Friday, May 13, 2016

Aar Maanta: Casriyeynta Muusigga Soomaalida iyo Ilaalinta Milgihiisa



Xasan-Nuur Sayid oo dadku badanaa u yaqaanaan Aar Maanta oo ah magac masraxeedka ee uu caanka ku yahay waa suugaanyahan Soomaaliyeed oo da’yar. Aar maanta waa allife miraha heesaha, fannaan cod macaan oo ku luuqeeya heesaha, laxamiiste aqoon fiican u leh qaar kamid ah aaladaha muusigga oo kabanku u horreeyo.
Si ka duwan habka heesayaasha Soomaaliyeed ee xilligan, Aar, aad buu kalsooni buuxda ugu qabaa codkiisa iyo habka heeso samayntiisa. Waxaa lagu yaqaanaa in aanu iska aqbalin wax kasta oo ay u sheegaan ragga heesaha la soo saara. Waa nin ay u caddahay sida uu u rabo heesta uu rabo in uu sameeyo.
Aar Maanta, sida jilaaga caanka ah ee Amir Khan oo kale, waxa uu ku tusmeysan yahay soo saaridda fan aad looga soo baaraan degay oo qurux miiran ah. Waxa uu waqti iyo xoog badan geliyaa turxaan bixinta heesaha uu soo saaro si ay u noqdaan kuwo qurux iyo farshaxannimo ku idlaatay oo aan yeelan wax iin iyo eed ah.
Aar, da’yarta Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska iyo Maraykanka ku nool waxa ay u arkaan ‘codka jiilkooda’ maadaama ay heesihiisa badankood ka hadlaan dhibaatooyinka taagan ee qurba-joogta iyo Soomaalida guud ahaanteedba. Waa fannaan dhallin yar oo dareen dal jacayl oo xooggani laga dheehanayo.
Aar isagoo ilaalinaya nuxurka muusigga Soomaaliyeed ayaa wuxuu soo saaraa heeso muusig casri ah leh. Sidoo kale waxaa heesihiisa ku lifaaqan muuqaallo (clips) tayadu u dhan tahay oo lagu sheego muuqaallada ugu quruxda badan ee heesaa Soomaali ah uu soo saaro illaa iyo hadda.
Aar waxa hawl faneedkiisa qaar kala qeyb qaatay fannaaniin caan ah sida rug caddaaga kabanka ‘Xudeydi’ oo ah ninka kabanka u gaaray heestiisii ‘Uur Hooyo’. Heesihiisa quruxda badan waxaa ka mid ah ‘Deeqa’ oo fannaanku ku cabbirayay dhibaatada Soomaalida iyo gaar ahaan isagaba ku qabsada garoomada diyaaradaha ee dalalka ay ku nool yihiin maadaama mar kasta saacado badan la xannibo.
Dad fara badan oo suugaanta Soomaaliyeed aad u xiiseeya baa Aar ku bogaadiyey shaqooyinka faneed ee quruxda badan oo uu soo saaro sanad walba. Suugaanta Soomaalida oo tayadeedu sii dhimanayso oo waxay baahi xoog leh u qabtaa fannaaniin sida Aar oo kale ah oo muusigga Soomaaliyeed cusbooneysiiya iyada oo milgaha iyo muunaddii suugaanteenu lahayd la dhowrayo.

Tuesday, May 10, 2016

Soomaaliya: Qabrigii Caruurta



Afrika waa qaaradda ay caruurtu rafaadka ugu badan ku maraan. Haddii ay caruurta Afrikaanka ahi ka soo badbaadaan umusha iyo cudurrada dilaaga ah ee caruurta saameeyaa waxa ay halis u noqdaan colaadaha dalalkooda ka jira. Soomaaliyana waxay ka mid tahay meelaha ay cadaabta dunidu ku maraan caruurta. Dhibaatooyinka dagaalladu ay keeneen ee sida gaarka ah caruurta u wax yeelleeya ayaa waxaa ka mid ah in kooxaha is hayaa ay caruurtu dagaallada u adeegsadaan. Caruur ciidameynta ayaa ah dhibaato taagan oo dawladaha Afrika oo dhan ku baahsan. Waxaa muuqaal caan ah oo Afrika lagu garto noqday sawirrada caruur caato ah oo qoriga AK47 garabka u suran yahay.
Warbixin uu golaha ammaanka soo saaray bartamihii sannadkii tagay (2015) ayaa lagu sheegay in kummanaan caruur ah ay askar ahaan u adeegsadaan kooxaha Alshabaab, Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Ciidamada Dawladda Federaalka iyo kuwa dawlad goboleedyadaba. Sida warbixintaasi ay tibaaxday ayaa laga dheehanayaa in adeegsiga caruurtu uusan ku koobneyn keliya kooxaha argagixisada ah. Keliya sannadkii tagay ee 2015 ayaa waxay UNICEF diiwaangelisay wax ka badan 300 kiis oo ah caruur askar ahaan ay u adeegsadeen ciidamada dawladda.
Dhammaadkii bishii Maarso ee sanadkan (2016) ayaa waxaan telefishannada lagu baahiyey muuqaallo murugo leh oo muujinaya caruur yaryar oo Alshabaab u dagaallamaysay. Waxaa lagu qiyaasay tiro ku dhow afartameeyo caruur ah in maamul goboleedyaha Puntland iyo Galmudug ay ku soo qabteen dagaalkii ay la galeen kooxda Alshabaab. Waxaan durba xusuustayda dib u soo gocatay ereyadii Hibo Nuura ee ahaa
“. . .Qalabada warfidintee,
Qolo weliba leedahay,
Markay naga qisoodaan,
Waxay nagu qiyaasaan,
Dirir qasdi la’aan iyo,
Qoom dabar go’aayiyo,
Qabrigii caruurta. . .”

Nasiib darro waxaa ah in caruurta ay noqdeen aalad qaska iyo qalalaasaha loo adeegsado. Waxaa caruurta la xambaarsiiyey hub, fekrado argagixisonimona maskaxdooda ayaa lagu shubay. Sidaas daraaddeed waxay daba socod u noqdeen kooxo mayal adag iyo qabqablayaal dagaal oo aan marna iyaga u diir nixin. Waxay caruurtu bansiin u noqdeen dabka colaadeed ee dalka ka huraya.
Soomaaliya oo tirada da’yarta lagu qiyaaso in tahay ku dhawaad 75% ayaa waxa ay yihiin kuwo aan haysan fekrad ku saabsan nabadda, dawladnimada iyo xasilloonida. Iskuullada Soomaaliyeed ayaa gabay dowrkoodii ku aaddanaa wacyi gelinta caruurta iyo dagaallanka qalaalasaha. Kenneth Menkhaus oo ah xeeldheere siyaasadeed oo ka shaqeeyey Soomaaliya xilliyadii 1993 iyo 1994-kii ahna qoraaga buugga “Soomaaliya: Dal Burburay iyo Halis Argagixisonimo (2004)” ayaa tibaaxaya in tirada aadka u badan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ee aan sawirka cad ka heysan nabaddda iyo dawladnimada ay abuurayso walwalka ah in ay si fudud ay isugu rogi karaan aalad colaadeed oo ciddii doonta ku adeegato.
Warbixin dhawaanahan lagu baahiyey wargeyska Washington Post ayaa lagu sheegay in sirdoonka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay caruurta ka soo goosata kooxda Alshabaab u adeegsadaan hawlgallada ugaarsiga hoggaamiyaasha Alshabaab. Caruurtan sirdoonku adeegsaday ayaa waxaa ku jira kuwo 10 jirro ah. Sirdoonka Soomaaliya iyo CIA-da ayaa iyagoo aan u aabbo-yeelin xuquuqda caruurta iyo xeerarka dunida ka jira ee dhowridda caruurta ayaa waxay si joogto ah u wadaan halis gelinta nolosha caruurta Soomaaliyeed.
Caruurtan qeybo badan oo noloshooda ka mid ahi ku soo qaatay dagaallada ayaa waxay u baahan yihiin xarumo daryeel iyo dhaqan celin oo ka saacidi kara sidii ay bulshada u soo dhex geli lahaayeen, noloshooda dib ugu sii wadan lahaayeen. Xarunta Elman ee Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ayaa ka mid ah qolyaha ugu horreeya ee isku dayay in wax loo qabto caruurta askarta laga dhigay. Hase yeeshee hawsha badbaadinta caruurta askarta ah iyo joojinta caruur askar ka dhigiddaba waa hawl culus oo dhammaan qof kasta oo baniiaadannimo ku jirto ay tahay inuu ka qeyb qaato.

Ku Biiridda AMISOM: Maxay Lix Dal oo Afrikaan Ah ay Ciidamo ugu Deeqeen Hawlgalka Midwoga Afrika ee Soomaaliya?

Ku Biiridda AMISOM: Maxay Lix Dal oo Afrikaan Ah ay Ciidamo ugu Deeqeen Hawlgalka Midwoga Afrika ee Soomaaliya? ∗ Falan...