaan karta weerarada kooxda Alshabaab.
Ujeedka koowaad ee dalka Siiralyoon uu ciidamada ugu deeqay AMISOM waxa ay qeyb ka ahayd qorshaha dib-u-dhiska ciidankeeda iyo helidda kaalmooyinka dhaqaale ee ay u baahnaayeen si ay u horumariyaan ciidankooda. Waxaa sidoo kale ay fursad u heshay Siralyoon in ay ka mid noqoto barnaamijka ACOTA iyo IMATT ee horumarinta amniga ee dawlaha Maraykanka iyo Ingiriisku maamulaan.
Itoobiya
Itoobiya waa mid ka mid ah dawladaha saameynta ugu badan ku lahaa siyaasadda Soomaalida ee qarnigan 21-aad oo ciidamadeedu tan iyo burburkii dawladdii Siyaad Barre ay Soomaaliya “hawlgalo” ka wadeen. Ujeeddooyinka guud ee la xiriira fara-gelinta Itoobiya ee Soomaaliya waxaa saldhig u ahaa yaraynta damaca Soomaaliya ee ka hor imaanshaha danaheeda, sii wadidda jiritaanka dawlad Soomaaliyeed oo taag daran oo aan loollan kula geli karin kaalinta hoggaamineed ee gobolka iyo ka hirgelinta dhulka Soomaaliyeed nidaam federal ah iyadoo ka fekeraysa in ay maamullada federaalka ah ka soo dhawaysato dawladda dhexe.
In kastoo soo gelitaankii Itoobiya ee dhulka Soomaaliyeed ay sabab uga dhigaysay la dagaallanka argagixisada iyo jiritaanka halista Alshabaab, haddana marna ma aheyn danta ugu weyn ee ay Itoobiya ka lahayd hawlgalladeeda maadaama ay ciidamadoodu marar badan oo hore galeen magaalooyin Soomaaliyeed xitaa markii ay hoggaamiye kooxeedyadu dalka ka jireen. Itoobiya mar kasta waxa ay heegan ugu jirtay in ay iska moosto wax kasta oo amnigeeda halis ku noqon kara.
Kaddib gelitaankii Itoobiya ee Muqdisho sanadkii 2006-dii si looga saaro kooxihii Maxaakiimta Islaamka iyo dejinta dawladdii ku meel gaarka ahay ee xilligaa uu madaxeyne Cabdillaahi Yuusuf hoggaaminayay, Itoobiya waxay ay AMISOM u ahayd istaraatiijiyada ay ciidamadeeda badankood Soomaaliya uga saari lahayd iyadoo ka baqanaysa in ay waqti iyo maal badan ka galo qalaanqal siyaasadeed iyo isku-hor-imaadyo ciidan oo muddadiisu dheeraato, dalkoodana khasaare ba’an uu ka soo gaarayo. Itoobiya waxa ay ciidamadeedii badankeed kala soo baxday gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya sida magaalada Muqdisho sanadkii 2009 iyadoo dib ugu soo noqotay Beledweyne (2011) iyo Baydhaba (2012). Ciidamadan danbe waxaa ay taageero u ahaayeen, sida ay sheegtay, xoogagga AMISOM ee ka hawlgala Baydhabo iyo Beledweyne. Bartamihii 2013-dii waxaa Itoobiya Soomaaliya ka joogay wax ka badan 8000 oo askari.
Hab-maamulka AMISOM ee dabacsan, Itoobiya oo doorbidda mar kasta hawlgallo ay keligeed fuliso iyo kaalmooyinka dhaqaale ee AMISOM xeyndaabkeeda ay ku heli karaan ciidankooda ayaa ka mid ah waxyaabaha Itoobiya ku dhiirro geliyey in cutubyo ciidamadeeda ka tirsan ay hoos gayso dallada hawlgallada AMISOM iyadoo sidoo kale ay Soomaaliya ka joogaan ciidamo aan hoos tegin AMISOM kuwaasoo hawlgallada maamulka Addis Ababa go’aamiyo ka fuliya dhulka Soomaaliya.
Gunaanad
Dhammaan go’aamada lixda dal ee Soomaaliya ciidamada ka jooga waxa uu ku salaysnaa fursado horumarineed ee ay helayeen hay’adahooda amniga. Sidoo kale damac siyaasadeed oo dawladuhu ku doonayeen in ay kor ugu qaadaan sumacaddooda iyo saameynta ay ku leeyihiin siyaasadda gobolka ayaa iyadana ahayd arrin culus oo ku riixday dawladuhu in ay ciidamo ugu deeqaan hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Faa’iidooyinka dhaqaale ee ciidanka si shakhsi ah u helayeen iyo kuwa dalalka guud ahaan ka helayeen halwgalka ayaa ahayd sabab kale oo ku dhiirro gelinaysay in ay AMISOM qeyb ka noqdaan una bareeraan khatarta aadka u daran iyo khasaaraha ka soo gaari kara ka hawlgalidda Soomaaliya. In kastoo AMISOM aysan si rasmi ah u shaacin khasaaraha ka soo gaara hawlgalkooda, haddana waxaa lagu tilmaamaa hawlgalkan nabad ilaalineed ee ay waddo inuu yahay midkii ugu dhimashada badnaa intii ka danbaysay dagaalkii qaboobaa.
Dalalka qaarkood sida Burundi iyo Siiralyoon, faaiidada ay ku qabaan AMISOM ku biiriddeeda kuma koobna keliya faa’iidooyin maaddi ah oo waxaa ay qeyb ka ahayd dadaallo ay dib-u-dhis ugu samaynayeen ciidamadooda ka soo kabanayay burburkii ka soo gaaray dagaalladii sokeeye ee dalalkoodu muddo badan ku soo jireen.
Dawladaha deeqda bixiya ee maalgeliya hawlgalka AMISOM waxa ay caddaysteen in aysan marna u soo jeedin ka qeyb-qaadashada ama ka taageeridda Soomaaliya si ay u dhisato ciidamo xoog leh oo amniga dalka gacanta ku dhigi kara. Dalalka deriska ah qaarkood sida Itoobiya iyo Keenyana dhismaha ciidan Soomaaliyeed waxa ay ba u arkaan halis iyaga soo foodsaaraysa mustaqbalkooda. Sidaas daraaddeed waxa ay ku dadaalayaan in la sii joogteeyo baahida Soomaaliya ay u qabto ciidankooda. In kastoo hawlgalka AMISOM iyo kuwa la midka ah loogu talo galay in ay dalalka dawladooda dhismayaan marxaladaha hore taageeraan, haddana kan AMISOM waxaa muuqata in si ku talo gal ah loo dheereeyey si Soomaaliya ay ciidankaasi weligeed ugu tiirsanaato.

Monday, December 19, 2016

MW Xasan Muxuu Ballan-qaaday? Maxaase Ka Qabsoomay?

MW 8-aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed mid waliba maalmaha uu madaxnimo doonka yahay waxa uu soo bandhigaa qorshayaal aad u qurux badan oo Soomaaliyadan baaba’a ah loogu celinayo waxa ay Soomaalida dawladnimada soo aragtay ugu yeeraan ‘Beri-samaadkii’. Tobankii bishii Sembeembar, 2012-kii MW Xasan Sheekh oo xilligaa ahaa murashax madaxweynenimo oo u hanweyn inuu qabto talada dalka Soomaaliya ayaa  ballan-qaadyadiisii waxaa ka mid ahaa waxa uu isaga u bixiyey “ Lixdii Tiir Ee Dib u Soo Kabashada/Nooleynta Soomaaliya” oo aan sidan hoose loo soo koobi karo:

TIIRKA KOOWAAD: Xasilinta dalka, sarrayntiisa sharciga iyo dawlad wanaagga oo ku ballan-qaaday MW abuuridda iyo dhameystirka dhismaha hay’adaha ammaanka qaranka oo hawlgelin doona ciidan leh tiro iyo tayo ku filan gudashada waajibaadkooda qaran kuwaasoo heli doona xuquuqdoodii iyo daryeelkiii ay u baahnaayeen, dhisidda nidaam garsoor oo madax bannaan oo dhowra xuquuqda muwaadinka, hirgelinta nidaamka xisbiyada badan oo horseedaya qabsoomidda doorasho “xor iyo xalaal ah”, dhamaystirka dastuurka iyo gaarsiinta afti qaran, ku baahinta awoodda dawladnimada ee gobollada dalka, abuuridda guddi la dagaallamaya musuqmaasuqa, eexda, laaluushka, lunsashada iyo ku takrifalka hantida qaranka, dhiirrogelinta warbaahinta madaxa bannaan iyo kor u qaadidda kaalinta haweenka ee ka qeyb galka hay’adaha dawladnimada.

TIIRKA LABAAD: Soo nooleynta dhaqaalaha dalka oo uu MW ku bayaaniyay kor u qaadista heerka nolosha muwaadinka iyo qoyska Soomaaliyeed, abuuridda xarumo lagu tababaro xoogsatada iyo xirfadlayda si ay ugu fududaato ina ay shaqaystaan noloshoodana kaafiyaan, kobcinta wax soo saarka dalka dhinacyada beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, ka shaqeynta sida waxsoorkaasi loogu heli lahaa “suuqyo” caalami ah, iyo dhisidda iyo dayactirka kaabayaasha dhaqaale ee dalka gaar ahaan kuwa gobollada iyada oo la hirgelinayo mashaariic lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaale ee gobollada si horumarka nolosha bulshadu u noqoto mid isku dheellitiran.

TIIRKA SADDEXAAD: Nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyadoo la dhisayo guddi heer qaran ah oo waajibaadkiisu yihiin ka shaqeynta dib u heshiisiinta dhinacyada siyaasadda iyo bulshada iyadoo kaalin muhiim ah la siin doono hoggaamiyeyaasha bulshada sida duubabka dhaqanka, culamaa’uddiinka, haweenka iyo dhallinyarada lana abuurayo qolayaal gaar u ah wada-tashiga bulshada si loo gaaro bulsho ka caafimaad qabta ‘caddaad darrada, heyb sooca, quursiga kooxeysiga iyo sad bursiga.

TIIRKA AFRAAD: Wuxuu MW Xasan tiirkani ku soo koobay soo nooleynta adeegyada bulshada sida tacliinta, caafimaadka iyo ilaalinta deegaanka  iyo fayadhoorka guud ee bulshada.

TIIRKA SHANAAD: Wuxuu X.SH.M. halkan ku ballan-qaaday ilaalinta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, heegan u noqoshada in la gaaro Soomaaliya mid ah, horumarinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Soomaalilaand iyadoo la adeegsanayo habab dimloomaasiyadeed si looga miradhaliyo “midnimo waarta” oo qaranka Soomaaliyeed uu yeesho.

TIIRKA LIXAAD: Abuuridda xiriir caalami ah oo ku dhisan iskaashi, wadajir iyo is qaddarin iyadoo laga shaqeynayo soo celintii sharaftii iyo karaamadii ay lahayd umadda Soomaaliyeed iyo ka shaqeynta sidii ay Soomaaliyada cusub ay xiriir wanaagsan u la yeelan lahayd dalalka deriska ah iyo kuwa caalamkaba iyadoo ay iska kaashanayaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha  iyo ganacsiaga.

MW Xasan khudbaddiisii doorashada ee aan nuxurkeedii kor ku soo xusnay waxa uu ku sawiray aragtida siyaasadeed ee uu doonayo inuu ku shaqeeyo haddii ay xubnaha baarlamaanku u doortaan madaxweynaha xiga ee Soomaaliya. Sida laga dheehan karo baaxad weynida tiirarkaas iyo culeyskooda waxaa la qiyaasi karaa xaqiijinta dhammaantood ama barkoodba in ay tahay wax aad u adag. Qeybahan dambe ee qormada waxa aan ku falanqeyn doonaa waxyaabihii u qabsamay ama u qabsami waayay dawladdii Soomaaliyeed ee horjoogaha u ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

MW Xasan Sheekh Maxaa U Qabsoomay/Qabsoomi Waayay?

Dawladda Xasan Sheekh hoggaamiyo oo waqtigeedu ku ekaa 16-kii Sebteembar 2016-ka ayaa waxa ay ku guuldarraysatay ballan-qaadyadii ballaarnaa ee ay fagaaraha siyaasadda la yimaadeen. Warbixin ay soo saareen Guddiga Daba-galka QM ee Soomaaliya dhammaadkii bishii hore ayaa waxaa lagu sheegay in dawladda Xasan ay ku hungowday xaqiijinta barnaamijyadeedii siyaadeed iyo kuwii hiigsiga 2016-ka oo ay ugu horreeyeen (1) xaqiijinta doorasha dadweyne ‘Qof iyo Codkii’ (2) dhismaha maamullada federaalka (3) sixidda, afti u qaadidda iyo hirgelinta dastuurka cusub.

Marka hore dhisiddii maamullada federaalka ay waxa ay soo hoos gashay xilligii ay ahayd in la qabto doorashooyinkii. Waxaa waqti dambe soo gabagaboobay dhismihii maamul goboleedyada. Hase ahaatee weli waxaa qabyo ah doorashada xubnaha aqallada baarlamaanka ee maamul goboleedyada qaarkood. Xilliga qoraalkan la sameeyey oo taariikhdu ku beegneyd 19-ka bisha Diseembar ayaa waxaan weli soo dhamaystirmin xubnaha aqallada baarlamaanka ee matalaya Soomaalilaand. Dawladda waxa ay dib uga dhacday waqtigii doorashada, waxaana la laalay hiigsiigii doorasho dadweyne ‘qof iyo codkii’ ahaa oo ka mid ahaa ballan-qaadyadii Madaxweynaha oo lagu baddalay “doorasho dadban” oo xubnaha labada aqal ee ka qeyb qaadanaya laftigooda doorashooyinkoodii ay hareeyeen muranno iyo musuq aan meel loogu soo gabban.

Sida warbixintii UN Monitoring Group ee Oktoober 31-keedii soo baxday caddaysay weli kooxda Alshabaab ayaa halis waxa ay ku tahay amniga iyo degganaanshaha dalka. In kastoo la buunbuuniyey xaaladda nabadeed ee Soomaaliya ka jirta iyo horumarka laga sameeyey, warbixintu, waxa ay sheegeysaa in xaaladda nabadgelyo iyo ammaanka dalkuba uusan wax badan iska baddalin intii uu madaxda ka ahaa MW Xasan Sheekh Maxamuud. Alshabaab weli waxa ay leedahay awooddii ay ku fulisay weeraro xoogganaa oo 6 ka mid ah sanadkan dhacay laguna beegsaday Hoteellada Muqdisho qaarkood oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 120 qof oo isugu jira xoogagga dawladda, xubno baarlamaan, wasiir iyo shaqaale dawladeed.

In kastoo dawladdu ay dadaallo badan ku bixisay sidii ay u hagaajin lahayd hay’adaha amniga ee dalka sida Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa ay la kulmeen carqalado maaliyadeed, maamul xumo iyo musuqmaasuq ka jiray hay’adaha ammaanka. Dadaalladii looga dan lahaa diiwaangelinta ciidamada iyo yareynta ciidamada aan diiwangashaneyn ‘ciidamada qarsoon’ ee mushaaraadka dawladda ka qaata ayaa fashil ku dhammaaday. Sida warbixintu tilmaantay isdaba marsiinta iyo lunsashada lacagaha mushaaraadka, saanadda ciidanka iyo mushaar la’aanta askarta ayaa horseedday in ay askarta qaarkood dib uga gurtaan meelo istaraatiiji ah oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya halkaasoo laga xoreeyey xoogagga Alshabaab oo hadda dib u qabsaday.

Waxaa marar badan dhacday in ciidamada dawladda ay qeyb ka noqdaan dagaal beeleedyo ka dhacay gobollada qaarkood halkii ay ka hor tagi lahaayeen. Intii uu MW Xasan Sheekh talada hayay waxaa la arkay dhacdooyin ay ciidamada dawladdu ay ku lug yeesheen loollano u dhexeeya beelo dega gobollada Shabeellaha Hoose, Hiiraan iyo Mudug. Dadaallo ay dawladdii Shariif billowday oo lagu mideynayay ciidamada qalabka sida ee ku kala sugan maamullada kala duwan ayaa aad looga gaabiyey iyadoo dawladda dhexe lagu eedeeyey in aysan si siman u taageerin ciidama qalabka sida ee furimaha dagaallada jooga gobollada kala duwan jooga.

Dhanka maamul goboleedyada haddii la eego, Galmudug ayaa waxa ay dhibaatooyin kaga imaanayaan qeybo ka tirsan kooxda Alhlusunna Waljamaaca oo gacanta ku haysa caasimad goboleedka galgaduud ee Dhuusamareeb iyo deegaannada ku hareereysan. Wadahadallo loo furay dhinacyada bishii Sebteembar ee sanadkan ayaa wax heshiis ah aanu ka soo bixin. Dhanka kale, maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu eedeeyey in dhammaan awoodihiisa uu ku koobay magaalada Baydhabo iyo hareereeda isagoo noqday mid ka go’doonsan inta ka soo hartay dhulka maamulkaasi uu ka taliyo. Dhanka kale maamulka goboleedka dhaqsaha lagu dhisay ee Hirshabeelle ayaa waxaa la sheegayaa inuusan cago adag ku taagneyn oo laga yaabo in odayaasha reer Hiiraan aysan si wacan ugu qanacsaneyn natiijada dhismaha maamulkaasi.

Qolyaha mucaaradka ku ah maamulka MW Xasan ayaa sheegay in bulshada rayidka kaalintoodii ku aaddanayd dhismaha dawladda la curyaamiyey. Sidoo kale, waxay dawladdu ku eedeeyaan in ay adeegsado siyaasado kala fogeyn ah in ay weliba aad u faragelisay soo saaristii liiskii 135 ka oday beeleed ee ergooyinka soo magacaabayay. Waxay sidoo kale ka digayaan in faragelinta dawladda ee hawlaha doorashada, adeegsiga nidaamka 4.5 iyo ka weecashada mashruucii dhismaha dalka iyo ka guuridda waxyaabaha ku meelgaarka ah ay sabab u noqon karaan khilaafaad ka dhasha beelaha dhexdood weliba iyadoo eedo badan ka taagnaayeen hababkii loo maareeyey hawlihii madasha qaranka iyo doorashooyinkii xubnaha aqallada.

Dhanka dhaqaalaha, Soomaaliya weli waxa ay aad ugu tiirsan tahay lacagaha xawilaadaha ee dibadda dalka ka yimaada iyo maalgelinta ay sameeyaan shakhsiyaadka lacagta leh ee diyaasbaraha ah. Weli dhaqaalaha dalka waxaa saldhig u ah lacagaha kaashka ah, dawladduna weli ma hirgelin barnaamijyadii soo nooleynta dhaqaalaha ee dalka ee taageeridda ganacsiyada yaryar ee qoysaska ee ay ballan-qaadday. Sidoo kale, dawladdu weli ma hirgelin nidaamyadii u suuragelin lahaa in ay si hagaagsan u soo ururinta iyo ka faa’iideysiga canshuuraha iyo dakhliga dawladda. Waxaa isku dhexyaacyo ka jiraan heshiisyadii shirkado qalaad ay kula wareegeen maamulidda dekadda iyo gegida diyaaradaha ee Muqdisho.

Nidaamka maxkamadaha iyo garsoorka ee dalka ayaan weli u hawlgelin sidii la rabay iyadoo ay cirka isu shareereen dhacdooyinka dulmiga ee caddaalad darrada ee ka imanayay dhanka ciidamada dawladda iyo hay’adaha garsoorka. Waxaa xabsiyada loo taxaabay tiro badan oo muwaadiniin ah oo aan dembiyo galabsan. Sannadkan 2016-ka ayaa waxaa la xiray xubno badan oo ka tirsan saxaafadda xorta ah iyo xarumaha cilmibaarisyada ee dalka. Dawladdu waxa ay aad ugu dadaashay aamusinta ama laaluushidda cid kasta oo dhaleeceyn u soo jeedisa tallaabooyinka siyaasadeed ee ay qaadayso.

Waxaan sidoo kale cabashooyin ka taagnaayeen siyaasadda dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee dawladda. Waxaa masuuliyiinta dawladdu u bexeen boqollaal safarro oo aan natiijo wax ku ool ah soo saarin. Waxaa is daba marin badan laga arkay maareynta lagacaha dawladaha deeqda bixiya ay ugu talagaleen mashaariicda dib u dhiska dalka iyo kuwa loo qoondeeyey kaalmooyinka banii’aadanimo ee qeybaha bulshada ee saboolka ah oo ay abaaruhu waxyeelleeyeen. Waxaa aad u liitay sida dawladdu u wadday wadashaqeynta kala dhexeysa dawlado udub-dhexaad u ahaa dhismaha dawladda Soomaaliya. Tusaale ahaan, waxaa dhowr jeer la baddalay safiirada dawladda u fadhiya dalal badan oo Turkigu uu ka mid yahay.


Isku soo duub, taliska MW Xasan waxa uu ka faa’iideystay dadaallo badan oo dawladdii ka horaysay ay aasaaskoodii dhigtay. Muddadii u dhexeysay 16-ka Sebteember 2012 illaa 16-ka Sebteember 2016 dalka loogama jeedo ballan-qaadyadii saldhigga u ahaa barnaamijkii siyaasadeed ee uu la soo shir tagay madaxweynaha. Weli dawladdu waxa ay ku tiirsan tahay ilaalada AMISOM oo ciidan hagaagsan uma dhisna, xiriirka dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada wuu cakiran yahay, dastuurkii weli waxba laga qaban oo waxaa jahwareer ka dhici doonaa sida labada aqal ay isula shaqeyn lahaayeen. Sidoo kale, musuqa, lunsashada hantida dadweyne, qabyaaladda iyo kooxeysiguba waxa ay marayaan meeshii ugu sarraysay abid! Haddaba dawladdani afartii sano ee la soo dhaafay maxay soo kordhisay?

Saturday, December 17, 2016

Caqliyadda Argagixisada



Taariikh iyo Ujeeddo
Dad badan baa isku raacay in argagaxisadu ay tahay balada qarnigan aan ku jirno. Argagixisonimada iyo qeexiddeeda dhabta ah aad baa loogu kala aragti duwan yahay. Baaxadda falalka argagixisonimo iyo koobistoodaba weli heshiin kama aysan gaarin aqoonyahannada siyaasadda, xeeldheerayaasha arrimaha difaaca iyo ammaanka iyo hay’adaha la dagaallanka argagixisadaba. Qeexid kasta oo argagixisonimada la xiriirta waxaa saameeya aragtida siyaasadeed ee qofka, waxa uu aaminsan yahay, ujeedka falalka lagu tiriyey in ay argagixisonimo la xiriiraan iyo dhinaca uu ka taagan yahay loollannada siyaasadeed ee dunida ka jira. Qormadan kooban waxaa lagu lafaguri doonaa ujeedka argagixisonimada, nafsiyadda (Saaykolojiyada) argagixiyeyaasha, jaadadka falalka argagixisonimo iyo dawladaha iyo “la dagaallanka argagixisada”.
Sida laga dheehan karo taariikhda, falalka argagixisonimo, wuxuu adeegsigoodu aad u badan yahay marka ay jiraan loollano siyaasadeed iyo dagaallo u dhexeeya laba kooxood ama in ka badan oo aan awoodahooda iyo cududdooda ciidan aysan isu dhigmin sida dagaallada u dhexeeya dawladaha iyo fallaagooyinka talintooda ka soo horjeeda amaba xooggag qalaad oo dal ku soo duulay iyo kooxaha iska-caabbinta ee la dagaallamaya. Dagaallada noocan ahi waa waxa ay dadka ku xeeldheer arrimaha gaashaandhiggu afka qalaad ku yiraahdaan ‘Asymmetric Warfare’. Maadaama guusha dagaalka aysan ku xirneyn keliya cududda mileteri ee dagaalka ku lugta leh, kooxaha laga taagta roon yahay waxay adeegsadaan xeelado dagaal sida weeraro gaadmo ah oo ku-dhufoo-ka-dhaqaaq ah, afduubyo, qaraxyo, dilal abaabulan, is miidaamin iwm. Loollanka guusha ayaa waxa uu noqonayaa ujeedka koowaad ee falal badan oo argagixisonimo ah.
Ururkii ugu horreeyey dunida ee adeegsada xeeladaha argagaxisonimada casriga ah wuxuu ahaa dagaalyahannadii Yahuudda “Zealots of Judea” ee lagu magacaabi jiray “Sicarii” oo macnaheedu ahaa “raggii billaaweyaasha sitay”. Ururkan iyo xubnihiisaba waxa ay ka soo hor jeedeen xooggaggii boqortooyadii Roomaanka ee dhulalka ay ku nool yihiin ka talinaysay. Waxay dilal qarsoodi ah ku fulin jireen madaxda iyo ciidamada Roomaanka ah iyo ciddii kale ee la shaqaysa. Waxa ay aaminsanaayeen inta Roomaanku ay dhulkooda joogaan in aysan Yahuud daacad ah ahaan karin. Dantooda waxa ay ahayd abuurid xaalad cabsi iyo baqdin gelinta xoogaggii Roomaanka iyo qolo walba oo wada shaqeyni ka dhexeyso.
Sanadihii 66-70 kii Ciise dabadii, dagaalyahannadaasi waxa ay qeyb libaax leh ka qaateen kacdoonnadii looga soo hor jeeday guutadii 10-aad ee xoogagga Roomaanka kuwaasoo hareereeyey Qalcaddii ‘Masada oo ahayd meelihii ugu dambeeyey oo ay gabbaad ka dhigteen dagaalyahannadaasi iyo taageerayaashoodaba. Markii la go’doomiyey qalcaddaasi muddo labo sano ah ayaa ugu dambeyn dagaalyahannadaasi sanadkii 73-kii ay dhammaantood is dileen halkii ay iska dhiibi lahaayeen. Waxaa ka badbaaday labo hablood iyo shan caruur ah oo ku dhuuntay kanaalka biyaha ee qalacadda, ayaa noqday dadkii soo tebiyey wixii halkaa ka dhacay maalinkaas.
Ururada argagixisonimo ee taariikhda dunida soo maray waa ka mid ah “Xashaashiyiin” oo badanaa qoraallada Ingiriisiga ku qoran looga yaqaan “The Assassins” oo uu abaabulay wadaad diimeed Shiici ah oo lagu magacaabi jiray Xasan Sabbaax qarnigii 11-aad. Kooxdani ayaa waxa ay ka soo hor jeedday dawladdii Saljuuqiyiinta ee xilligaa jirtay, waxa ayna fulin jirtay shirqool dilal ah oo lagu beegsanayo madaxda iyo ragga magacyada leh ee maamulkii ay ka soo horjeedeen. Dilalka ay fuliyaan ayaa waxaa ay badanaa ka dhici jireen meelaha bulshada isugu timaaddo sida suuqyada si ay u abuuraan argagax joogto ah oo dadkuna baqdin u dareemo ugana fogaadaan dawladda iyo la shaqeynteeda.
Xashaashiyiinta waxa ay u sameysneyd qaabdhismeedka haramka “pyramid” oo kale. Qeybta u sarraysa ‘figta’ waxaa fadhiya hoggaamiyaha kooxda oo loogu yeero Wadaadka Buurta “Sheykh Al-Jabal”, waxaa ku xiga kala sarraynta dacwad fidiyeyaasha “Daaciyiin” oo ah kuwa qaabilsan baahinta aragtida kooxda iyo soo jiidashada xubnaha cusub ee kooxda. Qeybta dhexe ee haramka waxaa fadhiya naftii-hureyaaasha “Fidaa’iyiin” oo ah qolyaha fuliya falalka dilalka ah ee qorsheysan. Waxa ay diyaar u yihiin in ay u dhintaan fulinta hawlaha loo igmado. Waxaa qaab-dhismeedka u hooseeya oo salka haramka ahna waxaa fadhiya xubnaha cusub ee kooxda oo weli tababarku u socdo oo loogu yeeri jiray “rafiiqiin”. Sidani ayuu Xasan Sabbaax u dhisay mid ka mid ah kooxihii ugu halista badnaa ee taaariikhda argagixisada.
Sida magacoodaba laga garan karo xubnaha Xashaashiyiinta waxaa lagu eedeyn jiray in ay aad u isticmaali jireen maandooriyaha xashiishka. Qoraallada taariikhiga qaarkood ayaa sheegaya in Sabbaax uu lahaa beer aad u qurux badan oo miro iyo khudaar kala kaan ah laga helo halkaas oo ay joogeen hablo quruxsan. Beertaasi ayaa waxaa la geyn jiray naftii-hureyaasha inta aanan hawlgal loo dirin iyagoo xashiish cabsan si loogu diyaariyo hawlaha adag ee ay wajahayaan. Sidoo kale, magacooda waxaa lala xiriiriyaa inuu ka yimid “Al Asaasiyiyiin” oo leh macnayaasha ‘aasaas, saldhig, billow, tiir’. Sida ka muuqata aragtidan dambe, magacooda waxa uu u yara eg yahay macno ahaan kii “Al-Qaacida”.
Sida uu ku sheegey taariikh yahanka Bernad Lewis buuggiisa “The Assassins: A Radical Sect in Islam” xashaashiyiintu dilalkoodu waxa ay ku saleysnaayeen keliya danaha siyaasadeed ee ay lahaayeen. Sidaa daraaddeed muuqaallo fara badan oo ururo argagixiso ay leeyihiin ayaa dadka sirmi karaa oo malaysiin kara in ay matalayaan diin gaar. Hase ahaatee adeegsiga diinta ee qolyaha argagixisada ayaa waxa uu yahay keliya qalab dacaayadeed iyo xeelad borobogaando oo ay dadka ku kasbadaan. Xashaashiyiintu waxa ay caan ku ahaayeen in ay shirqoollada iyo dilka shakhsiyaadka ay u adeegsan jireen awood siyaasadeed oo ay ku majaxaabiyaan maamulladii ay la loollamayeen.
Markii ugu horreysey ee ereyga “terrorism/argagixisonimo” uu si rasmi ah u soo galay taxanaha taariikhda siyaasadda dunida waxa ay ahayd abbaarihii Kacdoonkii Faransiiska, xilligaas oo koox loo yaqaanay Jacobins ay la wareegeen xukunka dalkaas. Kooxdani oo xilligii ay talada haysay loogu yeeri jiray taliskii argaggaxa Reign of Terror ayaa waxay gacan bir ah ku maamulaysay dalka Faransiiska. Waxa ay si xooggan u cadaadisay una cabburisa cid kasta oo ka soo hor jeedsatay kacdoonkii ay iyadu wadday. Muddadii uu jiray taliskii argaggaxa oo ka yarayd sanad ayaa waxaa la dilay 17,000 (toddoba iyo toban kun) oo qof, halka tiro tabaneeyo kun ahna ay xabsiyada si dandarro ah ugu dhinteen iyaga oo aan wax maxkamad ah la soo taagin.


Bare sare Randy Borum oo Jaamacadda South Florida wax ka dhiga ayaa buuggiisa “Psychology of Terrorism ku qeexay Argagixisonimadu in ay tahay "falal ama rabshado cadawtooyo oo si bareer ah loogu beegsanayo da d rayid ah -oo aan dagaal ku lug laheyn- si loo xaqiijiyo afkaar diimeed, aydiyoolojiyo gaar ah, amaba dano siyaasadeed". Dadka qaarkood baa ku kooba argagixisonimada adeegsiga xoogga ee urur aan dawli aheyn si uu u baqdin geliyo qolyaha uu beegsanayo iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay kasbashada taageero dadweyne iyo in cadowgooda si jujuub ah ku liqsiiyaan dalabaadkooda iyo doonistooda.
Qormo lagu daabacay Encyclopedia Britannica oo cinwaankeedu ahaa “Terrorism” ayaa argagixisonimada ku sheegtay “adeegsiga joogtada ah ee xoogga iyo qalalaasaha si loo abuuro xaalad baqdin bulshada dhexdeeda ah iyada oo la doonayo meel marinta ujeeddooyin siyaasadeed oo gaar ah. In kastoo billowgii falalka argagixiso ay ahaayeen kuwo ka imaanayay dhanka dawladda, wixii ka dambeeyey qarnigii 20-aad falalka argagixisonimo waxaa loo aqoonsaday kuwa qolyo gaar ahi ay kaga soo hor jeedaan dawlad gaar ah. Argagixisonimadu waa fal ujeedkiisu yahay abuuridda qalqal iyo xasillooni darro bulshada dhexdeeda laguna beegsanayo dadweynaha ha ka yimaado dhinac dawladeed ama ururro ama shakhsiyaaad caadi ah.
Nafsiyadda Argagixisada
Sida uu ku sheegay Randy Borum buuggiisa Psychology of Terrorism daraasadihii ugu horeeyey ee la xiriiray falalka argagixisonimo waxay xoogga saareen falanqeynta sababaha keena rabshadaha cadawtinimo ee aadanaha. Sigmun Freud oo caan ku ah daraasadaha cilmu nafsiga ayaa qaba in xadgudubka iyo colaadintu ay yihiin dareen fidri ah oo ku beeran aadanaha oo sii kordhi kara inta noloshiisa jirto. Freud wuxuu sheegay in aadanuhu uu leeyahay tamarta nolosha “eros” iyo awoodda geerida “thanatos” oo u baahan mar kasta in la isku dheellitiro. rabshadaha cadawtooyonimo waxay ka dhashaan marka qofku awooddii geerida uu ku bixiyo dadka kale.
Mid ka mid ah aragtiyaha ugu hadal heynta badan 50-kii sano ee ug dambeeyey ee cilmu nafsiga waxay sheegeysaa in caalwaagu “frustration” iyo niyad jabku ay sabab u noqon karaan in qofku la yimaado qalalaase iyo falal cadawtooyo oo argagixin iyo waxyeelleyn kara dadka uu la nool yahay. Dadku dabeecaddoodu waxa ay ku jaangooyaan oo u qaabeeyaan si waafaqsan xaaladda hortooda taalla. Qofku cadaawadda iyo soo dhaweyntiisa ku aaddan arrin waxaa saameyn ku leh fekradda hore ee uu ka qabo arrinka. In qofku qalalaase iyo dhiillo joogto ah la yimaado waxaa badanaa u sabab ah inuusan laheyn karti uu is afgaran waayada si nabad ah ku xalliyo ama kalsoonida uu ku qabo naftiisa iyo xirfaddiisa oo hooseysa.
Sidaas daraaddeed falalka argagixisada waxaa saldhig u ah aragtida qofeed iyo fekradda ay ka qaataan xaaladaha siyaasadeed ee deegaannada ay ku nool yihiin, halkii ay si aan janjeer iyo eex laheyn u fiirin lahaayeen duruufaha ku hareereysan. Aragtiyahoodaas badanaa waxay ku miiraan waxyaabaha ay aaminsan yihiin, khibraddooda iyo xusuustooda. Cilmi baaris badan oo ay sameeyeen aqoonyahanno ku xeeldheer dabeecadda aadanaha ayaa argagixisonimada la xiriiriyey naarsiisam-ka iyagoo tibaaxay in qofku naarsiistiga ah uu qiimaha naftiisa ay leedahay ay kala weyn tahay qiimaha nolosha dadka kale oo dhan. Arrintani ayaa waxa ay qiil u yeeleysaa in si qofku ujeeddooyinkiisa siyaasadeed uu u gaaro inuu halaago inta isaga ka soo hartay oo idil.
Aragtiyo cilmiyeedyada qaarkood baa soo jeediyey in cunfiga iyo argagixisonimada ay xiriir la leedahay cillad ka jirta shakhsiyadda qofka (personality disorder). Dadka falalka argaggixisonimada ku kaca badankood waxa ay soo mareen nolol adag iyo qoysas burbur ah oo aan si fiican u shaqeyneyn. Cadaawada ay caruurnimadooda ku soo barbaareen ayaa sababysa in ay la yimaadaan naceyb iyo fallaagonimo ku aaddan dadka kale. Su’aalaha badanaa la is weydiiyo marka laga hadlayo argagixisonimada ayaa waxaa ka mid ah sababta dhallinyaro fara badan oo u muuqda in ay qoysas xasilloon oo nolol wanaagsan ku nool ay ugu biiraan ururada argagixisada. Waxaana loo aaneeyey baahida uu qofku u qabo in uu ‘waxqabad’ la yimaado iyo in uu helo koox ama cid uu ka tirsan yahay taasoo siinaysa aqoonsi iyo qanaaco. Sida uu qabo rug caddaaga cilmu nagsiga ee Abraham Moslow baahida nafeed ee aqoonsiga iyo meel ka tirsanaansaha waa baahiyaha uu banii’aadanku qabo oo lagama maarmaan ah in la haqab-tiro.
Cilmi baaris ay samaysay Jaamacadda Maryland ee dalka Maraykanka oo cinwaankeedu ahaa “Psychology of Terrorism: ‘Syndrome’ Versus ‘Tool’ Perspective ayaa argagixisonimada ka eegtay laba dhinac oo kale ah in argagixisonimadu tahay astaan nafsiyadeed oo la xiriiri karta faya qabka maanka qofka iyo aalad dagaal oo loo adeegsanayo ka guul gaaridda loollanka ay ku jiraan kooxaha falalka argagixiso ku kacaya. Marka laga eegayo dhanka astaamaha qofeed ee xubnaha argagixisada ayaa waxaa la baaraa xaaladaha bulshadeed ee qofka sida saboolnimada, qoyska waxbarasho la’aanta, cadaadis siyaasadeed iwm, iyada oo ujeeddadu tahay in la kala sooci karo qofka argagixiyaha ah iyo qofka caadiga ah.
Dhanka kale, agagixisanimadu waxaa loo arki karaa ‘aalad’ iska caabbin oo loo adeegsado ka guul gaaridda halgannada ay qeybaha ka yihiin qolyaha argagixisada ah. Halkan cilmi nafsiga argagixisada waxa uu baaraa yoolka ay hiigsanayaan qolyaha argagixisada iyo dhabbaha ay u marayaan. Halkani, falka argagixiso waxa uu noqonayaa ‘xeelad dagaal’ oo lagu xaqiijinayo danaha siyaasadeed ee ururadu ay leeyihiin. Waxaa halkan laga dheehan karaa aragtidii “Machiavelli” ee nuxurkeedu ahaa dhabbo kasta oo aad danahaaga ku xaqiijin kartaa way bannaan tahay. Sidaa darteed, argagixisonimada waa aalad dagaal sida qoriga iyo taangiga oo kale ah oo loo adeegsado majaxaabinta cadowga iyo gaaridda guusha.
Jaadadka Falalka Argagixisada
Sida uu Robert Pabe, oo bare cilmiga siyaasadda ka ah Jaamacadda Chicago, ku sheegay buuggiisa Dying to Win: The Strategic Logic of Suicide Terrorism waxaa jira habab argagixisonimo oo kala kaan ah sida argagixiso bandhigeed “demonstrative terrorism” oo ujeedkeedu yahay in qadiyadda ay qolada falalka argagixisonimo ku kacaya ay dacaayad hesho oo dad badan gaarto si ay dad cusub u soo jiitaan oo uraradooda ku soo biira iyo in ay toosh ku iftiimayaa waxa ay cabashadooda tahay. Argagixisada noocan ahi waxa ay u dan leedahay in dacaayadda hawlahooda la gaarsiiyo tirada ugu badan ee dad ah iyadoo aan ahmiyad badan la siineyn tirada dhimashada la geysanayo. Ururada falalka noocaas ah oo kale fuliyey waxaa ka mid ah dagaalyahannadii North Ireland ee loo yaqiin “Orange Volunteers”. Waxaa kale oo jira agagixiso burburineed “Distructive Terrorism” oo ah mid ka xoog iyo waxyeello badan tii hore loogana golleeyahay in cadawga sida ugu daran ee suurta galka in loo waxyeelleeyo, kashaare ba’an la gaarsiiyo oo xanuun la dareensiiyo. Qolyaha hababkan adeegsada waxaa ka mid ah Jabhaddii Colombia ka dagaallamaysay ee “FARC”.
Ismiidaaminta “suicide attacks” oo ah habka ugu badan oo falalka argagixisada casrigan aan joogno loo fuliyo ayaa waxaa loo aaneeyey dhowr sababood. Sababta koowaad ismiidaamintu kooxaha argagixisada waxay ay u tahay hab ay u xambaarsan tahay ujeeddo sare oo badanaa la xiriirta caqiiddo diimeed. Waxaana tusaale u ah ismiidaaminta ugu badan ee ay sameeyaan kooxaha argagixisada ee diimaha haysta sida Islaamka kuwaasoo aaminsan falka ay samaynayaan natiijadiisa in ay janno ku helayaan. Sababta labaad, ismiidaamintu waa hab fudud oo khasaareheedu xaddidan yahay oo cadawga lagu waxyeelleeyo. Arrintani waxaa loo tusaaleyn karaa jabhado hubeysan oo falal is miidaamin ah fuliya oo aan ujeeddo diimeed laheyn sida Tamil Tigers-ka.
Aqoonyahannada cilmiga bulshada ee ka hadla isdilidda ‘suicide’ waxaa u horreeyey uguna caansan Emile Durkheim. Buuggiisii caanka ahaa ee ‘Suicide’ waxa uu ku iftiimiyey waxyaabaha horseeda is dilka. Wuxuu xoogga saaray astaamo bulshadeedka doorka weyn ka cayaara in qof naftiisa gooyo oo ay ka mid yihiin cadaadiska reeraha iyo bulshada, caruur la’aanta, lammaane la’aanta, saxmadda iyo buuqa nolosha magaalooyinka, sara kaca heerarka nolosha, xanuun jir ahaaneed oo daran iyo isku dhexyaac dhanka maanka ah. Quus iyo caalwaa’ la xiririira culeyska nolosha iyo dhibteeda ayuu ku dooday in ay sababaan falalka is dilidda ah ee bulshooyinkii uu baaray Durkheim. In kastoo isdilka uu ka hadlayay Durkheim aysan la xiriirin ismiidaaminta casriga ah, haddana waxaa aqoonyahannada qaarkood ku doodaan in ay wax badan wadaagaan.
Argagixisadu nooc kasta oo ay ahaataba kummanaan baa noloshooda ku waaya sanad walba. Kaydka macluumaadka ee Mashruuca Chicago ee Amniga iyo La Dagaallanka Argagixisada oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano “CPOST” ayaa wuxuu ururiyey tirada falalka ismiidaaminta ah ee 1982 illaa 2016-ka ee ka dhacay dunida ku qiyaasay 5,292 weerar oo ka kala dhacay in ka badan 40 dal. Soomaaliya haddii aan si madax bannaan u eegno intii ka dambaysay 2006-dii waxaa ka dhacay 117 weerar ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen tiro gaaraysa 1,029 qof halka mid taas ka badanina ay ku dhaawacmeen. Celcelis weerar kasta waxaa ku naf waayay 9 qof.
Dawladaha iyo La Dagaallanka Argagixisada
Qarnigii 20-aad ee tagay iyo qarnigan cusub ee ku caan baxay adeegsigga siyaasadaha danaystenimada “Opportunistic Politics” ayaa waxaa soo baxday in dawlado fara badan ay ku lug lahaadaan kooxo argagixiso iyo fallaagooyin talada dawladahooda ka soo hor jeeda. Arrintan ayaa keentay in mugdi badan soo galo qeexidda ‘argagixisonimada’ ee dhinacyada loollamada siyaasadeed ku jira. Siday doonto ha noqotee, argagixisonimadu waxa ay noqotay halbeeg dawladaha taagta leh ay samaysteen oo hadba ciddii ay rabaan in ay maagaan ay ku calaamadiyaan. Bare wax ka dhiga Jaamacadda Melbourn ayaa si maad leh u yiri “Inaad bambo dad ku tuurto waa wax xun oo argagixisonimo ah, haddii aad dusha diyaarado bambooyin kaga soo duqaysana waa hawlgallo fiican!”
Tan iyo aasaaskii ‘Midowga Ummadaha’, golayaasha Qaramada Midoobay waxay ku guuldarraysteen in ay soo saaraan qeexid la xiriirta ‘argagixisonimada’ oo la isku raacsan yahay. Argagixisonimadu waa xeelad dagaal oo dawladuhu marka ay iyagu adeegsanayaan ay la wacan tahay, halka marka cadowgoodu adeegsado uu noqonayo ‘argagixiye’ nabadda adduunka iyo amniga aadanahaba halis ku ah. Sidaas daraaddeed bay caan u noqotay oraahda ah ‘Nin argagixisadii waa nin kale xorriyad-u-dirirkii’. Siyaasadaha is diiddan ayaa hadba waxa ay ‘argagixiso’ ku calaamadiyaan cidda danahooda ka soo hor jeeda. Dawladaha xoog weynayaasha ah sida Maraykana ayaa noqdeen meelaha laga soo saaro magacyada argagixisada.
Intii ka dambaysay 11-ka Sebteembar, warbaahinta reer galbeedka ayaa waxay ay, si aan ka labalabeyn laheyn, argagixiso ku sheegaan fal kasta oo qofka geystaahi uu heyb islaam ah leeyahay. Dawladda Maraykanku waxa ay taageertaa xooggaga Kurdida ee la dagaallama dawladda Suuriya ee Bashaar Al-Asad uu hoggaamiyo. Waxaa ka mid ah xooggagaas Xisbiga Shaqaalaha Kurdiyiinta ‘PKK’, Dhaqdhaqaaqa Difaaca Dadka ‘YPG’ iyo Xisbiga Midowga Dimuqraadiyiinta ‘PYD’ oo Maraykanku xoogag iska caabbin u arko, halka dawladda Turkiguna ay ururo argagixiso uga diiwaangashan yihiin.
Maadaama aan xeer ‘argagixisonimada’ xaddida oo si cad u qeexa jirin, ayaa waxay dhalisay in dawladuhu ku kacaan falal banii’aadannimada ka soo hor jeeda oo haddana cidina argagixiso ugu yeerin maadaama fal dawladeed uu yahay. Gummaadka dawladda Shiinaha ay ku hayso muslimiinta Uygur-ka, duqeymaha Israa’iil ee marasta reer Falastiin, weerarada Ruushka ee Kirimeeya iyo dhacdooyin badanoo la mid ah oo dawlado ku kaceen ayaa waxaa ku waxyeellooba kumanaan wax ma galabsato ah hase yeeshee cidna falal argagixiso uma aragto! Maadaama dawladuhu xoogga waaweyn ay iyaga dunida u arrimiyaan waxa ay samaysteen ereybixinno qurux badan oo lagu daboollo dembiyada ay geystaan askartooda sida “collateral damagae”, iyo “necessary loss” iwm oo ay ku cabbiraan khasaaraha ay geystaan si ay danahooda u gaaraan.
Haddii aan Soomaaliya il gaar ah ku eegno, dawladda Soomaaliya, ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka iyo dawladda Maraykankaba iyagoo ku doodaya magaca la dagaallanka argagixisada ayaa waxay sababeen khasaaro badan oo naf iyo maalba leh oo loo geystay shacab aan waxba galabsan. La dagaallanka argagixisada ayaa waxa uu noqday cudurdaar lagu daboolo dilalka iyo duqeymaha aan kala sooca laheyn ee ay sababaan inta lagu guda jiro hawlgallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ah. Sannad walba hay’ado caalami ah sida Amnesty International ayaa soo saara warbixinno ku salaysan dilal, boob iyo kufsi ay geestaan xoogagga dawladda, maleeshiyaadka la socda iyo ciidama AMISOM.

Gebagabdii, sabab kasta ha loo aaneeyee, falalka argagixisada oo ay u horayso ismiidaamintu ma laha ujeeddo diimeed. Cilmi baaris lagu sameeyey falalkii argagixisonimo ee u dhexeeyey 1980 illaa 2003 dii ayaa waxaa lagu gaaray natiijo ah in ismiidaamintu aysan la xiriirin diin. Ku dhowaad 90% falalka ismiidaaminta waxaa looga soo horjeeday xoogag soo galooti ah oo dhulal qalaad xoog ku qabsaday. Ismiidaamintu waxa ay abuurtaa faa’iidooyin istaraajiyadeed oo kooxaha argagixisada goobaha dagaalku aysan ku kasban karin. Sidaa daraaddeed falalka argagixiso dhammaantood waa tabab fuleynimo oo argagixisadu ugu hor tagaan iska hor imaadyada, xeelad dagaal oo cadawgooda khasaare ba’an lagu gaarsiiyo, shacabka lagu cabsi geliyo oo dacaayadna lagu kasbado. Olole kasta oo lagula halgamayo argagixisadana waa inuu fahankaas ka ambaqaadaa haddii la doonayo inuu guulaysto. 

Ku Biiridda AMISOM: Maxay Lix Dal oo Afrikaan Ah ay Ciidamo ugu Deeqeen Hawlgalka Midwoga Afrika ee Soomaaliya?

Ku Biiridda AMISOM: Maxay Lix Dal oo Afrikaan Ah ay Ciidamo ugu Deeqeen Hawlgalka Midwoga Afrika ee Soomaaliya? ∗ Falan...