W/Q: Xasan cabdi xasan
hordhac
Horumarinta akhriska iyo qoraalka waa wax aad muhiim ugu ah nolosha.
Xilligan aan hadda ku noolnahay oo loogu yeero “casriga aqoonta” ama waxa afka
qalaad lagu yiraahdo “ınformation age” yaa wuxuu lagama maarmaan ka dhigayaa in
qofku kobciyo xirfaddiisa akhrinta iyo qoraalka si uu ula jaanqaado mawjadaha
xogta ee dhinac walba nooga imaanaya.
Ahmiyadda ay akhrintu leedahay iyo guud ahaan aqoontaba waxaa inoo
muujinaya aayaddii ugu horraysay ee soo dagata waxay amraysay akhrinta. Markii
akhrinta laba jeer lagu celiyey yaa haddana waxaa la tilmaamay ahmiyadda
aaladda wax lagu qoro ee qalinka uu leeyahay. Sidoo kale Alle SWT waxa uu ku
lagu qoro oo ah qalinka oo muhiim u ah aqoonta, xoogga ummad iyo horumarkeedaba.
Abwaan Soomaaliyeed oo ka hadlaaya aqoonta ahmiyadda ay leedahay yaa ku gabyay:
Ragga dunida maamulay cilmay, dayaxa ku gaareene!
Bal malee magaaladan aad ku nooshahay oo aan cidna wax akhrin, waxna
qorin. Hubaal waxaa ah in noloshu
adkaanayso. Qarnigan aan ku jirno boos kuma laha
qofkaan wax akhrin waxna qorin. Waxaan sidoo kale aan boos fiican ku lahayn
qofkaan si wax ku ool ah waxna u qorin una akhrin. Maqaalkani waxaan ku falanqeyn doonaa abuuridda caadooyin
ama dhaqamo wax akhris oo joogto ah, kobcinta tayada wax akhriska, habka
qoridda maqaallada gaar ahaan kuwa akadeemigga ah, iyo habka qoridda sheeko
faneedyada.
Ujeeddooyinka Wax Akhriska
Akhriska noocyadiisu iyo ujeeddooyinkiisuba waa badan yihiin, kalana
duwan yihiin. Sababahan hoos ku xusan baa kamid ah ujeeddooyinka dadku ay wax
akhriyaan.
Sabab #1: waxaa wax
loo akhriyaa in la barto ama la ogaado. Barasho/dhigasho/akhrisasho dadka
badankiis waa ereyo isku macno ah ama la isku baddalan karo o oka wada hadlaya
sida aqoon lagu kasbado.
sabab #2: Waxaan wax u
akhrinnaa si aan xagasha aragtideenna u ballaarinno, shaqsiyaddeena u kobcinno,
nafteenna u ilhaaminno. Qof kastaa aragtidiisu waxa ay ballaaran tahay,
maankiisuna furan yahay inta uu wax akhriyey.
sabab #3: Waxaan wax u akhrinnaa inaan waqtigeenna firaaqada ah u riyaaqno,
khayaalkeenna u baahinno, ka xorowno xudduuddaha shaqsiyadeed iyo
joqraafiyadeed ee nagu xeeran ama jebinno silsiladaha innagu xiran, ka baxsanno
waxyaabaha nafteenna murugada geliya oo duni kale dhex maquurno.
Sabab kastaba ujeedkeennu ha ahaadee si xirfadda akhrintu qofka u
kobocdo waa inuu caadeystaa akhrinta. Caadeysashadu waxaan ula jeednaa in sida
cuntaynta, qubayska, iyo hurdada oo kale uu akhriskana kamid noqdo
caadooyinkeen mid kamid ah. Haddii naftaadu akhriska u hilloobi wayso, oo
keliye, imtixaan iyo in qof kugu sandulleeyo dartii aad wax u akhrisid waxaad u
baahan tahay inaad isku noqoto oo aad wax ka baddal ku samayso naftaada.
Akhrinta ma aha wax keliya la isku san-dulleeyo. Waa in naftu doorataa in ay
wax akhriso.
Dhammaanteen waan leenahay caadooyin wax akhris oo joogto ah. Nasiib
darradu waxay tahay waxaan uga faaiideysannaa baraha xiriirka bulshada. Waxaan
waqti badan ku bixinnaa akhrinta qoraallada saaxiibbadeen ee FACEBOOK ama TWITTER.
Saaxiibkaa/saaxiibtaa baad todobaadkii WhatsApp-ka 20,000 oo kelimadood is
weydaarsataan. Waxaad xubin ka tahay dhowr group. Qaarkood baad si toos ah ugu
xiran tahay. Iyagana midka ugu yar haddii ay 10 qof ku jirto, oo aad xubin
firfircoon ka tahay waxaa dhinacooda kaaga soo fataha in k abadan intii aad
saaxiibkaa ama saaxiibtaa aad la sheekeysanaysay.
Isku soo duub tirada ereyada aad bishii social media (Qoraallada
Facebook-ga, Sheekooyinka WhatsApp-ka, Viber, Messenger, iwm) ka akhriso haddii
aan dhahno qiyaas ahaan waa 400,000 erey, waxay la mid tahay waxaad akhrin
lahayd 1200 bog wax u dhigma. Waa inaad dib u eegid ku samaynaa waqtiga badan
ee aan social media ku qaadanno, si wax tar lehna uga faaiidaysannaa. Ma
lihi, mana aaminsani in “social medi”aha uusan faa’iido lahayn wax cusubna laga
baran. Waxaan leeyahay waqtigaa tirada badan uma qalmo. Uma qalmo intaad
library-ga soo gasho oo bogga ugu horeeya ee aad furtaa uu facebook noqdo!
David McRane, joornaliiste caan ah oo wax ka qora cilmiga psychology-ga,
teknoolojiyadda iyo internetka yaa wuxuu qoray buug la magac baxay ‘Sidaa uma
caqli badnid: Maxaad saaxiibbadaas tirada badan aad Facebook ugu leedahay”.
McRane wuxuu soo xigtay aragti uu leeyahay Anthropologist lagu magacaabo Robin
Dunmbar. Aragtidan ayaa waxay sheegaysaa in qofka caadiga ah uu saaxiib la
ahaan karo tiro u dhexeysa 150-230. Tiradan oo afka qalaad loogu yeero
‘Dumbar’s Number’ yaa waxay xaddidaysaa shabakadda saaxiibbada ee qofka. McRane
ayaa wuxuu ku doodayaa in mar kasta oo saaxiibbo cusub aad kasbatid kuwii hore
aad sii illaawaysid oo kuwa cusub ay bara bixinayaan kuwii hore.
McRane saaxiibtinamada uu ka hadlay waxa uu ku cabbiraa dad
ujeeddooyinka noloshooda qaarkood wadaaga, waxyaabo qaar si wada jir ah u wada
xiiseeya, waqti isla qaata ama ugu yaraan wada xiriira. Adigan Facebook-ga
dhowrka kun saaxiibbada ah ku leh imisa ayaad si sax isu taqaanaan, weligaa
kulanteen, amaba isla xiriirtaan? Jawaabtu maadaama ay “Ma badna” tahay
waqtigaa farabadan ee aad ku bixiso akhrinta iyo isaga gudbidda (scrolling)
qoraallada derbiga FB-gaaga uga faa’iidayso inaad akhriso qoraallo fiican.
Caado wax akhris waad leedahaye cayaarta ka yaree oo aqoon ku kasbo!
Sidee Ayaan Ku Yeelan Karnaa Caadooyin Akhris?
Sida ugu wanaagsan ee qofku ku yeesho caado iyo dhaqammo akhris oo
joogto ah waa:
• Yeelo ujeeddo,
waqti iyo liis akhrineed oo kuu gaar ah. Waxaa jira waxyaabo farabadan oo aad
xiisayso sida cayaaraha, muusigga, filimada, iwm. Akhri buugaag ku saabsan
waxyaabaha aad xiisayso. Qof walba waa in ay jirtaa meel uu asxaabtiisa kaga
xog roon yahay. Liis akhrineedka aad leedahay bil kasta ha kuugu jiraan
buugaagta ama maqaallada aad doonto inaad akhrisid. U dooro sida aad u
xiisaynaysid una kala fudud yihiin.
• U akhri inaad waqti
fiican qaadato (pleasure). Caqabadda koobaad ee dadka akhriska ka hor taagan
waa iyagoo akhriska culeys iyo waajib dulsaaran u maleeya. Marka buug aan
akhrinayno waxaan dareemeynaa cadaadis ah in aan sida ugu dhaqsiyaha badan ku
dhammayno.
• Yaree waqtiga aad
ku bixisid daawashada TV-ga iyo adeegsiga internetka. Waxa ugu daran ee
naafeeya akhriska waa labadan aaladood. Waxaan daawannaa musalsallo saacado
badan oo waqtigeenna ah naga qaata kuwaasoo ciriiri geliya ama booska ka bixiya
waqtigii aan wax ku akhrin laheyn.
• Mar kasta buug
sido. Tani waxay kaa saacidaysaa inaad mar kasta oo aad caajisto aad akhriso.
Xilliyadii hore buug sidashadu aad bay u dhib badney, laakiin xilligan hadda la
joogo oo dhallinteenna ay teleefannada caqliga leh ay wada sitaan waxaa fudud
in library-ga oo dhan aad telefonkaaga ku sidato. Maadaama aan telefonnada
gacanta ku haysanno applications fara badan oo markaad online noqoto ku
mashquuliya waxaad isticmaali kartaa tabletka qaar oo akhrinta keliya loogu
talagalay. Waxaana ugu caansan Kindle.
• Blog garee buugaagtaad
akhriso lana wadaag asxaabtaada. Waxaad samaysan kartaa blog aan ku qorto
miraha kaaga soo baxa akhriskaaga. Blog-gu wuxuu kuu suuragelinayaa inaad hesho
faallooyin ku saabsan buugaagtaad akhrisay, iyo soo jeedinta saaxiibbadaa eee
ku saabsan kuwa aad akhrin lahayd. Sidoo kale abuur ama ku biir naadi akhris.
Naadiyada akhrisku waxay xubnaha ku jira siiyaan madal ay ku wadaagaan
waxyaabaha ay akhriyaan. Waxaad ka heli kartaa buug ku xiiso geliya.
Qodobbadan aan xusnay waxay saldhig u yihiin abuuridda caadooyin wax
akhris oo uu qofku yeesho. Akhrinta in la jeclaado waxaa udubdhexaad u ah
rabitaanka qofka iyo waxa ku dhiirro geliya akhriska. Haddii naftaada ay u
gaajaysan tahay ogaalka wax walba oo dunidan ku saabsan, waxaad qotomisay
tiirka koowaad ee akhrinta.
Horumarinta Xirfadda Akhriska: Kobcinta Xawliga Akhriska Iyo Heerka Fahanka
Dhaqso akhrinta aad ayay muhiim u tahay gaar ahaan casrigan hadda la
joogo. Dadkii hore, intii aan aaladda wax daabacda ee buugaagta lagu badiyo la
helin, waxay aad ugu tiirsanaayeen in ay si wanaagsan u xusuustaan waxa ay
akhriyaan. Buugaagtu maadaama ay aad u yaraayeen, waa la kala qaadan jiray.
Lama haysan buugaag badan oo uu qofku akhriyo inta uu nool yahay. Sidaas
daraaddeed xowli wax u akhrisku ahmiyad badani ma lahayn.
Kaddib ikhtiraacaddii Gutenberg ee aaladda daabacaadda sanaddu markay
ahayd 1439 waxaa kordhay tirada buugaagta, waxaana fududaatay heliddooda.
Qarnigii hore markii aaladda computer-ka dunida ku soo biiray, waxaan u
gudubnay casriga ‘digital’-ka. Wax kastoo dunida laga qoray waxaa lagu keydiyey
computer oo faraheenna fooddooda ayay noo joogaan. Si xogtaas tirada badan loo
maareeyo, waxaa baahi loo yeeshay hab akhris dheereeya oo la jaan qaadi kari
culeyska xilligan.
Dhaqso wax akhrinta waa xirfad si ballaaran u soo if baxday qarnigii
20-aad bartameeyadiisii markii Evelyn Wood oo iskuul bare ka ahayd isku hawshay
in ay ogaato sababaha dadka qaarkood akhrinta ugaga dheereeyaan kuwa kale.
Iyadoo gacanta hage ahaan u isticmaalaysa ayay nafteeda ku laylisay in ay
kordhiso dhaqsaha akhrinteeda. Kaddib waxay aasaastay iskuul laga magic baxay
Evelyn Wood Reading Dynamics oo dadka ku carbiya hababka akhriska dheereeya iyo
kordhina fahamka.
Halkan waxaan ku soo bandhigaynaa waxyaabaha saldhigga u ah dhaqso wax
u akhrinta ee dunida laga yaqaano. Qofka caadiyan wax akhriya celceliska heerka
akhrintiisu waxay u dhexeysaa 250 illaa 300 Erey/Daqiiqaddii. Heerkan akhriska
ah ma kaafinayo xaddiga akhrinta ee casirgan looga baahan yahay iskuulka iyo
shaqadaba. Si loo kordhiyo dhaqsaha akhriska iyo fahamka waxaa saldhig u ah
talooyinkan:
•
Ku akhri meel raaxo
leh oo aan buuq iyo wax ku mashquuliya lahayn. Deegaanka wax lagu akhrinayo yaa
ah waxa koobaad ee saameynta ku leh heerka akhrinta iyo xusuusashada. Mar kasta
oo wax la akhrinayo dhammaan awoodda maskaxeed ee qofka oo idil waa in ay ku
koobnaataa waxa uu akhrinayo. Qof iftiinkiisu daciif yahay, ama daran yahay oo
indhaha kaa qabanaya kuma habboona akhriska. Fadhi xumada waxay iyada keeneysaa
in murqaha qaarkood ku xanuunaan ama jirka qeybo ka mid ahi kabaabiyoodaan. Waa
muhiim in marka wax la akhrinayaa sida ugu macquulka ah ee jirka u wanaagsan in
loo fadhiisto.Akhrintu waa sidii ‘meditation’ oo kale. Maskaxda akhriyaha waa
in wax kasta ka maran yihiin marka uu wax akhrinaayo oo keliya qoraalka hor
yaalla keliya diiradda saarto. Xoogga maskaxeed ee dadku leeyihiin mar kasta si
wax ku ool looma isticmaalo sababtoo ah waxaan maskaxdeenna ku mashquulinnaa
hawlo kala duwan oo midda aan qabanayno la xiriirin.
•
Si fiican oo xooggan
u qabso buugga, horumari habka warqad geddinta. Buugaagtu marka ay cusub yihiin
kala bixintoodu iyo xajintoodaba waa yara adag tahay. Haddii qofka wax
akhrinayaa uusan si fiican u qabsan waxaa laga yaabaa inuu ka fara baxsado, ka
daboolmo ama boggaggu isaga darsamaan. Si qumman u fidi buugga intaadan
billaabin akhriskiisa. Habka aad buugga u haysato waxay kaa saacidaysaa
kontoroolidda buugga iyo geddinta bogagga.
•
Markaad wax
akhrinayso fartaada ama qalinkaaga u adeegso si uu kuu hago oo aadan ereyada
iyo sadarradaad akhrisay dib ugu noqon. Waxaad fartaada ama qalinkaaga u
isticmaalaysaa sidii inaad sadarrada hoos ka xariiqaysid. Arrintan waxay kaa
caawinaysaa in (1) dhaqdhaqaaqu indhahaagu ay raacaan midka gacantaada ama
fartaada, (2) indhahaagu aysan ku istaagin erey gaar ah marka aad wax
akhrinayso (3) horey aad u sii waddid akhriskaaga oo aadan dib ugu soo noqon
sadarrada aad akhrisay.
•
Ha ku dhawaaqin
ereyada aad akhrinayso. Ku codeynta waxa uu qofku akhrinayo waxay dhumminaysaa
diiraddiisa, yaraynaysaa dhaqsihiisa, hoosna u dhigaysaa heerka fahamkiisa guud
ee la xiriira qoraalka. Caqabadaha ugu waaweyn ee dadka ka hor taagan in ay
dhaqso wax u akhriyaan waa ku dhawaaqidda ereyada ay akhriyaan. Ku dhawaaqiddu
keliya ma aha in ereyada cod la maqli karo dibadda ugu soo saarto. Waxaa jira
waxa afka Ingiriirsiga lagu yiraahdo ‘subvocalization’ ama ‘codka qarsoon’ oo
ah qofka inuu isagoon cod sare u soo saarin ku dhawaaqo ereyada uu akhrinayo.
Xawaaraha akhris ee qofku gaari karo isagoo codka qarsoon adeegsanaya waa 900
erey/daqiiqaddii. Tani waxa ay u dhigantaa bug (90,000) oo erey ah (ku dhawaad
300 bog) halka qofka caadiga ah uu ku akhrin karo 6 saacadood adiga 1 saac iyo
40 daqiiqo baad ku akhrinkaraysaa. Codka qarsoon waxaa laga garan karaa sida neefsashada
qofka oo waxaad mooddaa inuu wax cod ku akhirnayay. Sadar kastaa ba mar buu
neefsadaa maadaama uu keliya codka dibadda u soo baxa keliya uu reebay ee uu si
hoose naftiisa ugu akhrinayay qoraalka. Joojinta codka qarsoon ee akhriska iyo
adeegsiga akhris ku dhisan aragga yaa ah hababka ugu waxtarka leh ee lagu
kordhiyo dhaqsaha akhriska iyo fahanka.
•
Marna dib ha ugu
noqon ereyada iyo sadarrada aad soo akhrisay. Naftaada ku riix oo ku qasab in
ay horey u sii waddo akhriska oo aysan dib ugu soo noqon waxaad akhrisay xitaa
haddii aad is leedahay waxbaad illowday am ka soo boodday. Dadka badankiis
waxay naftoodu siiyaan in ay dib u noqoto oo ku dul fekerto ereyadii la soo
dhaafay. Tani waxay keeneysaa caado ‘regression’ ama ‘dib u akhrin’ taasoo
naafaysa dhaqsaha akhriska ee qofka. Sababaha ugu wacan ee dib u noqoshada.
Akhris noqnoqodka waxaa sabab u ah walwalka qofku uu ka qabo in ay wax muhiim
dhaafeen. Qofka wuxuu diidayaa in uu naftiisa ku sii daayo qoraalka. Wuxuu isku
celiyaa keliya xeyndaabka naftiisu aaminka ku tahay ee is leeyahay wuu ku
fiican yahay akhriskaaga iyo fahankaaga. Waxaa la ogaaday in haddii qofku
silsiladaha ku xiran tuuro, cabsidana joojiyo oo uusan noqnoqod sameyn marka uu
wax akhrinayo, in akhriskiisa uu degdegayo, fahankiisana kordhayo.
Guud ahaan, si bandhigga wax akhriska u wacnaado waa in uu ku jiraa
qorshe wax akhris oo joogto ah oo qofku ku hawl galo. Fadhi kasta oo aad wax ku
akhrinaysaa u yeel ujeeddooyin aad rabto inaad xaqiijiso. Ujeeddooyinkaas waxay
maskaxda ka caawinayaan in ay ugaarsato waxa aad doonayso, iskana xirto
waxyaabaha kale ee aan muhiimka kuu ahayn.
Talooyinkan aan kor ku soo xusnay waa wax tijaabo soo galay oo
natiijadoodu la arkay. Keliya dhiirro gelin iyo niyad dhis dhanka akhriska ah
ma aha. Haddii qofku talooyinkan todobaad dhaqan geliyo oo uu ku celceliyo
wuxuu kordhin karaa xawaaraha akhriskiisa wax ka badan 4 laab. Marka qofku
dareenkiisa oo dhan uu ku soo ururiyo waxa uu akhrinayo waxa ay maskaxdu
gaartaa heerka ugu sarreeya ee barashada oo afka qalaad lagu yiraahdo ‘Optimum
Learning State’ ama ‘OLS’ loo soo gaabiyo.
Habka ugu adag oo tababar muddo ah, kalsooni iyo kontorool nafsadeed
oo joogto ah u baahan waa aragti ku akhrinta. Aragti ku akhrinta waa habka ugu
dhakhsiyaha badan ee wax loo akhriyo. Haddii deegaanka wax lagu akhrinayaa uu
aad u wanaagsan waxaa si fudud xawliga akhriska lagu gaarsiin karaa wax ka
badan 1000 erey daqiiqaddii. Tani waxay kaa saacidaysaa inaad waqtigaaga si
fiican u dhaqaalaysatid oo naftaada waxyaabo fara badan oo waqti u waayi jirtay
inaad qabsato.
Ogsoonow, dhaqso akhrinta mar kasta ma ahan habka keliya ee la
doorbido. Heerka aqoontaada ee luqadda aad wax ku akhrinayso, nooca akhriska
iyo ujeedka yaa go’aamiya hadba xawliga aad ku wajahayso qoraalka aad rabto
inaad akhriso.
Horumarinta Xirfadda Qoridda
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
Sisin iyo ku beer muufo,
Iyo laanta saytuunka,
Ku qotomi sugnaan waarta,
Iyo nabadda seeskeeda,
Samo iyo ku doon heedhe,
Dunidiyo sinnaanteeda,
Ku dawee sawaaceenka,
Iyo siica daacuunka,
Ku burburi sarbaa mooska,
Iyo soohdimaa meersan,
Ku midee samuud raaca,
Midabbada la sooc soocay,
Dadkan tobanka saamood leh.
-Hadraawi ‘Sirta Nolosha’
In la sameeyo qoraallo wax tar leh waa shaqo aad u adag oo dadaal iyo
waqti badan u baahan. In wax la qoro waxay qofku ka caawinaysaa inuu daahfuro
shakhsiyaddiisa oo uu ogaado nooca qofeed ee uu yahay. Wax qoridda yaa ah habka
ugu wanaagsan oo lagu keydiyo xusuusta. Abwaan Soomaaliyeed oo tilmaamaya yaa
yiri ‘Wixii la qoraa quruumo haree, Bal muxuu hadal qiimo leeyahay?’. Qoraal
sameyntu, sidoo kale, waa habka qofku uu ku lafaguri karo afkaarta ka guuxaysa
maankiisa, kana qeyb galo doodaha aqooneed ee la isku weydaarsado. Inaad
yeelato xirfad oo horumarsan waxay kaa caawinaysaa inaad si cad u gudbiso
farriimaha aad xambaarsan tahay iyo fekradaha aad aaminsan tahay.
Hababka ugu qadiimsan ee lagu hormariyo qoraalka waa akhrinta
qoraallada ay sameeyaan dadka sida fiican wax u qora. Qoraayaashii hore maysan
qaadan koorsooyin horumarinta qoraalka ah. Waxay qoraalka wanaagsan ka barteen
qoraallo ay sameeyeen dad qormada ku fiican. Aasaaska qoraal fiican waa aqoonta
qofku u leeyahay afka uu wax ku qorayo.
In qoraal waxtar leh la qoro waa xirfad la kasbado ee ma aha awood ama
heybad ama hidde qofku dhaxlo. Soo saaridda qoraal wax tar leh waa falalka
qofku ku dhaqaaqo ee ah qorshaynta, ujeeddo dejinta, daba-galka socodka hawsha
qormada, iyo dhisidda caadooyin iyo dabeecado joogto ah. Maadaama ay wax
qoriddu tahay xirfad waxaa lagu horumarin karaa keliya hagid, tusaaleyn,
raacidda tilmaamooyin wanaagsan. Nuxurka
qoriddu waa soo saaridda qoraal ‘jaan-gooni’ ah oo aad adiga leedahay.
Dadka badankiis waxa ay ka sheegtaan in aysan wax u qorin hal-abuur
iyo ilhaam la’aan. Qoridda cilmi baaris lamid ma aha qoridda gabay iyo hees.
Qofka keliya ee hal-abuur iyo ilhaam ka sheekeeya waa gabyaa. Maqaal ku saabsan
siyaasadda, dhaqaalaha ama arrimaha bulshada inaad qori wayso sabab uma aha
inaadan hal-abuur laheyn. Waxaa ugu wacan inaadan qoraalka rabin am aad ka cago
jiideysid. Billowgu qoraalku waa inaad maanka ku haysaa inaad tahay qof caadi
ah, oo qoraal caadi ah samaynaya.
Waxaa sidoo kale xusuus mudan in qoraalku uusan ahayn tartan orod oo
ay lagama maarmaan tahay qormadaad maaanta billowdo in berry aad dhamaystirto,
maalinta xigtana daabacdo, dadkuna ay ka helaan. Halkan waxaan ku soo
bandhigaynaa caqabadaha mala-awaalka ah eedadka ka hor taagan in ay wax qoraan.
Waxaa kamid ah caqabadahaas:
•
‘Waqti uma helo wax qoridda’ taas oo
lamid ah ‘waxaan wax qorayaa marka aan waqtiyo waaweyn helo’. Caqabadani
mala-awaalka ah waxay caan ka tahay xeydaabka akadeemigga. Waa hab dadka aan
qorin ay naftoodu ku maaweeliyaan kuna qanciyaan marka ay dareemaan in aysan
wax qorin. Xalka mushkiladdani waa in inta ‘waqti
helidda’ la iska dhaafo qoriddu waqti u gooni ah loo qoondeeyo!
•
‘Waxaan sugayaa
xilliga ay naftaydu qoraalka diyaar u tahay!’ oo la mid ah waxaan wax qorayaa
marka uu ilhaam ii yimaado oo duufaanta curinta iyo hal-abuurka jinniyadaydu
kiciyaan. Tani waxay cudurdaar u noqotaa in qofku qorshe iyo jadwal waqtiyeed
yeelan waayo. Qoridda maqaal cilmiyeed ku salaysan qaabka APA iyo maqaal
falanqeyn oo ku saabsan farqiga u dhexeeya nooca federal ee dawladdeena iyo kan
dawladda Itoobiya uma baahna ilhaam. Dadaal, waqti iyo raacidda shuruucda
qormada yaa ah sida keliya ee lagu soo saari karo maqaallada cilmiga ah.
•
‘Waan ku qasbanahay
inaan waxan qoro’ oo micnaheedu yahay haddii aysan qasab igu ahaan laheyn
qoraalkan maba sameyn laheyn. Aragtidan yaa waxay keentaa in qofku hawsha
qoraalka ee hor taalla uu u arko shar in la is mootiyaa ay tahay. Uma arko in
qofku qoraalka uu sameeyo wax ku noqdo, dadkana ku taro. Maqaalka aad maalin
iskuulka ku qortaa ugu horreyn adiguu aqoon kuu soo kordhiyaa. Buugga qalin
jebinta ee aad qortaa waa qeyb taariikhdaada kamid ah. Haddii aad intaan wax
iska soo xaabsato hal meel isugu keento berri wax adiga laguugu ceebeeyo
shakhsiyaddaada bahdila buu noqonayaa.
Soo saaridda qoraal tayaysan waxay ku tiirsan tahay sida ugu fudud ee
loo fahmi karo qoraalkaaga. Dhibaatooyinka dadka qoraalka ku cusub ee xerada
akaadeemigga ku jira ay sameeyaan waxaa kamid ah iyagoo doona in ay muujiyaan
in ay garaad iyio garasho badan yihiin. Waxay isticmaalaan ereyo adag oo laga
maarmi karo. Tusaale ahaan halkii laga dhihi lahaa ‘biyaha haddii muuqaalkoodu
mugdi yahay, micneheedu waa mool’ waxay u dhigayaan qaabkan ‘xaddi biyo ah oo
ku tusmaysan daahfurnaan yar waxay u badan tahay in qotadoodu dheer tahay’. Si
arrintan looga baxsado waan in aan isticmaalnaa ereyo si fudud loo fahmi karo,
weero dhismahoodu cad yahay.
Sidee Loo Qoraa Maqaal?
Noocyada maqaalladu
aad bay u kala duwan yihiin. Waxay noqon karaan maqaal cilmiyeed, maqaal warbixineed,
ama maqaal fekradeed. Qoridda maqaallada waxay maraysaa tallaabooyinkan hoos ku
qoran:
•
Qoraalka ka hor:
Doorashada cinwaanka iyo fekradda uu ka hadlaayo yaa ah tallaabada hore ee
qormada maqaal. Sidoo kale, qofka maqaalka qorayaa waa in uu ogaadaa ama ay u
caddahay cidda maqaalkiisa akhrin doonta. Qoraagu waa inuu sameeyaa raadraac ku
salaysan fekradda uu ka hadlayo soona uruuriyaa caddeyn iyo daliil uu ku
xoojinayo fekraddiisa.
•
Qeybaha uu ka
kooban yahay maqaal waa (1) Hordhac: Wuxuu fekerad guud ka bixinayaa maqaalka,
ujeedkiisa iyo fekradda uu xambaarsan yahay. Hordhaca waxaa lagu billaabaa
weero xooggan oo soo jiidasho leh oo qofka ku dhiirro geliya inuu sii akhriyo
qeybaha kale ee maqaalka (2) Baaxad (Body) waxaa lagu xusaa nuxurka fekerka uu
qoraalku ka hadlayo. Faqro kasta waxay sharxaysaa xaqiiqo taageeraysa aragtida
qoraalka. Waxaa sidoo kale halkan lagu xusayaa aragtida mucaaradka fekradda oo
kooban iyo naqdinteeda (3) Gunaanad: waxaa dulmar kooban lagu sameeyaa nuxurka
dooddii maqaalka.
•
Qor, Dabadeedna
tifaftir: Qaladaadka la sameeyo marka wax la qorayo ee daahiya ama carqaladeeya
hawsha qoraalka waa iyadoo la isku dhinac wado qoraalka iyo sixidda maqaalka.
Qoraalka hore waa qabyo-qoraal (draft). Fekradahaaga si aysan kaaga kala yaacin
waa inaad marka hore ku qortaa qabyo-qoraalka. Marka uu dhamaystirmo
qabyo-qoraalku billow inaad saxdo oo aad tifaftirto. Hagaaji kala horreynta
afkaarta, weeraha qaldan, habka qoraalka iyo naxwaha. Ugu dambeyn, dhammeystir
muuqaalka qoraalka, farta, cabbirka, faqradaha iyo wixii kaloo qurxin ah.
Qoridda Maqaallada Joornaallada Akadeemiga
Qoridda maqaallada lagu baahiyo joornaallada akadeemiga ah waxay u
baahan tahay waqti iyo raacidda xeerarka qoridda maqaalladaas. Billowga qoridda
maqaal waa qorshaynta sida aad u qori lahayd maqaalkaaga. Dadka ku dhibtooda
qoridda maqaallada waxa ay ka sheegtaan in maskaxdoodu ay ereyada ku soo dhicin
marka ay qoraalka billaabaan. Sababta ayaa waxa ay tahay waxay qoraalka
billaabaan iyagoon ogeyn waxa ay rabaan in ay qoraan. Sidaas daraaddeed dejinta
qeybaha qoraalkaaga yaa ah tallaabada koowaad ee qoraalkaaga. Qeybaha ay
badanaa ka kooban yihiin maqaallada akadeemiga ah waa (1) Cinwaan iyo
Gogol-dhig (2) Hordhac (3) Hab Cilmi-baaris (4) Natiijada (5) Falanqeyn (6)
Gunaanad (7) Tixraaca iyo buug-kaashi.
Cinwaanka iyo Gogol-dhigga: Cinwaanku waa in uusan aadna ciriiri u aheyn una ballaarneyn oo uu
isku dheelli tiraa guud ahaannimo iyo gaar ahaansho. Cinwaanka ha noqdo mid
ereyadiisu cad yihiin oo qofkii arkaa maqaalka waxa ka hadlaaya inuu fahmo ka
saacidaya.
Gogol-dhiggu waa qoraal si fudud loo soo koobay oo sharxaya shaqada
aad qabatay. Gogol-dhiggu wuxuu qeexayaa cinwaanka maqaalkaaga, ereyada uu ka
kooban yahay, habka aad cilmi-baarista u samaysay, iyo waxa ka soo baxay cilmi-baaristii
aad qabatay.
Hordhac: Hordhaca
maqaallada maqaallada akadeemiga ah waxay ay muujiyaan ahmiyadda uu maqaalku
leeyahay. Waa qeybta ugu fursadda badan in gebi ahaanteed la wada akhriyo.
Hordhaca waxaa lagu billaabaa guudmar ku saabsan maqaalka. Waxaa ku xiga
mushkiladda uu maqaalku xal u raadinayo, ama su’aasha uu ka jawaabayo, arrinta
uu caddeynayo. Ujeedka hordhacu waa sababeynta jiritaanka maqaalka. Wuxuu sidoo
kale hordhacu xusaa aragtiyaha la xiriira maqaalka, tijaabooyinka maqaalka qorihiisu
fuliyey iyo cilmi-baarista horey loo sameeyey.
Hab Cilmi-baaris: Hab
cilmi-baaristu waa dhabbaha la maray si loo gaaro natiijada maqaalka. Waxaa
lagu xusaa cidda (population) ka qeyb qaadatay cilmi-baarista, sida xogta loo
soo ururiyey, namuunta (sample) lagu saleeyey ama lagaga tilmaan qaatay
cilmi-baarista, xog ururinta waxa loo isticmaalay sida weydiimaale
(questionnaire) ama aaladda halbeeg (apparatus), barnaamik kombuyuutar ee la
adeegsaday. Sidoo kale waxaa qeybtan lagu sheegaa doorsoomayaasha maqaalka,
xiriirka ka dhexeeya iyo sida loo dhigay, cilmi-baaris hore oo sheegaysa habka
doorsoomayaasha xiriir iskula leeyihiin ama isku saameeyaan. Waxaa sidoo kale
la caddeeyaa heerka la isku halleyn karo (reliability) iyo saxnimada (validity)
habka xog ururinta.
Natiijada: Qeybtan maqaalka
kamid ahi waxaa lagu soo badhigaa natiijadii ka soo baxday xog ururintii.
Badanaa waxay ka koobnaataa jadwallo iyo garaafyo kuwaas oo cabir u ah
natiijada xog ururinta.
Falanqeyn: Halkan waxaa lagu
soo bandhigaa natiijooyinkii iyo sida ay ula xiriiraan mushkiladdii maqaalka uu
baarayay. Waxaa lagu sheegaa sida natiijada maqaalka ula xiriirto aragtiyihii
saldhigga u ahaa maqaalka iyo horey cilmi-baarisyadii la sameeyey. Waxaa lagu soo
gabagabeeyaa wixii caqabado ahaa ee xaddiday natiijada maqaalka. Halkan muhiim
ma aha caqado guud oo la wada yaqaano inaad xusto.
Tixraaca iyo Buug-kaashiga: Waxaa halkan lagu soo bandhigaa qoraallada kala duwan ee maqaalkaaga
aad u kaashatay. Qeybtani waxay iftiimisaa meesha uu maqaalkaaga ka jirto
xerada cilmi baarista.
Sidee Loo Qoraa
Sheeko Faneed?
Sheeko faneedku waa qaab
casri ah oo dadku u sheekeystaan isuna feker dhaafsadaan. Adigoo sariitaada
jiifka jooga, ama qolkaaga fadhiga shaah ku cabaya baad akhrisan kartaa sheeko
faneedka. Hawd oo ah qoraa Soomaaliyeed ayaa qaba in sheekada hadalka lagu soo
gudbiyaa aanay mar kasta weeleyn waxa uu qofku sheegi lahaa oo dhan. Halka
sheekada qorani ay ku tusmeysan tahay faahfaahin dheeri ah iyo ka baaraan degid.
Sheeko faneedku waxaa loo qoraa in dareenka iyo waayaha nolosha la wadaago,
feker la is dhaafsado, iyo qof kasta dunida khayaalkiisa ku sawiran inuu soo
bandhigo. Sheekada wanaagsani waxa ay akhristaha u yeeshaa fahan sarreeya
waxayna gelisaa arxan (empathy).
Sheekaa maskaxdaada ka guuxaysa, ama billowga sheeko. Shaksiyaadka
sheekada baa kuu muuqda iyagoo isla hadlaya, sheekeysanaya ama qoslaya. Sidii
filimkii oo kale baad u daawanaysaa. Adigoo xamaasadaysan baad soo
dhaqaaqaysaa. Waxaad u fadhiisanaysaa inaad qorto. Nasiib darro se, sheekada
warqaddaad qortay ka muuqata ma aha tii maankaaga ka guuxaysay. Farqi aad u
weyn baa u dhexeeya sheekada maskaxdaadu sawirtay iyo tan aad adiga taqaano
qoriddeeda. Arrintani adiga keligaa kuguma koobna. Dadka qoraalka ku cusubi oo
dhan waa kula wadaagaan. Si caqabaddaas loo xalliyo, sheekada aad sawiratay iyo
tan warqaddaada ka soo muuqatayna ay isugu dhawaadaan waa inaa barataa
farsamada qoridda sheekooyinka.
Dadka qofba sheeko qoriddiisu meel bay ka liidataa. Mid baa sheekada
ku fura jil aad u gaabiya. Shakhsiyaadka iyagoo aan caddeyn bay sheekada iska
daba jiitantaa. Dhowr bog kaddibna qoraagu intuu sheekadii lumiyo baa codkiisii
u soo hara oo waa ka istaagtaa. Qofka noocan oo kale waxaa laga haystaa billowga
sheekada.
Mid baa cod xooggan oo kalsooni ku jirto iyo muuqaal soo jiidasho leh
ku billaabata. Shakhsiyaadka sheekada baa si xiiso leh u soo if baxa oo su’aalo
ogaal doon ah dhaliya. Dhowr muuqaal kaddib dhabbihii bay ka habowdaa sheekada.
Su’aalihii dhashay baa wareer keena, jawaabna waa loo heli waayaa. Waxay isu
rogtaa wax laga caajiso. Qofka noocan ahna qeybta dhexe ee sheekada yaa ka
hallaysan.
Mid kalena si xiiso leh bay u billaabataa. Muuqaal kasta waxa uu kuu
sii dhiibaa mid kaloo ka xiiso badan. Sheekadii si xiiso leh bay u socotaa.
Akhristaha waxa uu harraad u qabtaa inuu ogaado sida sheekadu u dhammaato. Hase
yeeshee maba dhammaato. Iyadoo sheekadu laallan tahay baa qoraalku dhamaadaa.
Waxay sababtaa in akhristuhu niyad jabo. Sheekada noocan ahi qoraageedu waxaa
dhib ka haystaa habka loo gabagabeeyo sheekada.
Qoraaga caanka ah ee Hemmingway waxa uu yiri “Mushkiladda qoraagu isma
dooriso. Isaga wuu is baddalaa, dunida ku heeran way is baddashaa hase ahaatee
dhibtiisa sideedii bay u taagnaataa. Mixnadda qoraaga haysata mar kasta waa in
uu si dhab ah wax u qoraa, waxa dhabta ahna si uu gaarana waa in uu qoraalkiisu
u soo bandhigaa qaab ka yeeli karta akhristaha in uu dareemo sidii ruux
sheekada ku dhex jiray oo kale”. Barashada qeybaha sheekooyinka iyo fahanka
habka loo abuuro yaa ah furaha sheeko guulaysata oo aan billowga, dhexda iyo
dhammaadka mid ba aan ku lumin oo akhristaha dareenkiisa qaada, ka fekersiisa,
xiiso gelisa ama ba ka ilmaysiisa.
Sheeko kasta waxa ay akhristuhu ka ballan qaaddaa labo arrimood: in ay
wax dareensiiso iyo in ay ka fekersiiso oo maskaxdiisa su’aalo ku abuurto.
Qoraa kasta waa in uu ka war hayaa waxa uu akhristayaashiisa ka ballan qaadayo.
Akhristaha marka uu cinwaanka sheekadaadu arko waxa uu kaa filayo waa in uu ka
arkaa sadarrada hore ee sheekada. Tiirarka ay sheeko kasta ku tiirsan tahay waa
(1) shakhsiyaadka ‘jileyaasha’ (characters) (2) Goobta (Setting) (3)
Dhibta/mushiladda sheekada (conflict).
Jileyaasha: Billowga sheekada
waa in uu akhristaha siiyaa qof uu diiradda saaro. Marka sheekada gaaban la
joogo qofkaa waa in uu isla markiiba soo if baxaa oo qeyb muuqata ka yeeshaa
dhacdooyinka. Sheekooyinka dhaadheer waxaa suuragal ah in uu daaho oo
shakhsiyaad kale oo laf-dhabar u ah sheekada ka soo hor maraan. Buugga caanka
ah ee la yiraahdo Moby Dick qoraaga wuxuu ku billaabay sheekadiisa ‘Call me
Ishmael’. Waxa uu ku billaabay shakhsiga ay sheekada ku socon doonto magaciisa.
Waxaana ku sii xigay nooca shakhsiyaddiisa, xilliga iyo goobta uu ku nool
yahay. In jileyaasha si faahfaahsan loo sawirro waxay ka qeyb qaadataa billow
fiican oo sheekadu yeelato. Qoraaga waa in uu shakhsiyaadka sheekada si
qoto-dheer u sawiraa. Jilaha waxaa akhrista dareensiin kara magaca, muuqa,
hadalka iyo fekradaha ka guuxaya maankiisa.
Goobta: Halka sheekadu ka
dhacayso iyo waxa ku hareereysan jilayaasha waa qeyb kaloo muhiim ah oo ay
sheeko faneeddu ku tiirsan tahay. Hababka ugu fudud ee madasha sheekada loo
qeexo waxaa ka mid ah in sawir laga bixiyo deegaanka ay sheekadu ka dhacayso.
Waxaa sidoo kale muujin kara wada sheekeysi dhex mara jilayaasha sheekada iyo
waxa maskaxdooda ka guuxaya oo la soo bandhigo. Faahfaahin xeeldheer oo
deegaanka ama goobta sheekada laga bixiyaa waxay sheekada ka dhigaysaa mid la
taaban karo. Waxay sidoo kale sheekada ka soocaysaa sheekooyinka kale ee laga
yaabo in ay isku dhaw yihiin cinwaan ahaan ama isku eg yihiin.
Dhibta/Mushkiladda: Dhibta
sheekadu waa caqabadaha haysta shakhsiga sheekada ay ku socoto. Dhibta waxay
noqon kartaa loollan u dhexeeya shakhsiyaadka sheekada, shakhsiga sheekada ku
socoto iyo deegaankiisa, ama shakhsiga iyo naftiisa. Mararka qaarkood waxaa
laga yaabaa in aan dhibtu si cad u muuqan oo jilaha wax maankiisa ka guuxaya ay
tahay. Dulucda sheekada yaa marar badan noqon karta dhinta sheekada. Dhibta
sheekadu waa filashada jilaha ama jileyaasha sheekada iyo xaaladda taagan
farqiga u dhexeeya. Waa in akhristuhu saansaanta mushkiladdu ka dareemi karaa
qeybaha hore ee qoraalka sheekada.
Guud ahaan sheekada wanaagsani waxaa astaamo u ah si fiican u
adeegsiga ereyada. Qoraaga fiicani erey kasta meesha uu ku habboon yahay ayuu u
adeegsadaa. Ereyada culculus adeegsigooda inta loo baahan yahay, kama badiyo,
goobtii loogu talo galay meel aan ahayna uma adeegsado. Waxaa sidoo kale
sheekada fiican lagu gartaa habka qoraageedu ereyada u dhaqaalaysto. Erey
dhaqaalaysashada waxaan ula jeednaa weer kasta inta erey ee kaafin karta si loo
fahmo in lagu ekeysto. Qoraalku mid qurxoon ha muuqdo dartii ma habboona in
ereyo badan oo isku macno ah iyadoon baahi keenin in hal jumlad lagu wada
ciriiriyo.
Waxaa muhiim ah qoraalka sheekada inuu ku dhisan yahay jumlado
xooggan. Tani waxay keliya ku suurto geli kartaa adeegsiga qumman ee qeybaha
hadalka. Marna qoraaga sheekada uma wanaagsana isticmaalka xad dhaafka ah ee sifooyinka
iyo falkaabyada hal jumo gudaheed. Si habak qoraalka sheekada u qurux badnaado
qoraaga waa in uu kala duwaa noocyada jumlada oo mar jumlo dheer, marna mid
gaaban adeegsadaa.
Gebagabadii, hababka ugu wanaagsan oo akhriska lagu hormariyo waa
doonid adag iyo akhris badan. Sidoo kale qoraalka iyo xirfadihiisa waxaa lagu
kobcin karaa wax badan oo la qoro, lana akhriyo. Labadaba waxaa saldhig u ah
barasho. Soomaali waxay ku maahmaahdaa fuullimaad waa fara ku heyn. In nafta
lagu leyliyo sida wax loo akhriyo loona qoro waa arrin aad muhiim u ah.