Xasan-Nuur Sayid oo dadku badanaa u yaqaanaan Aar Maanta oo ah magac masraxeedka ee
uu caanka ku yahay waa suugaanyahan Soomaaliyeed oo da’yar. Aar maanta waa
allife miraha heesaha, fannaan cod macaan oo ku luuqeeya heesaha, laxamiiste
aqoon fiican u leh qaar kamid ah aaladaha muusigga oo kabanku u horreeyo.
Si ka duwan habka heesayaasha Soomaaliyeed ee xilligan, Aar,
aad buu kalsooni buuxda ugu qabaa codkiisa iyo habka heeso samayntiisa. Waxaa
lagu yaqaanaa in aanu iska aqbalin wax kasta oo ay u sheegaan ragga heesaha la
soo saara. Waa nin ay u caddahay sida uu u rabo heesta uu rabo in uu sameeyo.
Aar Maanta, sida jilaaga caanka ah ee Amir Khan oo kale, waxa uu ku tusmeysan yahay soo saaridda fan aad
looga soo baaraan degay oo qurux miiran ah. Waxa uu waqti iyo xoog badan geliyaa
turxaan bixinta heesaha uu soo saaro si ay u noqdaan kuwo qurux iyo
farshaxannimo ku idlaatay oo aan yeelan wax iin iyo eed ah.
Aar, da’yarta Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska iyo Maraykanka
ku nool waxa ay u arkaan ‘codka jiilkooda’
maadaama ay heesihiisa badankood ka hadlaan dhibaatooyinka taagan ee
qurba-joogta iyo Soomaalida guud ahaanteedba. Waa fannaan dhallin yar oo dareen
dal jacayl oo xooggani laga dheehanayo.
Aar isagoo ilaalinaya nuxurka muusigga Soomaaliyeed ayaa
wuxuu soo saaraa heeso muusig casri ah leh. Sidoo kale waxaa heesihiisa ku
lifaaqan muuqaallo (clips) tayadu u dhan tahay oo lagu sheego muuqaallada ugu
quruxda badan ee heesaa Soomaali ah uu soo saaro illaa iyo hadda.
Aar waxa hawl faneedkiisa qaar kala qeyb qaatay fannaaniin
caan ah sida rug caddaaga kabanka ‘Xudeydi’ oo ah ninka kabanka u gaaray
heestiisii ‘Uur Hooyo’. Heesihiisa
quruxda badan waxaa ka mid ah ‘Deeqa’ oo fannaanku ku cabbirayay dhibaatada
Soomaalida iyo gaar ahaan isagaba ku qabsada garoomada diyaaradaha ee dalalka
ay ku nool yihiin maadaama mar kasta saacado badan la xannibo.
Dad fara badan oo suugaanta Soomaaliyeed aad u xiiseeya baa
Aar ku bogaadiyey shaqooyinka faneed ee quruxda badan oo uu soo saaro sanad
walba. Suugaanta Soomaalida oo tayadeedu sii dhimanayso oo waxay baahi xoog leh
u qabtaa fannaaniin sida Aar oo kale ah oo muusigga Soomaaliyeed cusbooneysiiya
iyada oo milgaha iyo muunaddii suugaanteenu lahayd la dhowrayo.
Waan kugu raacsanahay Aar Maanta heesihiisu ma kala dhacaan, iska qaadna ma ahan, waxyaabo badan yuu fanaaniinta asaagiisa ah uga duwanyahay.
ReplyDeleteQoraal qurux badan waaye.
Mahadsanid Xamdi.
DeleteMaanta hoobal aan taageero aad ammaantay in aan kugu raaco maahee wax kale ma leh :) samigaa Aar Maanta waxaan u rajeynayaa in uu hooballo badan tuaaale u noqdo.
ReplyDeleteFanKa Aar waxa uu leeyahay Sidka geela Sanadkiiba xabad cajiiba uun ayuu so saara ..
ReplyDeleteFanKa Aar waxa uu leeyahay Sidka geela Sanadkiiba xabad cajiiba uun ayuu so saara ..
ReplyDeleteMudane Maqaalkan waa mid xaqiiq jirta ka hadlayo. waxan xasuusta sanadii 2014-ta iskuul aan luqada turkiga ka dhiganayey maaalin macalimadii igu tiri kaalay hees Soomaali inoo saar. anigu waxan ahaa dadka qaaramiga ku waalan waqtigaa. lakin maadama arday ajaanib ay kula daawanayan wan fikiray oo an is dhahay dadkan maxaa soo jiidan kara. Music ahan, muuqaal ahan iyo cod ahaanba, isla markiiba waxa igu soo dhacay fanaankeena Aarmaanta oo ah boqorka casriga cusub ee dhallinyarada asigii ayaana ushiday kadib baa halmar leey sacbiyey. Mahadi hakaa gaarto saxib Xasan.
ReplyDelete