Taariikh iyo Ujeeddo
Dad badan baa isku raacay in argagaxisadu ay
tahay balada qarnigan aan ku jirno. Argagixisonimada iyo qeexiddeeda dhabta ah
aad baa loogu kala aragti duwan yahay. Baaxadda falalka argagixisonimo iyo
koobistoodaba weli heshiin kama aysan gaarin aqoonyahannada siyaasadda,
xeeldheerayaasha arrimaha difaaca iyo ammaanka iyo hay’adaha la dagaallanka
argagixisadaba. Qeexid kasta oo argagixisonimada la xiriirta waxaa saameeya
aragtida siyaasadeed ee qofka, waxa uu aaminsan yahay, ujeedka falalka lagu
tiriyey in ay argagixisonimo la xiriiraan iyo dhinaca uu ka taagan yahay
loollannada siyaasadeed ee dunida ka jira. Qormadan kooban waxaa lagu lafaguri
doonaa ujeedka argagixisonimada, nafsiyadda (Saaykolojiyada) argagixiyeyaasha,
jaadadka falalka argagixisonimo iyo dawladaha iyo “la dagaallanka argagixisada”.
Sida laga dheehan karo taariikhda, falalka
argagixisonimo, wuxuu adeegsigoodu aad u badan yahay marka ay jiraan loollano
siyaasadeed iyo dagaallo u dhexeeya laba kooxood ama in ka badan oo aan
awoodahooda iyo cududdooda ciidan aysan isu dhigmin sida dagaallada u dhexeeya
dawladaha iyo fallaagooyinka talintooda ka soo horjeeda amaba xooggag qalaad oo
dal ku soo duulay iyo kooxaha iska-caabbinta ee la dagaallamaya. Dagaallada
noocan ahi waa waxa ay dadka ku xeeldheer arrimaha gaashaandhiggu afka qalaad
ku yiraahdaan ‘Asymmetric Warfare’. Maadaama guusha dagaalka aysan ku xirneyn keliya cududda mileteri ee
dagaalka ku lugta leh, kooxaha laga taagta roon yahay waxay adeegsadaan xeelado
dagaal sida weeraro gaadmo ah oo ku-dhufoo-ka-dhaqaaq ah, afduubyo, qaraxyo,
dilal abaabulan, is miidaamin iwm. Loollanka guusha ayaa waxa uu noqonayaa
ujeedka koowaad ee falal badan oo argagixisonimo ah.
Ururkii ugu horreeyey dunida ee adeegsada
xeeladaha argagaxisonimada casriga ah wuxuu ahaa dagaalyahannadii Yahuudda “Zealots
of Judea” ee lagu magacaabi jiray “Sicarii” oo macnaheedu ahaa “raggii billaaweyaasha sitay”. Ururkan iyo
xubnihiisaba waxa ay ka soo hor jeedeen xooggaggii boqortooyadii Roomaanka ee
dhulalka ay ku nool yihiin ka talinaysay. Waxay dilal qarsoodi ah ku fulin
jireen madaxda iyo ciidamada Roomaanka ah iyo ciddii kale ee la shaqaysa. Waxa
ay aaminsanaayeen inta Roomaanku ay dhulkooda joogaan in aysan Yahuud daacad ah
ahaan karin. Dantooda waxa ay ahayd abuurid xaalad cabsi iyo baqdin gelinta
xoogaggii Roomaanka iyo qolo walba oo wada shaqeyni ka dhexeyso.
Sanadihii 66-70 kii Ciise dabadii, dagaalyahannadaasi
waxa ay qeyb libaax leh ka qaateen kacdoonnadii looga soo hor jeeday guutadii
10-aad ee xoogagga Roomaanka kuwaasoo hareereeyey Qalcaddii ‘Masada’ oo ahayd meelihii ugu dambeeyey oo ay gabbaad ka dhigteen
dagaalyahannadaasi iyo taageerayaashoodaba. Markii la go’doomiyey
qalcaddaasi muddo labo sano ah ayaa ugu dambeyn dagaalyahannadaasi sanadkii 73-kii
ay dhammaantood is dileen halkii ay iska dhiibi lahaayeen. Waxaa ka badbaaday
labo hablood iyo shan caruur ah oo ku dhuuntay kanaalka biyaha ee qalacadda,
ayaa noqday dadkii soo tebiyey wixii halkaa ka dhacay maalinkaas.
Ururada argagixisonimo ee taariikhda dunida soo
maray waa ka mid ah “Xashaashiyiin” oo badanaa qoraallada Ingiriisiga ku qoran
looga yaqaan “The Assassins” oo uu abaabulay wadaad diimeed Shiici ah oo lagu magacaabi jiray Xasan Sabbaax qarnigii 11-aad. Kooxdani ayaa waxa ay ka soo hor jeedday dawladdii
Saljuuqiyiinta ee xilligaa jirtay, waxa ayna fulin jirtay shirqool dilal ah oo lagu
beegsanayo madaxda iyo ragga magacyada leh ee maamulkii ay ka soo horjeedeen.
Dilalka ay fuliyaan ayaa waxaa ay badanaa ka dhici jireen meelaha bulshada
isugu timaaddo sida suuqyada si ay u abuuraan argagax joogto ah oo dadkuna
baqdin u dareemo ugana fogaadaan dawladda iyo la shaqeynteeda.
Xashaashiyiinta waxa ay u sameysneyd
qaabdhismeedka haramka “pyramid” oo kale. Qeybta u sarraysa ‘figta’ waxaa
fadhiya hoggaamiyaha kooxda oo loogu yeero Wadaadka Buurta “Sheykh Al-Jabal”,
waxaa ku xiga kala sarraynta dacwad fidiyeyaasha “Daaciyiin” oo ah kuwa
qaabilsan baahinta aragtida kooxda iyo soo jiidashada xubnaha cusub ee kooxda.
Qeybta dhexe ee haramka waxaa fadhiya naftii-hureyaaasha “Fidaa’iyiin” oo ah
qolyaha fuliya falalka dilalka ah ee qorsheysan. Waxa ay diyaar u yihiin in ay
u dhintaan fulinta hawlaha loo igmado. Waxaa qaab-dhismeedka u hooseeya oo
salka haramka ahna waxaa fadhiya xubnaha cusub ee kooxda oo weli tababarku u
socdo oo loogu yeeri jiray “rafiiqiin”. Sidani ayuu Xasan Sabbaax u dhisay mid
ka mid ah kooxihii ugu halista badnaa ee taaariikhda argagixisada.
Sida magacoodaba laga garan karo xubnaha Xashaashiyiinta
waxaa lagu eedeyn jiray in ay aad u isticmaali jireen maandooriyaha xashiishka.
Qoraallada taariikhiga qaarkood ayaa sheegaya in Sabbaax uu lahaa beer aad u
qurux badan oo miro iyo khudaar kala kaan ah laga helo halkaas oo ay joogeen
hablo quruxsan. Beertaasi ayaa waxaa la geyn jiray naftii-hureyaasha inta aanan
hawlgal loo dirin iyagoo xashiish cabsan si loogu diyaariyo hawlaha adag ee ay
wajahayaan. Sidoo kale, magacooda waxaa lala xiriiriyaa inuu ka yimid “Al
Asaasiyiyiin” oo leh macnayaasha ‘aasaas, saldhig, billow, tiir’. Sida ka
muuqata aragtidan dambe, magacooda waxa uu u yara eg yahay macno ahaan kii
“Al-Qaacida”.
Sida uu ku sheegey taariikh yahanka Bernad Lewis buuggiisa “The Assassins: A Radical
Sect in Islam” xashaashiyiintu dilalkoodu waxa ay ku
saleysnaayeen keliya danaha siyaasadeed ee ay lahaayeen. Sidaa daraaddeed
muuqaallo fara badan oo ururo argagixiso ay leeyihiin ayaa dadka sirmi karaa oo
malaysiin kara in ay matalayaan diin gaar. Hase ahaatee adeegsiga diinta ee
qolyaha argagixisada ayaa waxa uu yahay keliya qalab dacaayadeed iyo xeelad
borobogaando oo ay dadka ku kasbadaan. Xashaashiyiintu waxa ay caan ku ahaayeen
in ay shirqoollada iyo dilka shakhsiyaadka ay u adeegsan jireen awood
siyaasadeed oo ay ku majaxaabiyaan maamulladii ay la loollamayeen.
Markii ugu horreysey ee ereyga
“terrorism/argagixisonimo” uu si rasmi ah u soo galay taxanaha taariikhda
siyaasadda dunida waxa ay ahayd abbaarihii Kacdoonkii Faransiiska, xilligaas oo koox loo yaqaanay Jacobins ay la wareegeen xukunka dalkaas. Kooxdani oo
xilligii ay talada haysay loogu yeeri jiray taliskii argaggaxa ‘Reign of Terror’ ayaa waxay gacan bir ah ku maamulaysay dalka Faransiiska. Waxa ay si
xooggan u cadaadisay una cabburisa cid kasta oo ka soo hor jeedsatay kacdoonkii
ay iyadu wadday. Muddadii uu jiray taliskii argaggaxa oo ka yarayd sanad ayaa
waxaa la dilay 17,000 (toddoba iyo toban kun) oo qof, halka tiro tabaneeyo kun
ahna ay xabsiyada si dandarro ah ugu dhinteen iyaga oo aan wax maxkamad ah la
soo taagin.
Bare sare Randy Borum oo Jaamacadda South Florida wax ka dhiga ayaa
buuggiisa “Psychology of Terrorism” ku qeexay Argagixisonimadu in ay tahay "falal ama rabshado cadawtooyo oo si bareer
ah loogu beegsanayo da d rayid ah -oo aan dagaal ku lug laheyn- si loo
xaqiijiyo afkaar diimeed, aydiyoolojiyo gaar ah, amaba dano siyaasadeed".
Dadka qaarkood baa ku kooba argagixisonimada adeegsiga xoogga ee urur aan dawli
aheyn si uu u baqdin geliyo qolyaha uu beegsanayo iyadoo ujeedka ugu weyn uu
yahay kasbashada taageero dadweyne iyo in cadowgooda si jujuub ah ku liqsiiyaan
dalabaadkooda iyo doonistooda.
Qormo lagu daabacay Encyclopedia Britannica oo
cinwaankeedu ahaa “Terrorism” ayaa argagixisonimada
ku sheegtay “adeegsiga joogtada ah ee xoogga iyo qalalaasaha si loo abuuro xaalad
baqdin bulshada dhexdeeda ah iyada oo la doonayo meel marinta ujeeddooyin
siyaasadeed oo gaar ah. In kastoo billowgii falalka argagixiso ay ahaayeen kuwo
ka imaanayay dhanka dawladda, wixii ka dambeeyey qarnigii 20-aad falalka
argagixisonimo waxaa loo aqoonsaday kuwa qolyo gaar ahi ay kaga soo hor jeedaan
dawlad gaar ah. Argagixisonimadu waa fal ujeedkiisu yahay abuuridda qalqal iyo
xasillooni darro bulshada dhexdeeda laguna beegsanayo dadweynaha ha ka yimaado
dhinac dawladeed ama ururro ama shakhsiyaaad caadi ah.
Nafsiyadda Argagixisada
Sida uu ku sheegay Randy Borum buuggiisa “Psychology of Terrorism” daraasadihii ugu
horeeyey ee la xiriiray falalka argagixisonimo waxay xoogga saareen falanqeynta
sababaha keena rabshadaha cadawtinimo ee aadanaha. Sigmun Freud oo caan ku ah
daraasadaha cilmu nafsiga ayaa qaba in xadgudubka iyo colaadintu ay yihiin
dareen fidri ah oo ku beeran aadanaha oo sii kordhi kara inta noloshiisa jirto.
Freud wuxuu sheegay in aadanuhu uu leeyahay tamarta nolosha “eros” iyo awoodda
geerida “thanatos” oo u baahan mar kasta in la isku dheellitiro. rabshadaha
cadawtooyonimo waxay ka dhashaan marka qofku awooddii geerida uu ku bixiyo dadka
kale.
Mid ka mid ah aragtiyaha ugu hadal heynta badan
50-kii sano ee ug dambeeyey ee cilmu nafsiga waxay sheegeysaa in caalwaagu
“frustration” iyo niyad jabku ay sabab u noqon karaan in qofku la yimaado qalalaase
iyo falal cadawtooyo oo argagixin iyo waxyeelleyn kara dadka uu la nool yahay. Dadku
dabeecaddoodu waxa ay ku jaangooyaan oo u qaabeeyaan si waafaqsan xaaladda
hortooda taalla. Qofku cadaawadda iyo soo dhaweyntiisa ku aaddan arrin waxaa
saameyn ku leh fekradda hore ee uu ka qabo arrinka. In qofku qalalaase iyo
dhiillo joogto ah la yimaado waxaa badanaa u sabab ah inuusan laheyn karti uu
is afgaran waayada si nabad ah ku xalliyo ama kalsoonida uu ku qabo naftiisa
iyo xirfaddiisa oo hooseysa.
Sidaas daraaddeed falalka argagixisada waxaa
saldhig u ah aragtida qofeed iyo fekradda ay ka qaataan xaaladaha siyaasadeed
ee deegaannada ay ku nool yihiin, halkii ay si aan janjeer iyo eex laheyn u
fiirin lahaayeen duruufaha ku hareereysan. Aragtiyahoodaas badanaa waxay ku
miiraan waxyaabaha ay aaminsan yihiin, khibraddooda iyo xusuustooda. Cilmi
baaris badan oo ay sameeyeen aqoonyahanno ku xeeldheer dabeecadda aadanaha ayaa
argagixisonimada la xiriiriyey naarsiisam-ka iyagoo tibaaxay in qofku
naarsiistiga ah uu qiimaha naftiisa ay leedahay ay kala weyn tahay qiimaha
nolosha dadka kale oo dhan. Arrintani ayaa waxa ay qiil u yeeleysaa in si qofku
ujeeddooyinkiisa siyaasadeed uu u gaaro inuu halaago inta isaga ka soo hartay
oo idil.
Aragtiyo cilmiyeedyada qaarkood baa soo jeediyey
in cunfiga iyo argagixisonimada ay xiriir la leedahay cillad ka jirta
shakhsiyadda qofka (personality disorder). Dadka falalka argaggixisonimada ku
kaca badankood waxa ay soo mareen nolol adag iyo qoysas burbur ah oo aan si
fiican u shaqeyneyn. Cadaawada ay caruurnimadooda ku soo barbaareen ayaa
sababysa in ay la yimaadaan naceyb iyo fallaagonimo ku aaddan dadka kale. Su’aalaha
badanaa la is weydiiyo marka laga hadlayo argagixisonimada ayaa waxaa ka mid ah
sababta dhallinyaro fara badan oo u muuqda in ay qoysas xasilloon oo nolol
wanaagsan ku nool ay ugu biiraan ururada argagixisada. Waxaana loo aaneeyey
baahida uu qofku u qabo in uu ‘waxqabad’ la yimaado iyo in uu helo koox ama cid
uu ka tirsan yahay taasoo siinaysa aqoonsi iyo qanaaco. Sida uu qabo rug
caddaaga cilmu nagsiga ee Abraham Moslow baahida nafeed ee aqoonsiga iyo meel
ka tirsanaansaha waa baahiyaha uu banii’aadanku qabo oo lagama maarmaan ah in
la haqab-tiro.
Cilmi baaris ay samaysay Jaamacadda Maryland ee
dalka Maraykanka oo cinwaankeedu ahaa “Psychology of Terrorism:
‘Syndrome’ Versus ‘Tool’ Perspective” ayaa argagixisonimada ka eegtay laba dhinac oo kale ah in argagixisonimadu
tahay astaan nafsiyadeed oo la xiriiri karta faya qabka maanka qofka iyo aalad
dagaal oo loo adeegsanayo ka guul gaaridda loollanka ay ku jiraan kooxaha
falalka argagixiso ku kacaya. Marka laga eegayo dhanka astaamaha qofeed ee
xubnaha argagixisada ayaa waxaa la baaraa xaaladaha bulshadeed ee qofka sida
saboolnimada, qoyska waxbarasho la’aanta, cadaadis siyaasadeed iwm, iyada oo
ujeeddadu tahay in la kala sooci karo qofka argagixiyaha ah iyo qofka caadiga
ah.
Dhanka kale, agagixisanimadu waxaa loo arki karaa
‘aalad’ iska caabbin oo loo adeegsado ka guul gaaridda halgannada ay qeybaha ka
yihiin qolyaha argagixisada ah. Halkan cilmi nafsiga argagixisada waxa uu
baaraa yoolka ay hiigsanayaan qolyaha argagixisada iyo dhabbaha ay u marayaan.
Halkani, falka argagixiso waxa uu noqonayaa ‘xeelad dagaal’ oo lagu xaqiijinayo
danaha siyaasadeed ee ururadu ay leeyihiin. Waxaa halkan laga dheehan karaa
aragtidii “Machiavelli” ee nuxurkeedu ahaa dhabbo kasta oo aad danahaaga ku xaqiijin kartaa way
bannaan tahay. Sidaa darteed, argagixisonimada waa aalad dagaal sida qoriga iyo
taangiga oo kale ah oo loo adeegsado majaxaabinta cadowga iyo gaaridda guusha.
Jaadadka Falalka Argagixisada
Sida uu Robert Pabe, oo bare cilmiga siyaasadda
ka ah Jaamacadda Chicago, ku sheegay buuggiisa “Dying to Win: The Strategic Logic of
Suicide Terrorism” waxaa jira habab
argagixisonimo oo kala kaan ah sida argagixiso bandhigeed “demonstrative
terrorism” oo ujeedkeedu yahay in qadiyadda ay qolada falalka argagixisonimo ku
kacaya ay dacaayad hesho oo dad badan gaarto si ay dad cusub u soo jiitaan oo
uraradooda ku soo biira iyo in ay toosh ku iftiimayaa waxa ay cabashadooda
tahay. Argagixisada noocan ahi waxa ay u dan leedahay in dacaayadda hawlahooda la
gaarsiiyo tirada ugu badan ee dad ah iyadoo aan ahmiyad badan la siineyn tirada
dhimashada la geysanayo. Ururada falalka noocaas ah oo kale fuliyey waxaa ka
mid ah dagaalyahannadii North Ireland ee loo yaqiin “Orange Volunteers”. Waxaa
kale oo jira agagixiso burburineed “Distructive Terrorism” oo ah mid ka xoog
iyo waxyeello badan tii hore loogana golleeyahay in cadawga sida ugu daran ee
suurta galka in loo waxyeelleeyo, kashaare ba’an la gaarsiiyo oo xanuun la
dareensiiyo. Qolyaha hababkan adeegsada waxaa ka mid ah Jabhaddii Colombia ka
dagaallamaysay ee “FARC”.
Ismiidaaminta “suicide attacks” oo ah habka ugu
badan oo falalka argagixisada casrigan aan joogno loo fuliyo ayaa waxaa loo
aaneeyey dhowr sababood. Sababta koowaad ismiidaamintu kooxaha argagixisada
waxay ay u tahay hab ay u xambaarsan tahay ujeeddo sare oo badanaa la xiriirta
caqiiddo diimeed. Waxaana tusaale u ah ismiidaaminta ugu badan ee ay sameeyaan
kooxaha argagixisada ee diimaha haysta sida Islaamka kuwaasoo aaminsan falka ay
samaynayaan natiijadiisa in ay janno ku helayaan. Sababta labaad, ismiidaamintu
waa hab fudud oo khasaareheedu xaddidan yahay oo cadawga lagu waxyeelleeyo.
Arrintani waxaa loo tusaaleyn karaa jabhado hubeysan oo falal is miidaamin ah
fuliya oo aan ujeeddo diimeed laheyn sida Tamil Tigers-ka.
Aqoonyahannada cilmiga bulshada ee ka hadla isdilidda
‘suicide’ waxaa u horreeyey uguna caansan Emile Durkheim. Buuggiisii caanka
ahaa ee ‘Suicide’ waxa uu ku iftiimiyey
waxyaabaha horseeda is dilka. Wuxuu xoogga saaray astaamo bulshadeedka doorka
weyn ka cayaara in qof naftiisa gooyo oo ay ka mid yihiin cadaadiska reeraha
iyo bulshada, caruur la’aanta, lammaane la’aanta, saxmadda iyo buuqa nolosha
magaalooyinka, sara kaca heerarka nolosha, xanuun jir ahaaneed oo daran iyo
isku dhexyaac dhanka maanka ah. Quus iyo caalwaa’ la xiririira culeyska nolosha
iyo dhibteeda ayuu ku dooday in ay sababaan falalka is dilidda ah ee
bulshooyinkii uu baaray Durkheim. In kastoo isdilka uu ka hadlayay Durkheim
aysan la xiriirin ismiidaaminta casriga ah, haddana waxaa aqoonyahannada
qaarkood ku doodaan in ay wax badan wadaagaan.
Argagixisadu nooc kasta oo ay ahaataba kummanaan
baa noloshooda ku waaya sanad walba. Kaydka macluumaadka ee Mashruuca Chicago
ee Amniga iyo La Dagaallanka Argagixisada oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano “CPOST” ayaa wuxuu ururiyey tirada falalka ismiidaaminta ah ee 1982 illaa 2016-ka
ee ka dhacay dunida ku qiyaasay 5,292 weerar oo ka kala dhacay in ka badan 40
dal. Soomaaliya haddii aan si madax bannaan u eegno intii ka dambaysay 2006-dii
waxaa ka dhacay 117 weerar ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen tiro gaaraysa 1,029
qof halka mid taas ka badanina ay ku dhaawacmeen. Celcelis weerar kasta waxaa
ku naf waayay 9 qof.
Dawladaha iyo La Dagaallanka Argagixisada
Qarnigii 20-aad ee tagay iyo qarnigan cusub ee ku
caan baxay adeegsigga siyaasadaha danaystenimada “Opportunistic Politics” ayaa
waxaa soo baxday in dawlado fara badan ay ku lug lahaadaan kooxo argagixiso iyo
fallaagooyin talada dawladahooda ka soo hor jeeda. Arrintan ayaa keentay in
mugdi badan soo galo qeexidda ‘argagixisonimada’ ee dhinacyada loollamada
siyaasadeed ku jira. Siday doonto ha noqotee, argagixisonimadu waxa ay noqotay
halbeeg dawladaha taagta leh ay samaysteen oo hadba ciddii ay rabaan in ay
maagaan ay ku calaamadiyaan. Bare wax ka dhiga Jaamacadda Melbourn ayaa si maad
leh u yiri “Inaad bambo dad ku tuurto waa wax xun oo argagixisonimo ah, haddii aad
dusha diyaarado bambooyin kaga soo duqaysana waa hawlgallo fiican!”
Tan iyo aasaaskii ‘Midowga Ummadaha’, golayaasha Qaramada
Midoobay waxay ku guuldarraysteen in ay soo saaraan qeexid la xiriirta
‘argagixisonimada’ oo la isku raacsan yahay. Argagixisonimadu waa xeelad dagaal
oo dawladuhu marka ay iyagu adeegsanayaan ay la wacan tahay, halka marka cadowgoodu
adeegsado uu noqonayo ‘argagixiye’ nabadda adduunka iyo amniga aadanahaba halis
ku ah. Sidaas daraaddeed bay caan u noqotay oraahda ah ‘Nin argagixisadii waa
nin kale xorriyad-u-dirirkii’. Siyaasadaha is diiddan ayaa hadba waxa ay ‘argagixiso’
ku calaamadiyaan cidda danahooda ka soo hor jeeda. Dawladaha xoog weynayaasha
ah sida Maraykana ayaa noqdeen meelaha laga soo saaro magacyada argagixisada.
Intii ka dambaysay 11-ka Sebteembar, warbaahinta
reer galbeedka ayaa waxay ay, si aan ka labalabeyn laheyn, argagixiso ku
sheegaan fal kasta oo qofka geystaahi uu heyb islaam ah leeyahay. Dawladda
Maraykanku waxa ay taageertaa xooggaga Kurdida ee la dagaallama dawladda
Suuriya ee Bashaar Al-Asad uu hoggaamiyo. Waxaa ka mid ah xooggagaas Xisbiga
Shaqaalaha Kurdiyiinta ‘PKK’, Dhaqdhaqaaqa Difaaca Dadka ‘YPG’ iyo Xisbiga
Midowga Dimuqraadiyiinta ‘PYD’ oo Maraykanku xoogag iska caabbin u arko, halka
dawladda Turkiguna ay ururo argagixiso uga diiwaangashan yihiin.
Maadaama aan xeer ‘argagixisonimada’ xaddida oo
si cad u qeexa jirin, ayaa waxay dhalisay in dawladuhu ku kacaan falal
banii’aadannimada ka soo hor jeeda oo haddana cidina argagixiso ugu yeerin
maadaama fal dawladeed uu yahay. Gummaadka dawladda Shiinaha ay ku hayso
muslimiinta Uygur-ka, duqeymaha Israa’iil ee marasta reer Falastiin, weerarada
Ruushka ee Kirimeeya iyo dhacdooyin badanoo la mid ah oo dawlado ku kaceen ayaa
waxaa ku waxyeellooba kumanaan wax ma galabsato ah hase yeeshee cidna falal
argagixiso uma aragto! Maadaama dawladuhu xoogga waaweyn ay iyaga dunida u
arrimiyaan waxa ay samaysteen ereybixinno qurux badan oo lagu daboollo
dembiyada ay geystaan askartooda sida “collateral damagae”, iyo “necessary loss”
iwm oo ay ku cabbiraan khasaaraha ay geystaan si ay danahooda u gaaraan.
Haddii aan Soomaaliya il gaar ah ku eegno,
dawladda Soomaaliya, ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka iyo dawladda
Maraykankaba iyagoo ku doodaya magaca la dagaallanka argagixisada ayaa waxay
sababeen khasaaro badan oo naf iyo maalba leh oo loo geystay shacab aan waxba
galabsan. La dagaallanka argagixisada ayaa waxa uu noqday cudurdaar lagu
daboolo dilalka iyo duqeymaha aan kala sooca laheyn ee ay sababaan inta lagu
guda jiro hawlgallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ah. Sannad walba
hay’ado caalami ah sida Amnesty International ayaa soo saara warbixinno ku
salaysan dilal, boob iyo kufsi ay geestaan xoogagga dawladda, maleeshiyaadka la
socda iyo ciidama AMISOM.
Gebagabdii, sabab kasta ha loo aaneeyee, falalka
argagixisada oo ay u horayso ismiidaamintu ma laha ujeeddo diimeed. Cilmi baaris lagu sameeyey falalkii argagixisonimo ee u dhexeeyey 1980 illaa 2003 dii
ayaa waxaa lagu gaaray natiijo ah in ismiidaamintu aysan la xiriirin diin. Ku
dhowaad 90% falalka ismiidaaminta waxaa looga soo horjeeday xoogag soo galooti
ah oo dhulal qalaad xoog ku qabsaday. Ismiidaamintu waxa ay abuurtaa
faa’iidooyin istaraajiyadeed oo kooxaha argagixisada goobaha dagaalku aysan ku
kasban karin. Sidaa daraaddeed falalka argagixiso dhammaantood waa tabab
fuleynimo oo argagixisadu ugu hor tagaan iska hor imaadyada, xeelad dagaal oo
cadawgooda khasaare ba’an lagu gaarsiiyo, shacabka lagu cabsi geliyo oo dacaayadna
lagu kasbado. Olole kasta oo lagula halgamayo argagixisadana waa inuu fahankaas
ka ambaqaadaa haddii la doonayo inuu guulaysto.
Maa shaa Allaah!
ReplyDeleteUstaad Xasan Cabdi Xasan.
Waad mahadsan tahay.
Xasan kani waa maqaal macluumaad fara badan xambaarsan. Waxaan dareemi karaa dadaalka, waqtiga iyo baaridda aad gelisay in ay weynaayeen. Aad baad ugu mahadsan tahay qorista maqaalkan. Wax badan ayuu ii kordhiyay.
ReplyDeleteAdigaa mudan Shaakir. Si dad badan uga faa'iidaystaan asxaabtaadana waa la wadaagi kartaa ama reblog garayn kartaa 😃
DeleteMahadsanid in badan wlll
ReplyDelete