Thursday, November 10, 2016

Siyaasadda Maraykanka iyo Guusha Trump

Donald J. Trump
Loollanka Jamhuuriga iyo Dimuqraadiyiinta
Siyaasadda Maraykanka waxay isu jiidjiidataa midig (muxaafid) oo badanaa Xisbiga Jamhuurigu matalo iyo bidix (liberal) oo ah Xisbiga Dimuqraadiga. Labadan xisbi ayaa waxa ay yihiin kuwa ugu waaweyn ee siyaasadda Maraykanka go’aamiya. Feker ahaan labadan xisbi waxay aad u kala duwan yihiin siyaasadaha la xiriira baaxadda awoodda dawladda, xorriyadaha shaqsiga, dhaqaalaha (gaar ahaan canshuuraha iyo kaalinta dawladda ee suuqyada dhaqaale) iyo arrimaha dadka soo galootiga ah.

Nuruxka doodaha u dhexeeya Jamhuuriyiinta iyo Dimuqraaddiyiintu waxaa saldhig u ah baaxadda awoodda dawladda inta ay la ekaanayso. Jamhuuriyiintu waxa ay qabaan in dawladdu aysan wax fara-gelin ah ku yeelan dhaqaalaha dalka iyo arrimaha la xiriira xorriyadaha shaqsiga. Waxay aad u door-bidaan dawlad yar oo baaxadda awoodaheedu xaddidan yihiin oo aan saameyn ku yeelaneyn suuqa xorta ah. Dimuqraaddiyiintu waxa ay ku doodaan in dawladdu ay fara-gelin karto dhaqaalaha si loo dhowro xuquuqda adeegatada, ganacsiyada yaryar ee soo koraya iyo ilaalinta deegaanka. Danta dawladdu waa kor u qaadidda daryeelka bulshada si bulshadu si isu dheellitiran ugu kobocdo.

Jahmuuriyiintu waxa ay qabaan aragti dhaqaale-siyaasadeed ah in saamiga canshuurta ee laga qaado dadka uu isku mid noqdo si kasta oo ay dadku u kala hanti badan yihiin. Dimuqraadiyiinta, dhanka kale, waxay qabaan in saamiga canshuurta lagu saleeyo dakhliga iyo hantida qofka. Sidaas daraaddeed, waxay soo jeediyaan in saamiga canshuurta ee dadka dakhligooda sarreeyo uu ka badnaado kuwa dakhligoodu hooseeyo.

Arrimaha kale oo ay labada xisbi ku kala aragti duwan yihiin ayaa waxaa mid ah sida loola dhaqmayo dadka soo galootiga (qaxootiga) sharci darrada ah. Dimuqraadiyiintu waxa ay qabaan in shakhsiyaadka soo galootiga ah ee muddo 5+ sano ah joogay dalka Maraykanka ee aanan wax dembi ah gelin in sharci degganaansho la siin karo lana jinsiyeyn karo. Hase ahaatee, jamhuuriyiintu waxay qabaan in shakhsiyaadka aan si sharci ah ku joogin dalka aan wax cafis iyo naxariis ah loo muujin, lagana tarxiilo dalka.

Kala duwanaanshaha aragtiyada ee u dhexeeya labada xisbi ayaa mar walba saldhig u ah kala duwanaanshaha sharciyada la soo saaro marka midkood uu talado hayo. Haddii aan dib u eegno taariikhda doorashooyinkii dalka maraykay ee 35-kii sano ee ugu dambeeyey waxaan arkaynaa in guulaha labada xisbi ay sidii kaltan oo kale ahayd.. Tusaale ahaan, George H. Bush (aabbaha) oo jamhuuri ahaa waxaa ka dambeeyey Bill Clinton (dimuqraadi), dabadeedna George W. Bush (wiilka) oo jamhuuri ah oo ku xigay Barrack Obama (dimuqraadi) iyo hadda oo Trump uu ku guuleystay doorashada.

Saaddii Suuroobi Weyday!
Guusha Trump ayaa timid xilli dhammaan dadka falanqeeya siyaasadda Maraykanka iyo xeeldheereyaasha saadaasha natiijooyinka doorashadaba ay Clinton u filayeen in ay noqoto qofka ku guuleysanaya doorashada. Huffington Post, New York Times, CNN, NBC, ABC iyo kuwo kale oo fara badan ayaa oddorosay in guusha ay noqon doonto dhanka Clinton.

Guuxa iyo rabitaanka shacabka ayaa hadba labadaa dhinac mid uun u janjeera. Aragtida guud ee shacabka waxaa saameeya xaaladaha siyaasadeed ama dhaqaale ee markaa taagan. Donald Trump wuxuu ku soo beegmay xilliga DAACISH (ISIS) oo dadka Maraykanka ahi naceybka ay Islaamka iyo ajnabiga u qabaan uu sii kordhay. Dhanka kale walaaca dhaqaale ee sanadihii u dambeeyey ka jiray Maraykanka ayaa dadka qaarkood moodsiisay in Trump oo ganacsade caan ah uu wax ka qaban karo. Dimuqraadiyiintu waxa ay isku dayeen in Trump iyo hodantimidadiisu u isticmaalaan inuusan ahayn qof dabaqadda dhexe danahooda tixgelinaya. Hase yeeshee hanti yeelashadu waaba waxa ay dadka Maraykanka ah u yaqaanaan “The American Dream”.

Sababaha ugu weyn ee horseeday guusha Trump ayaa waxaa ka mid ah inuu helay codadka ugu badan ee dadka deggan meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn. Codadka ugu badan ee Trump uu helay ayaa waxay ka yimaadeen dadka deggan miyiga gobollada bartamaha iyo galbeedka Maraykanka kuwaasoo ku astaysan in ay ka go’doonsan yihiin magaalooyinka xeebaha xiga ayna badanaa iska caabbiyaan kala duwanaanshaha iyo is-dhex-galka dadka kale.

Sababaha kale oo mudan in la tilmaamo ayaa waxaa ka mid ah in tirada cod-bixiyeyaasha oo aad u hoosaysay iyo Clinton oo taageeradii ay dumarka ka filaysay ku guuldarraysatay, gaar ahaan hablaha caddaanka ah. Sidoo kale, waxaa guusha Trump qeyb ka qaatay murashaxiinta madaxa bannaan ee Gary Johnson iyo Jill Stein oo codad fara badan oo dimuqraadiyiin ahaa soo jiitay.

Isku soo duub, Trump wuxuu ku hadlay luqad ay fahmi karaan dadka Maraykanka ah ee aan caadiga ah oo ay aadka ugu sarrayso nacaybka dadka ajnabiga ah iyo siyaasadaha liberal-ka ah. Dhadhaqaaqyada liberaalka ah ee la safnaa Clinton waxa ay u badnaayeen dad tacliintoodu sarayso oo siday aragtiyo (ideal) ah oo ruuxa Maraykanka caadiga ah aanu weli u bisleyn. Internetka iyo barihiisa xiriirka bulshada ayaa qolo kasta u suura gelisay in ay ku noolaato xeyn-daabka aragtiyaha xisbiga uu qofku taageersan yahay taasoo keentay in dadka badankood ay hal dheg keliya wax ku maqlaan.

Guusha Trump waxa ay cashar wax laga barto u noqon doontaa dadka Maraykanka guud ahaan iyo gaar ahaan xisbiga dimuqraadiga, xeel-dheerayaasha siyaasadda, saxaafadda qeybaheeda kala duwan, iyo shirkadaha cilmi baarista iyo saadaalinta codeynta doorashooyinka. Sidoo kale waxa ay billow u noqonaysaa bog cusub oo ku saabsan sida loo falanqeeyo siyaasadda Maraykanka.

Dadyowga siyaasadda falanqeeya waxa ay filanayaan dhaqdhaqaayada bidixda ee mayalka adag (ultranationalist) ee Trump uu tusaalaha u yahay in ay dhiiro-gelin u noqon doonto guusha Trump iyo ka bixiddii Britain ee Midowga Yurub ee ka horreysayba. Waxaa baqdin laga qabaa xoogeysiga xisbiyada siyaasadeed ee aragtiyaas qaba ee dalal badan oo Yurub ka mid ah sida Holland, France, iyo Germany.


Gunaanadkii, natiijada doorashadani waxa ay iftiimisay halka dadka Maraykanka ee dunida sinnaanta iyo aqbalidda kala duwanaanshaha iyo xorriyaddaba inuu horseed u yahay sheegta sida ay ugu qoto dheer tahay midab takoorta, naceybka diimaha iyo dadka qalaad iyo liididda haweenka. Isku soo haridda labada musharax ee Clinton iyo Trump ayaa daliil waxa ay u tahay sida shakhsiyaadka Maraykanka madaxda ka noqonaya ay uga fog yihiin dhowrsanaanta, waxayna toosh ku sii iftiimisay wejiga foosha xun ee dimuqraadiyadda naafada ah ee Maraykanku ku faano.

No comments:

Post a Comment

Ku Biiridda AMISOM: Maxay Lix Dal oo Afrikaan Ah ay Ciidamo ugu Deeqeen Hawlgalka Midwoga Afrika ee Soomaaliya?

Ku Biiridda AMISOM: Maxay Lix Dal oo Afrikaan Ah ay Ciidamo ugu Deeqeen Hawlgalka Midwoga Afrika ee Soomaaliya? ∗ Falan...