Waa maanso aan sameeyey oo cinwaankeedu yahay 'Dunida Beegso'. Waxay maansadani dadka Soomaaliyeed ku boorrinaysaa in ay asaaggooda horumary beegsadaan.
Dadkayagiiyow,
Maan danteeniyo,
Wixii inoo daran,
Diiradda saarnoo,
U dadaalnoo,
Dunida beegsanno!
********
Maan dagaalkiyo,
Dad la laayiyo,
Dhiig la daadiyo,
Duruufahan adag,
Ka dawoownoo,
Daryeel ummadeed,
Dadkaa horumariyo,
Dunida beegganno!
**********
Maan dadkan kala
tagay,
Dalal qalaad iyo,
Hadba meel daran,
Ku dullaysani,
Meel lagu diirsadiyo,
Dugsi nabadeed,
Dalka uga dhigno!
********
Maan danta guud iyo,
Dalka dib u dhiskiis,
U dadaalno,Dunida beegsanno.
********
********
Maan is diidkiyo,
Xaq la duudsiyiyo,
Qoqobka deynoo,
Dar Alle heshiis,
Nabadda doonnoo,
Dowladnimiyo sharaf,
Ku dadaalno,
Ku dadaalno,
Dunida beegsanno.
W/Q. Xasan Cabdi Xasan
W/Q. Xasan Cabdi Xasan
No comments:
Post a Comment