MW 8-aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud |
Siyaasiyiinta Soomaaliyeed mid waliba maalmaha uu madaxnimo
doonka yahay waxa uu soo bandhigaa qorshayaal aad u qurux badan oo
Soomaaliyadan baaba’a ah loogu celinayo waxa ay Soomaalida dawladnimada soo
aragtay ugu yeeraan ‘Beri-samaadkii’. Tobankii bishii Sembeembar, 2012-kii MW
Xasan Sheekh oo xilligaa ahaa murashax madaxweynenimo oo u hanweyn inuu qabto
talada dalka Soomaaliya ayaa ballan-qaadyadiisii waxaa ka mid ahaa waxa uu isaga u bixiyey “ Lixdii Tiir Ee
Dib u Soo Kabashada/Nooleynta Soomaaliya” oo aan sidan hoose loo soo koobi
karo:
TIIRKA KOOWAAD: Xasilinta dalka, sarrayntiisa sharciga iyo
dawlad wanaagga oo ku ballan-qaaday MW abuuridda iyo dhameystirka dhismaha hay’adaha
ammaanka qaranka oo hawlgelin doona ciidan leh tiro iyo tayo ku filan gudashada
waajibaadkooda qaran kuwaasoo heli doona xuquuqdoodii iyo daryeelkiii ay u
baahnaayeen, dhisidda nidaam garsoor oo madax bannaan oo dhowra xuquuqda muwaadinka,
hirgelinta nidaamka xisbiyada badan oo horseedaya qabsoomidda doorasho “xor iyo
xalaal ah”, dhamaystirka dastuurka iyo gaarsiinta afti qaran, ku baahinta
awoodda dawladnimada ee gobollada dalka, abuuridda guddi la dagaallamaya
musuqmaasuqa, eexda, laaluushka, lunsashada iyo ku takrifalka hantida qaranka,
dhiirrogelinta warbaahinta madaxa bannaan iyo kor u qaadidda kaalinta haweenka
ee ka qeyb galka hay’adaha dawladnimada.
TIIRKA LABAAD: Soo nooleynta dhaqaalaha dalka oo uu MW ku
bayaaniyay kor u qaadista heerka nolosha muwaadinka iyo qoyska Soomaaliyeed, abuuridda
xarumo lagu tababaro xoogsatada iyo xirfadlayda si ay ugu fududaato ina ay
shaqaystaan noloshoodana kaafiyaan, kobcinta wax soo saarka dalka dhinacyada
beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, ka shaqeynta sida waxsoorkaasi loogu heli
lahaa “suuqyo” caalami ah, iyo dhisidda iyo dayactirka kaabayaasha dhaqaale ee dalka
gaar ahaan kuwa gobollada iyada oo la hirgelinayo mashaariic lagu hormarinayo
kaabayaasha dhaqaale ee gobollada si horumarka nolosha bulshadu u noqoto mid
isku dheellitiran.
TIIRKA SADDEXAAD: Nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka
Soomaaliyeed iyadoo la dhisayo guddi heer qaran ah oo waajibaadkiisu yihiin ka
shaqeynta dib u heshiisiinta dhinacyada siyaasadda iyo bulshada iyadoo kaalin
muhiim ah la siin doono hoggaamiyeyaasha bulshada sida duubabka dhaqanka,
culamaa’uddiinka, haweenka iyo dhallinyarada lana abuurayo qolayaal gaar u ah
wada-tashiga bulshada si loo gaaro bulsho ka caafimaad qabta ‘caddaad darrada, heyb
sooca, quursiga kooxeysiga iyo sad bursiga.
TIIRKA AFRAAD: Wuxuu MW Xasan tiirkani ku soo koobay soo
nooleynta adeegyada bulshada sida tacliinta, caafimaadka iyo ilaalinta
deegaanka iyo fayadhoorka guud ee
bulshada.
TIIRKA SHANAAD: Wuxuu X.SH.M. halkan ku ballan-qaaday
ilaalinta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, heegan u noqoshada in la
gaaro Soomaaliya mid ah, horumarinta wada-hadallada Soomaaliya iyo
Soomaalilaand iyadoo la adeegsanayo habab dimloomaasiyadeed si looga
miradhaliyo “midnimo waarta” oo qaranka Soomaaliyeed uu yeesho.
TIIRKA LIXAAD: Abuuridda xiriir caalami ah oo ku dhisan
iskaashi, wadajir iyo is qaddarin iyadoo laga shaqeynayo soo celintii sharaftii
iyo karaamadii ay lahayd umadda Soomaaliyeed iyo ka shaqeynta sidii ay Soomaaliyada
cusub ay xiriir wanaagsan u la yeelan lahayd dalalka deriska ah iyo kuwa
caalamkaba iyadoo ay iska kaashanayaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiaga.
MW Xasan khudbaddiisii doorashada ee aan nuxurkeedii kor ku
soo xusnay waxa uu ku sawiray aragtida siyaasadeed ee uu doonayo inuu ku
shaqeeyo haddii ay xubnaha baarlamaanku u doortaan madaxweynaha xiga ee
Soomaaliya. Sida laga dheehan karo baaxad weynida tiirarkaas iyo culeyskooda
waxaa la qiyaasi karaa xaqiijinta dhammaantood ama barkoodba in ay tahay wax
aad u adag. Qeybahan dambe ee qormada waxa aan ku falanqeyn doonaa waxyaabihii
u qabsamay ama u qabsami waayay dawladdii Soomaaliyeed ee horjoogaha u ahaa Madaxweyne
Xasan Sheekh Maxamuud.
MW Xasan Sheekh Maxaa U Qabsoomay/Qabsoomi Waayay?
Dawladda Xasan Sheekh hoggaamiyo oo waqtigeedu ku ekaa 16-kii
Sebteembar 2016-ka ayaa waxa ay ku guuldarraysatay ballan-qaadyadii ballaarnaa
ee ay fagaaraha siyaasadda la yimaadeen. Warbixin ay soo saareen Guddiga Daba-galka QM
ee Soomaaliya dhammaadkii bishii hore ayaa waxaa lagu sheegay in dawladda Xasan
ay ku hungowday xaqiijinta barnaamijyadeedii siyaadeed iyo kuwii hiigsiga
2016-ka oo ay ugu horreeyeen (1) xaqiijinta doorasha dadweyne ‘Qof iyo Codkii’
(2) dhismaha maamullada federaalka (3) sixidda, afti u qaadidda iyo hirgelinta
dastuurka cusub.
Marka hore dhisiddii maamullada federaalka ay waxa ay soo
hoos gashay xilligii ay ahayd in la qabto doorashooyinkii. Waxaa waqti dambe soo
gabagaboobay dhismihii maamul goboleedyada. Hase ahaatee weli waxaa qabyo ah
doorashada xubnaha aqallada baarlamaanka ee maamul goboleedyada qaarkood.
Xilliga qoraalkan la sameeyey oo taariikhdu ku beegneyd 19-ka bisha Diseembar
ayaa waxaan weli soo dhamaystirmin xubnaha aqallada baarlamaanka ee matalaya
Soomaalilaand. Dawladda waxa ay dib uga dhacday waqtigii doorashada, waxaana la
laalay hiigsiigii doorasho dadweyne ‘qof iyo codkii’ ahaa oo ka mid ahaa
ballan-qaadyadii Madaxweynaha oo lagu baddalay “doorasho dadban” oo xubnaha
labada aqal ee ka qeyb qaadanaya laftigooda doorashooyinkoodii ay hareeyeen muranno
iyo musuq aan meel loogu soo gabban.
Sida warbixintii UN Monitoring Group ee Oktoober 31-keedii
soo baxday caddaysay weli kooxda Alshabaab ayaa halis waxa ay ku tahay amniga
iyo degganaanshaha dalka. In kastoo la buunbuuniyey xaaladda nabadeed ee
Soomaaliya ka jirta iyo horumarka laga sameeyey, warbixintu, waxa ay sheegeysaa
in xaaladda nabadgelyo iyo ammaanka dalkuba uusan wax badan iska baddalin intii
uu madaxda ka ahaa MW Xasan Sheekh Maxamuud. Alshabaab weli waxa ay leedahay
awooddii ay ku fulisay weeraro xoogganaa oo 6 ka mid ah sanadkan dhacay laguna
beegsaday Hoteellada Muqdisho qaarkood oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 120
qof oo isugu jira xoogagga dawladda, xubno baarlamaan, wasiir iyo shaqaale
dawladeed.
In kastoo dawladdu ay dadaallo badan ku bixisay sidii ay u
hagaajin lahayd hay’adaha amniga ee dalka sida Ciidamada Xoogga Dalka
Soomaaliyeed waxaa ay la kulmeen carqalado maaliyadeed, maamul xumo iyo
musuqmaasuq ka jiray hay’adaha ammaanka. Dadaalladii looga dan lahaa
diiwaangelinta ciidamada iyo yareynta ciidamada aan diiwangashaneyn ‘ciidamada
qarsoon’ ee mushaaraadka dawladda ka qaata ayaa fashil ku dhammaaday. Sida
warbixintu tilmaantay isdaba marsiinta iyo lunsashada lacagaha mushaaraadka,
saanadda ciidanka iyo mushaar la’aanta askarta ayaa horseedday in ay askarta
qaarkood dib uga gurtaan meelo istaraatiiji ah oo ku yaalla koonfurta
Soomaaliya halkaasoo laga xoreeyey xoogagga Alshabaab oo hadda dib u qabsaday.
Waxaa marar badan dhacday in ciidamada dawladda ay qeyb ka
noqdaan dagaal beeleedyo ka dhacay gobollada qaarkood halkii ay ka hor tagi
lahaayeen. Intii uu MW Xasan Sheekh talada hayay waxaa la arkay dhacdooyin ay
ciidamada dawladdu ay ku lug yeesheen loollano u dhexeeya beelo dega gobollada
Shabeellaha Hoose, Hiiraan iyo Mudug. Dadaallo ay dawladdii Shariif billowday
oo lagu mideynayay ciidamada qalabka sida ee ku kala sugan maamullada kala duwan
ayaa aad looga gaabiyey iyadoo dawladda dhexe lagu eedeeyey in aysan si siman u
taageerin ciidama qalabka sida ee furimaha dagaallada jooga gobollada kala
duwan jooga.
Dhanka maamul goboleedyada haddii la eego, Galmudug ayaa waxa
ay dhibaatooyin kaga imaanayaan qeybo ka tirsan kooxda Alhlusunna Waljamaaca oo
gacanta ku haysa caasimad goboleedka galgaduud ee Dhuusamareeb iyo deegaannada
ku hareereysan. Wadahadallo loo furay dhinacyada bishii Sebteembar ee sanadkan
ayaa wax heshiis ah aanu ka soo bixin. Dhanka kale, maamul goboleedka Koonfur
Galbeed ayaa waxaa lagu eedeeyey in dhammaan awoodihiisa uu ku koobay magaalada
Baydhabo iyo hareereeda isagoo noqday mid ka go’doonsan inta ka soo hartay
dhulka maamulkaasi uu ka taliyo. Dhanka kale maamulka goboleedka dhaqsaha lagu
dhisay ee Hirshabeelle ayaa waxaa la sheegayaa inuusan cago adag ku taagneyn oo
laga yaabo in odayaasha reer Hiiraan aysan si wacan ugu qanacsaneyn natiijada
dhismaha maamulkaasi.
Qolyaha mucaaradka ku ah maamulka MW Xasan ayaa sheegay in
bulshada rayidka kaalintoodii ku aaddanayd dhismaha dawladda la curyaamiyey.
Sidoo kale, waxay dawladdu ku eedeeyaan in ay adeegsado siyaasado kala fogeyn
ah in ay weliba aad u faragelisay soo saaristii liiskii 135 ka oday beeleed ee
ergooyinka soo magacaabayay. Waxay sidoo kale ka digayaan in faragelinta
dawladda ee hawlaha doorashada, adeegsiga nidaamka 4.5 iyo ka weecashada
mashruucii dhismaha dalka iyo ka guuridda waxyaabaha ku meelgaarka ah ay sabab
u noqon karaan khilaafaad ka dhasha beelaha dhexdood weliba iyadoo eedo badan
ka taagnaayeen hababkii loo maareeyey hawlihii madasha qaranka iyo
doorashooyinkii xubnaha aqallada.
Dhanka dhaqaalaha, Soomaaliya weli waxa ay aad ugu tiirsan tahay
lacagaha xawilaadaha ee dibadda dalka ka yimaada iyo maalgelinta ay sameeyaan
shakhsiyaadka lacagta leh ee diyaasbaraha ah. Weli dhaqaalaha dalka waxaa
saldhig u ah lacagaha kaashka ah, dawladduna weli ma hirgelin barnaamijyadii
soo nooleynta dhaqaalaha ee dalka ee taageeridda ganacsiyada yaryar ee qoysaska
ee ay ballan-qaadday. Sidoo kale, dawladdu weli ma hirgelin nidaamyadii u
suuragelin lahaa in ay si hagaagsan u soo ururinta iyo ka faa’iideysiga
canshuuraha iyo dakhliga dawladda. Waxaa isku dhexyaacyo ka jiraan heshiisyadii
shirkado qalaad ay kula wareegeen maamulidda dekadda iyo gegida diyaaradaha ee
Muqdisho.
Nidaamka maxkamadaha iyo garsoorka ee dalka ayaan weli u
hawlgelin sidii la rabay iyadoo ay cirka isu shareereen dhacdooyinka dulmiga ee
caddaalad darrada ee ka imanayay dhanka ciidamada dawladda iyo hay’adaha
garsoorka. Waxaa xabsiyada loo taxaabay tiro badan oo muwaadiniin ah oo aan
dembiyo galabsan. Sannadkan 2016-ka ayaa waxaa la xiray xubno badan oo ka
tirsan saxaafadda xorta ah iyo xarumaha cilmibaarisyada ee dalka. Dawladdu waxa
ay aad ugu dadaashay aamusinta ama laaluushidda cid kasta oo dhaleeceyn u soo
jeedisa tallaabooyinka siyaasadeed ee ay qaadayso.
Waxaan sidoo kale cabashooyin ka taagnaayeen siyaasadda
dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee dawladda. Waxaa masuuliyiinta dawladdu u
bexeen boqollaal safarro oo aan natiijo wax ku ool ah soo saarin. Waxaa is daba
marin badan laga arkay maareynta lagacaha dawladaha deeqda bixiya ay ugu
talagaleen mashaariicda dib u dhiska dalka iyo kuwa loo qoondeeyey kaalmooyinka
banii’aadanimo ee qeybaha bulshada ee saboolka ah oo ay abaaruhu
waxyeelleeyeen. Waxaa aad u liitay sida dawladdu u wadday wadashaqeynta kala
dhexeysa dawlado udub-dhexaad u ahaa dhismaha dawladda Soomaaliya. Tusaale
ahaan, waxaa dhowr jeer la baddalay safiirada dawladda u fadhiya dalal badan oo
Turkigu uu ka mid yahay.
Isku soo duub, taliska MW Xasan waxa uu ka faa’iideystay
dadaallo badan oo dawladdii ka horaysay ay aasaaskoodii dhigtay. Muddadii u
dhexeysay 16-ka Sebteember 2012 illaa 16-ka Sebteember 2016 dalka loogama jeedo
ballan-qaadyadii saldhigga u ahaa barnaamijkii siyaasadeed ee uu la soo shir
tagay madaxweynaha. Weli dawladdu waxa ay ku tiirsan tahay ilaalada AMISOM oo
ciidan hagaagsan uma dhisna, xiriirka dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada
wuu cakiran yahay, dastuurkii weli waxba laga qaban oo waxaa jahwareer ka dhici
doonaa sida labada aqal ay isula shaqeyn lahaayeen. Sidoo kale, musuqa,
lunsashada hantida dadweyne, qabyaaladda iyo kooxeysiguba waxa ay marayaan
meeshii ugu sarraysay abid! Haddaba dawladdani afartii sano ee la soo dhaafay
maxay soo kordhisay?