Ku Biiridda AMISOM: Maxay Lix Dal oo Afrikaan Ah ay Ciidamo ugu Deeqeen Hawlgalka Midwoga Afrika ee Soomaaliya?∗
Falanqeyn Maqaal
Xasan C. Xasan
Cilmi-baare Siyaasadeed, Istanbul, Turkey.
Gogoldhig
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ‘AMISOM’ waxaa la billaabay bishii Maarso ee sanadkii 2007-da. Waa hawlgalkii ugu muddada dheeraa, ugu weynaa, ugu kharashaadka badnaa, uguna dhimashada badnaa ee taariikhda Midowga Afrika. Hawlgalkani waxaa haatan qeyb ka ah dalalka Ugaandha (2007), Burundi (2007), Jabuuti (2011), Keenya (2012), Siiralyoon (2013) iyo Itoobiya (2014). Waxaa sidoo kale jira waddamo AMISOM ugu deeqay, keliya, tiro kooban oo boolis ah, ilaaliyana goobaha muhiimka ah ee dawladda Soomaaliya. Dalalkaasi waxaa ka mid ah Gaana, Nayjeeriya iyo Saambia. Sababaha ay dawladuhu ugu biireen AMISOM waxa ay salka ku haysaa dano siyaasadeed ama dhaqaale sida ilaalinta amnigooda iyo xoojinta ciidamada dalalkaas iyagoo ka faa’iidaysanaya dhaqaalaha loo qoondeeyey AMISOM. Iyadoo intaasi ay u dheer tahay saameynta ciidan ku deeqidda ay ku yeelatay koboca sumcadda dalalkaas iyo xiriirka kala dhexeeya waddama deeqda bixiya.
Tixraac: Williams, P. D. (2018). Journal of Eastern African Studies 12 (1), 172-192.
Hordhac
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee marka magaciisa qalaad la soo gaabiyo loo yaqaano ‘AMISOM’ waxaa uu billowday Maarso sanadkii 2007-da. Waa hawlgalkii ugu muddada dheeraa, ugu weynaa, ugu kharashaadka badnaa, uguna dhimashada badnaa ee Midowga Afrika uu fuliyo.
Hawlgalkani waxaa haatan qeyb ka ah dalalka Ugaandha (2007), Burundi (2007), Jabuuti (2011), Keenya (2012), Siiralyoon (2013) iyo Itoobiya (2014). Waxaa sidoo kale ka fekeray in ay qeyb ka noqdaan dalalka Beniin, Gaana, Mallaawi, Nayjeeriya, Ruwaanda iyo Tanzaaniya (2007). Waxaa sidoo kale indho indheyn ku sameeyey ka qeyb galka AMISOM dalalka kala ah Saambiya iyo Senegaal (2010). Dalka Gini ayaa ku dhowaad 2000 oo askari u ballan-qaaday AMISOM xilliyadaas. Sidoo kale dalalka Gaaboon, Maali, Tuniisiya iyo Iswaasilaand ayaa ballan qaaday in ay ku soo biirayaan hawlgalka AMISOM sanadkii 2014.
In kastoo tirada dalalka ku fekeray in ay qeyb ka noqdaan AMISON ay gaaraayaan illaa 18 dal, waxaa is weydiin mudan sababta keentay in 12 dal aysan illaa iyo hadda ugu soo biirin hawlgalka AMISOM ay ka waddo Soomaaliya, oo keliya lixda (6) dal ee aan kor ku xusnay ay ciidamo u geeyeen, qeybna uga noqdeen AMISOM.
Guud ahaan go’aanka dal ee ku aaddan in ay ciidamo nabad ilaaliyeyaal ah ugu deeqaan hawlgal nabad ilaalineed waxa uu salka ku hayaa sida madaxdiisu isugu miisaanto waxyaabaha ku dhiirrogelinaya daabulidda ciidamada nabad ilaalinta ah iyo waxyaabaha caqabadda ku noqon kara. Marka dal uu go’aansado inuu ku biiro hawlgal nabad ilaalineed waxaa soo foodsooraysa inuu xaddido ama go’aan ka gaaro waxa uu ku biirinayo hawlgalka uu qeybta ka noqon doono, halka uu ku biirinayo iyo cidda ama hay’adaha dawladda ee uu sida gaarka ah ciidamo ugu deeqayo.
Marka laga hadlayo sababaha dalal ay uga mid noqdaan hawlgallo sida kan AMISOM oo kale ah waxaa la tixraacaa aragtiyaha kala duwan ee nabad ilaalinta. Maqaalkan waxa uu ka anbaqaadayaa xeyn-daab aragtiyeed (theoretical framework) ay abuureen Bellamy & Williams (2004). Xeyn-daab aragtiyeedkani waxa uu si is-bar-bar-dhig ah u falanqaynayaa sababaha dalalku uga qeyb qaataan hawl-gallada nabad ilaalinta iyadoo laga eegayo shan (5) qodob oo kala ah:
- Siyaasad: raadinta sumcad siyaasadeed, saameyn yeelasho, heshiisyo laba-dhinacyo ah, cadaadis iyo qalqaalo ka timaadda qolooyin dibadeed ama dalal qalaad.
- Amni: ka jawaabidda ama ka hortegidda khatar amniyeed oo caalami ah ama gobol gaar ah ku kooban.
- Dhaqaale: helidda faa’iidooyin dhaqaale ama ka hortegidda waayidda faa’iidooyin dhaqaale ha ahaato kuwo shakhsiga ciidanka ah helayo ama shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha qaranka.
- Hay’adaha Dawladda: arrimaha la xiriira kobcinta dhaqaalaha waaxyaha amniga, sumcaddooda, khibraddooda, tayadooda, iyo baraamijyada taageerada ee dalalka deeqda bixiya ay qoondeeyaan.
- Akhlaaq iyo Ilaalinta Qiyam: ka soo bixidda waajibaadka banii’aadanimo iyo dhaqanka suubban ee is caawinta, iskaashiga iyo ka shaqeynta wadajirka iyo nabadda dadyowga dunida. Qoraaga maqaalka isagoo qoddobadan sare ka anba-qaadaya ayaa waxa uu falanqeyn ku samaya lixda dal ee haatan qeybta ka ah hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Ugaandha
Ugaandha waa dalkii u horreeyey ee ka tirsan dalalka ciidamada ku biiriyay ‘Troop Contributing Countries’ (TCC) Soomaaliya. Keliya ciidanka Ugaandha ayaa ahaa tiirka ay AMISOM ku tiirsanayd ee Soomaaliya ka hawlgalaya intii u dhaxaysay Maarso illaa Noofembar sanadkii 2007-dii. Ciidamada Xoogagga Difaaca Dadka Uganda ‘Ugandan People’s Defense Force’ (UPDF) waxaa xilli sii horraysay loo sii diyaariyey in la geeyo Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan hawlgal-kii urur goboleedka IGAD (IGASOM) ee la soo jeediyey sanadkii 2005-tii. Muddo kaddib markii uu hawlgalkaasi rumoobi waayay, Midowga Afrika waxa uu oggolaaday hawlgalkan danbe ee AMISOM bishii Juun ee 2007-da.
Sida laga dheehan karo wararka saxaafadda ay siiyeeen iyo warbixinnada rasmiga ah ee dawladda Ugaandha, sababta ay ugu biireen AMISOM waxa ay ku sheegeen xoojinta iskaashiga iyo wadajirka dadyowga Afrika ‘Pan-Africanism’ iyo la dagaallanka argagixisada. Madaxweyne Museveni waxa u tibaaxay in ka qeyb-qaadashadooda AMISOM ay qeyb ka tahay dadaallada xalal Afrika dhexdeeda ah loogu raadinayo dhibaatooyinka Afrika. Hadalladani waxa ay liddi ku yihiin go’aankii dawlada Ugaandha ay ku diidday ka qeyb qaadaashada hawlgalka Midowga Afrika ee dalka ay deriska yihiin ee Suudaan ‘African Mission in Sudan’ (AMIS).
Ka qeyb qaadashada dawladda Ugaandha ee hawlgalka Soomaaliya ayaa waxaa loo aaneeya sababo kale oo ay ugu xoog badan yihiin faa’iidooyinka ka soo galaya hawlgalka. Tusaale ahaan, maadaama Soomaaliya laga soo maleegay weeradii safaaradaha Maraykanka ee Keenya iyo Tansaaniya, hoyna u tahay kooxda Alshabaab, waxa ay furinta hore ka noqotay dagaalka ka dhanka argagixisada ee uu hormuudka ka yahay Maraykanka. Ka qeyb qaadashada Ugaandha ee hawlgalka AMISOM waxa xoojinaysaa xiriirka ka dhexeeya Washington iyo Kampala. Sidoo kale waxa ay Museveni siinaysaa fursad uu ku qurxiyo sumcaddiisa caalamiga ah isagoo sidoo kale kaga gaashaamanaya dhaleeceynta uga imaanaysa beesha caalamka ee la xiriirta xad-gudubyada xuquuqda aadanaha iyo keli-talisnimada.
Sababaha kale ee Ugaandha ku riixay in ay ciidankeeda Soomaaliya ku daabbusho, ee aan doodaha rasmiga ah ka muuqan, waxaa ka mid ah saameynta burcad-badeednimada ku yeelatay kharashaadka badeecooyinka Ugaandha u soo mara xeebaha Soomaaliya iyo agagaaraheeda. Sidoo kale, Ugaandha waxa ay weligeed la halgamaysay iska-hor-imaadyo ka dhacayay gobolka Karamoja ee xoolo dhaqatadu degaan. Hubka loo adeegsado dagaalladaasi qaar ka mid ah ayaa Ugaandha waxa uu ka soo galayay dhanka Soomaaliya iyadoo la sii marinayo gobolka Waqooyi Bari ee Keenya ee Soomaalidu degaan. Hawl-galka ay Soomaaliya ka waddo dawladda Ugaandha waxaa dadka qaarkiis ku tilmaamaan dadaallo lagu xirayo ilaha uu hubkaasi ka soo galayay dadlka Ugaandha.
Siyaasadda arrimaha dibadda Ugaandha ee ku urursan gacanta Museveni waxa ay isaga u suuragelisay inuu noqdo hoggaamiye saameyn ku leh gobolka Bariga Afrika, dawladdiisana u horseeday in ay ka mid noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay. Sidoo kale waxa ay kor u qaadday sumcadda Museveni iyo kooxdiisa ee la liicaysay faro gelintii ay ku sameeyeen Koongo DRC (1998-2003) iyo dagaalkii Suudaan iyo Koonfurta Suudaan (2002- 2006).
AMISOM waxa ay u soo jiidday ciidanka Ugaandha fursado tabo-bar, taageero maaliyadeed, saanad iyo qalab casri ah oo badankeed ka imanayay dhanka Maraykanka. Ku biiriddeedii AMISOM kaddib, Ugaandha waxa ay qeyb ka noqotay dalalka ka faa’iidaysta barnaamijka Hawlgalka Bariga Afrika ee Tabo-barka iyo Kaalmada ‘African Contingency Operations Training and Assistance’ (ACOTA) ee ay maalgeliso wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka. Sidoo kale waxa ay kaalmooyin military ka heshay Boqortooyada Ingiriiska, dawladda Faransiiska iyo shirkadda ciidamada gaarka ah ee Bankroft Global Development taas oo ka saacidday in ay horumariso tayada xirfadda ciidanka ee ku aaddan dagaallada magaalooyinka ka dhaca ‘urban warfare’.
Burundi
Burundi waxa ay ku soo biirtay dalalka Soomaaliya ciidamada geynaya bishii Noofembar ee sanadkii 2007-da. Waxay ayna labo guuto u soo daabuleen Soomaaliya billowgii 2008-da. Go’aanka Burundi waxa uu ku gaaf wareegayay kor u qaadidda tayada iyo sumcadda ciidanka dalkooda. Dalka Burundi oo dagaal sokeeye ku jiray (1993-2006) ayaa damacsanaa qorshe uu ku midaynayo ciidankiisa kuwaasoo kala yimid jabhado kala duwan oo muddo dheer colaadi ka dhaxaysay. Ciidamada ay Soomaaliya geeyeen waxa ay siinaysay fursad ay kaalmo dhaqaale iyo qalab militari oo casri ah ay kaga heli karaan beesha caalamka. Sidoo kale, ciidamadoodana waxa ay u horseedeysay is dhexgal iyo is walaalaysi ka dhan ah cadow dibadeed sida kooxda Alshabaab.
Baahida hay’adaha mileteriga ee dalka Burundi ay u qabeen kaalmo dhaqaale iyo qalab waxaa tusaale u noqon kara in dalka Burundi uu awoodi waayay inuu qalabeeyo cutub ka kooban 30 qofood oo hordhac ahaa oo ujeedkoodu ahaa in ay sameeyaan sahan iyo baaritaan lagu go’aaminayo meelaha la dejin doono ciidamada Burundiga ah ee imaan doona Soomaaliya. Dalabaad badan kaddib cutubkii waxaa uu helay gawaari, baldoosarro, diyaaradaha helikobtarada ah iyo qalabka habeenkii wax lagu arko ‘night vision goggles’. Maadaama saanadda iyo agabka militari oo ay haystaan ciidamaasi ay aad u koobneyd waxaa loo xilsaaray ilaalinta amniga goobaha xasilloon sida gegida diyaaradaha.
Ka qeybgalkeedii AMISOM, Burundi waxa ay u horseedday in ay xubin ka noqoto dawladaha ka faa’iidaysanaya barnaamijka dhismaha ammaanka iyo nabadeynta ee ACOTA, iyadoo sidoo kale ciidamadeedu heleen tabo-baro wanaagsan oo tayadoodu ku kobocdo. Dawladda Maraykanka waxa ay xurumo tabobar ciidamo ah ka furtay magaalada Mudubugu iyoi Bujumbura ee Burundi sanadkii 2009-ka. Guud ahaan ACOTA waxa ay ku maalgelisay ciidamada Burundi wax ka badan 20 malyan oo dollarsanadkii u horreeyey ee hawlgalka. Burundi waxa ay gaartay in ay ka gudubto dal dagaallo aafaysteen oo noqoto dal qeyb ka ah hawlgallada nabad ilaalinta ee Afrika. Ciidamadoodu waxaa ay heleen fursado ay ku heli karaan ku dhowaad 500 oo dollar oo mushaar ah bishii, dawladda Burundina qarashaadka AMISOM loo qoondeeyey qaar ka mid ah ayaa waxa ay u leexisay dib-u-dhiska ciidankeeda.
Jabuuti
Sanadkii 2010-kii ayuu madaxweyne Geelle qaatay go’aankii ciidamo Jabuutiyaan ah lagu geyn lahaa Soomaaliya qeybna uga noqon lahaayeen hawlgalka AMISOM. Xilligaas waxaa jiray saraakiil sare oo ciidanka Jabuuti ka tirsan oo ka cago jiidayay go’aankaas iyagoo ku andacoonaya in ciidanka Jabuuti uu weli ka soo kabanayo dagaalkii xuduudaha ee 2008-dii ay la galeen Eritrea.
Kooxdii ugu horraysay ee ka tirsan ciidamada Jabuuti ‘Force Aerienne Djiboutienne’ (FAD) waxa ay imaadeen sanadkii 2011-kii markii cutub ka tirsan ciidamada jabuuti oo la magac baxay ‘Hiil’ ay ka soo degeen gegida diyaaradaha ee Muqdisho. Taliyihii ciidankaas ayaa waxa uu diiday in uu ciidanka ku daabbulo deegaankii loo qorsheeyey in ay ka hawlgalaan oo ahaaa gobolka Hiiraan. Waxa ay ka dalbadeen Xafiiska Taageerrada AMISOM ee Qaramada Midoobay (UNSOA) in loo dhisto guryo askareed inta aysan iyaga tegin goobta hawlgalka. Dalabkaasi oo noqday mid ay UNSOA diidday taas oo keentay in ay gegida Muqdisho iska joogaan ciidamadaas illaa Jabuuti dib loogu celiyey.
Intaas kaddib dawladda Jabuuti waxa ay UNSOA u soo dirtay warqad ay ku dalbanayso in la siiyo magdhow la xiriirta khasaarihii soo gaaray agabkoodii ee ka dhashay duulimaadyadii isku xigxigay ee ay galeen. Arrintani waxa ay abuurtay dood iyo khilaaf dheer oo dhex mara AMISOM, UNSOA oo dhan ah iyo dawladda jabuuti oo dhan kale ah. Ugu danbeyn waxaa la go’aamiyey in cutubyadii Jabuutiyaanka ahaa dib loogu daabbulo iyadoo busas la soo saarayo lana soo marsiinayo dhulka Itoobiya sidaasna lagu soo gaarsiinayo goobtii ay ka hawl gali lahaayeen. Hase ahaatee dawladda Jabuuti arrintaasi waa ku gacan sayrtay. Sidaa daraaddeed, UNSOA waxa ay ku qasbanaatay in ay diyaarado yaryar iyo duulimaadyo goos goos ah lagu soo duuliyo ciidamadii Jabuuti. Intaa kaddib cutubyadii waxaa 10 taangi looga soo amaahday Itoobiya, 10 gaari oo gaashamanna waxaa ku deeqday dawlada Ingiriiska. Daabulidda askartaas waxaa UNSOA ka galay kharashaad ka badan 3 malyan oo doollar, welina Jabuuti waxa ay dalbatay in kharashaadkii magdhowga alaabtooda ee duulimaadyadii koowaad dib loo siiyo.
Arrintu si kastaba ha ahaatee, dawladda Jabuuti ujeedkeeda koowaad waxa ay ahayd in ay muujiso in ay qeyb ka tahay ololaha la dagaallanka argagixisada iyo caawinta walaalahooda Soomaaliyeed iyagoo cutubyadoodii ku naanaysay ‘Hiil Walaal’. Jabuuti waxa ay arrintani u fududaysay in ka faa’iidaystaan barnaamijka horumarinta amniga ee dawladda maraykanku maamusho ee ACOTA laga billaabo bishii Noofembar ee sanadkii 2009. Ciidan geynta Soomaaliya waxa ay jabuuti u furtay ilihii ay ku heli lahayd dhaqaalaha ay u baahan yihiin in ay ku horumariyaan ciidankooda. Waxaa sidoo kale, madaxweyne Ismaaciil C. Geelle, u suuragashay in uu sumcaddiisa kor u soo qaado siin wanaajiyo xiriirka dalkiisa iyo deeq bixiyeyaasha.
Keenya
Dawladda Keenya waxa ay bishii Oktoobar ee sanadkii 2011-ka billowday hawlgalkii Linda Nchi (Ilaali Qaranka) markaas oo cutubyo ka tirsan ciidamada Keenya ay gudaha u soo galeen dhulka Soomaaliyeed iyagoo u sababayna in ay ka hortagayaan khatarta isa soo taraysa ee Alshabaab. Sanad kaddib hawlgalkii Linda Nchi, Keenya waxa ay Midowga Afrika la saxiixatay heshiis ay ciidamadeeda Soomaaliya ka hawlgala loogu biirinayo AMISOM iyagoo markaas wax ka badan 4000 oo askari ah hoos geeyey dalladda AMISOM.
Heshiiska ay Keenya la gashay Midowga Afrika ayaa waxa uu yimid kaddib doodo adag oo bilo socday oo ay la galeen Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo la xiriiray tirada ay Keenya ku biirinayso AMISOM iyo qoondada loogu talo galay ee xaddidaysa inta ciidan ee ay Keenya Soomaaliya geyn karto. Sidoo kale waxaa dooddaasi ka mid ahaa in cutubyada ciidamada cirka iyo badda Keenya ay qeyb ka noqoshada hawlgalkan. Waxaa qodobbada xasaasiga ah sidoo kale ka mid ahaa sida loo daboolayo kharashaadka ku baxaya ciidamadaas iyo maareyntooda.
Heshiiska ay Keenya la gashay Midowga Afrika ayaa waxa uu yimid kaddib doodo adag oo bilo socday oo ay la galeen Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo la xiriiray tirada ay Keenya ku biirinayso AMISOM iyo qoondada loogu talo galay ee xaddidaysa inta ciidan ee ay Keenya Soomaaliya geyn karto. Sidoo kale waxaa dooddaasi ka mid ahaa in cutubyada ciidamada cirka iyo badda Keenya ay qeyb ka noqoshada hawlgalkan. Waxaa qodobbada xasaasiga ah sidoo kale ka mid ahaa sida loo daboolayo kharashaadka ku baxaya ciidamadaas iyo maareyntooda.
Ujeedka koowaad ee Keenya ciidamadeeda ugu soo dirtay Soomaaliya, ha ahaato hawlgalkii Linda Nchi ama iyagoo taabacsan hawlgalka AMISOM, waxaa aasaas u ahaa ilaalinta amniga xudduuddeeda. Ku biiritaanka Keenya ee AMISOM waxaa lagu tilmaamaa habka ugu kharash iyo dhibka yar ee ujeeddooyinkii hore loo xaqiijin karo iyadoo huwan shaati AMISOM. Waxaa sidoo kale Keenya dhiirro gelinaya hab-maamulka dabacsan ee AMISOM oo u suuro gelinaya in ay fuliyaan hawlgallo iyagu u madax bannaan yihiin.
Guud ahaan, inta Keenya ay ka mid ahayd hawlgalka AMISOM waxa ay noqotay saaxiib dhow oo Maraykanku iska kaashadaan olalaha la dagaallanka argagixisada. Madaxda Keenya iyagoo muujinaya dadaallada ay Soomaaliya ka wadaan waxa ay dawladaha deeqda bixiya ka codsadeen kana heleen taageero dhaqaale, saanad militari, agab dalaal oo casri ah sida gawaari gaashaaman, diyaaradaha qummaatiga u kaca kuwooda weerarka iyo kuwa ciidanka lagu qaado. Sanadihii koowaad ee hawlgalka waxaa Keenya loogu deeqay wax ka badan 180 malyan oo dollar. Iyadoo intaas u dheer tahay in ay sharciyad u heleen joogitaankoodii dhulka Soomaaliyeed ee dooduhu ka taaganaayeen.
Siiralyoon
Siiralyoon waxa ay ku soo biirtay dalalka AMISOM ciidamada ugu deeqay sanadkii 2013-kii. Siiralyoon waxa ay ku han weyneyd in ay ka mid noqoto AMISOM tan iyo 2011-kii. Waxaa hawshooda dib u dhigay qalab la’aan. Waxa ay in muddo ah sugayeen saanad, qalabka asaasiga ah iyo gawaarida gaashaaman ee ciidanku adeegsado. Qorshaha koowaad ee Siiralyoon waxa uu ahaa in ay beddelaan ciidamada Keenya ee Kismaayo joogay. Hase ahaatee waxaa la geeyey meelihii ay ka hawlgaleyeen ciidamada Keenya si ay uga hortagaan khatarta keligood uga imaan karta weerarada kooxda Alshabaab.
Ujeedka koowaad ee dalka Siiralyoon uu ciidamada ugu deeqay AMISOM waxa ay qeyb ka ahayd qorshaha dib-u-dhiska ciidankeeda iyo helidda kaalmooyinka dhaqaale ee ay u baahnaayeen si ay u horumariyaan ciidankooda. Waxaa sidoo kale ay fursad u heshay Siralyoon in ay ka mid noqoto barnaamijka ACOTA iyo IMATT ee horumarinta amniga ee dawlaha Maraykanka iyo Ingiriisku maamulaan.
Itoobiya
Itoobiya waa mid ka mid ah dawladaha saameynta ugu badan ku lahaa siyaasadda Soomaalida ee qarnigan 21-aad oo ciidamadeedu tan iyo burburkii dawladdii Siyaad Barre ay Soomaaliya “hawlgalo” ka wadeen. Ujeeddooyinka guud ee la xiriira fara-gelinta Itoobiya ee Soomaaliya waxaa saldhig u ahaa yaraynta damaca Soomaaliya ee ka hor imaanshaha danaheeda, sii wadidda jiritaanka dawlad Soomaaliyeed oo taag daran oo aan loollan kula geli karin kaalinta hoggaamineed ee gobolka iyo ka hirgelinta dhulka Soomaaliyeed nidaam federal ah iyadoo ka fekeraysa in ay maamullada federaalka ah ka soo dhawaysato dawladda dhexe.
In kastoo soo gelitaankii Itoobiya ee dhulka Soomaaliyeed ay sabab uga dhigaysay la dagaallanka argagixisada iyo jiritaanka halista Alshabaab, haddana marna ma aheyn danta ugu weyn ee ay Itoobiya ka lahayd hawlgalladeeda maadaama ay ciidamadoodu marar badan oo hore galeen magaalooyin Soomaaliyeed xitaa markii ay hoggaamiye kooxeedyadu dalka ka jireen. Itoobiya mar kasta waxa ay heegan ugu jirtay in ay iska moosto wax kasta oo amnigeeda halis ku noqon kara.
Kaddib gelitaankii Itoobiya ee Muqdisho sanadkii 2006-dii si looga saaro kooxihii Maxaakiimta Islaamka iyo dejinta dawladdii ku meel gaarka ahay ee xilligaa uu madaxeyne Cabdillaahi Yuusuf hoggaaminayay, Itoobiya waxay ay AMISOM u ahayd istaraatiijiyada ay ciidamadeeda badankood Soomaaliya uga saari lahayd iyadoo ka baqanaysa in ay waqti iyo maal badan ka galo qalaanqal siyaasadeed iyo isku-hor-imaadyo ciidan oo muddadiisu dheeraato, dalkoodana khasaare ba’an uu ka soo gaarayo. Itoobiya waxa ay ciidamadeedii badankeed kala soo baxday gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya sida magaalada Muqdisho sanadkii 2009 iyadoo dib ugu soo noqotay Beledweyne (2011) iyo Baydhaba (2012). Ciidamadan danbe waxaa ay taageero u ahaayeen, sida ay sheegtay, xoogagga AMISOM ee ka hawlgala Baydhabo iyo Beledweyne. Bartamihii 2013-dii waxaa Itoobiya Soomaaliya ka joogay wax ka badan 8000 oo askari.
Hab-maamulka AMISOM ee dabacsan, Itoobiya oo doorbidda mar kasta hawlgallo ay keligeed fuliso iyo kaalmooyinka dhaqaale ee AMISOM xeyndaabkeeda ay ku heli karaan ciidankooda ayaa ka mid ah waxyaabaha Itoobiya ku dhiirro geliyey in cutubyo ciidamadeeda ka tirsan ay hoos gayso dallada hawlgallada AMISOM iyadoo sidoo kale ay Soomaaliya ka joogaan ciidamo aan hoos tegin AMISOM kuwaasoo hawlgallada maamulka Addis Ababa go’aamiyo ka fuliya dhulka Soomaaliya.
Gunaanad
Dhammaan go’aamada lixda dal ee Soomaaliya ciidamada ka jooga waxa uu ku salaysnaa fursado horumarineed ee ay helayeen hay’adahooda amniga. Sidoo kale damac siyaasadeed oo dawladuhu ku doonayeen in ay kor ugu qaadaan sumacaddooda iyo saameynta ay ku leeyihiin siyaasadda gobolka ayaa iyadana ahayd arrin culus oo ku riixday dawladuhu in ay ciidamo ugu deeqaan hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Faa’iidooyinka dhaqaale ee ciidanka si shakhsi ah u helayeen iyo kuwa dalalka guud ahaan ka helayeen halwgalka ayaa ahayd sabab kale oo ku dhiirro gelinaysay in ay AMISOM qeyb ka noqdaan una bareeraan khatarta aadka u daran iyo khasaaraha ka soo gaari kara ka hawlgalidda Soomaaliya. In kastoo AMISOM aysan si rasmi ah u shaacin khasaaraha ka soo gaara hawlgalkooda, haddana waxaa lagu tilmaamaa hawlgalkan nabad ilaalineed ee ay waddo inuu yahay midkii ugu dhimashada badnaa intii ka danbaysay dagaalkii qaboobaa.
Dalalka qaarkood sida Burundi iyo Siiralyoon, faaiidada ay ku qabaan AMISOM ku biiriddeeda kuma koobna keliya faa’iidooyin maaddi ah oo waxaa ay qeyb ka ahayd dadaallo ay dib-u-dhis ugu samaynayeen ciidamadooda ka soo kabanayay burburkii ka soo gaaray dagaalladii sokeeye ee dalalkoodu muddo badan ku soo jireen.
Dawladaha deeqda bixiya ee maalgeliya hawlgalka AMISOM waxa ay caddaysteen in aysan marna u soo jeedin ka qeyb-qaadashada ama ka taageeridda Soomaaliya si ay u dhisato ciidamo xoog leh oo amniga dalka gacanta ku dhigi kara. Dalalka deriska ah qaarkood sida Itoobiya iyo Keenyana dhismaha ciidan Soomaaliyeed waxa ay ba u arkaan halis iyaga soo foodsaaraysa mustaqbalkooda. Sidaas daraaddeed waxa ay ku dadaalayaan in la sii joogteeyo baahida Soomaaliya ay u qabto ciidankooda. In kastoo hawlgalka AMISOM iyo kuwa la midka ah loogu talo galay in ay dalalka dawladooda dhismayaan marxaladaha hore taageeraan, haddana kan AMISOM waxaa muuqata in si ku talo gal ah loo dheereeyey si Soomaaliya ay ciidankaasi weligeed ugu tiirsanaato.
No comments:
Post a Comment