W/Q. Xasan Cabdi Xasan
Biyaha waa aasaaska nolosha aadanaha iyo tiirka ay ku dhisan tahay jiritaankiisa. Xadaaradihii hore badankood waxaa laga unkay oo xarun maamul u ahayd hareeraha il biyoodka dhow. Soomaaliya waxay dhacdaa dhul gebi ahaanba lagu yaqaan biyo yarida oo oomane ah. Sidaas daraaddeed afafka Soomaaliyeed waxaa laga helaa wax ku dhow toban erey oo tilmaanaya biyo-waaga sida: oon, harraad, luun, asqo, kawkab, loof, surmi, dhama’, dhanqalan, gooryoon, iyo kuwo kale oo la mid ah.
Ilo biyoodka dhulka dushiisa ah ee Soomaaliya
leedahay waxaa labdhabar u ah labada webi ee Jubba iyo Shabeelle, labadaasoo ka
soo butaaca buuralayda Itoobiya. Labadan webi yaa u ah halbawlaha nolosha
beeralayda iyo xoolo dhaqatada ku nool gobollada koonfureed kuwaasoo wax
soosaarkooda u iib geeya gobollada kale ee dalkooda. Gobollada kale ee dalka
waxaa aad loogu tiirsan yahay togag, waro, balliyo, ceelal iyo barkado xilliga
roobku da’o biyaha lagu kaydiyo.
Qiyaas ay samaysay hay’adda qaramada
Midoobay u qaabilsan cuntada iyo beeraha ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo
yaqaano ‘FAO’ ayaa sheegaysa in celceliska qulqulka billowga webiga Jubba ee
Luuq uu yahay 186m3/s (mitir saddex jibbaaran sekankii). halka kan
webi Shabeelle ee Beledweyne isna lagu qiyaasay 75m3/s mitir saddex jibbaaran sekankii). Badanaa
webiyada waa biyo yareeyaan xilliyada jiilaalka ama aan roobabku di’in. Hase
yeeshee marna laba webi ama midkood biyuhu gebi ahaan ba kama idlaadaan oo ma
engegaan.
Sannad kan 2016-ka yaa waxaa biyihii ka
gureen webiga Shabeelle qeybo badan oo ka mid ah iyadoo lagu jiray xilli
jiilaal oommane ah oo roob la’aan badani jirto, aadna looga baqayay abaaro.
Sida lagu xusay warbixin ay soo saartay dhammaadka bishan Maarso, waaxda Maaraynta
Xogta Dhulka iyo Biyaha Soomaaliya ee hoos timaadda Hay’adda Cunnada iyo Beeraha
‘FAO’ ayaa tilmaantay in heerka biyaha ee webiga shabeelle ay aad u hoosaysay
laga soo billaabo bilihii hore ee sannadkan. Markii ugu horraysay, wax ku dhow
35 sano, ayaa waxaa la arkayaa webigii Shabeelle oo gebi ahaanba biyuhu ka gureen
oo dadku dhex lugeynayaan.
Digniinihii hay’adaha gargaarka banii
aadannimo ee ku saabsanaa abaaraha soo socday iyo biyo la’aanta ka dhalatay joogsada
webiga Shabeelle ayaa waxay sii kordhinaysaa walwalka dadka ku dhaqan gobollada
ay dhibaatadu ka jirto iyo khasaaraha ka dhalan kara abaaraha. Waxaa maalmahan
dambe la arkayay caruur yaryar iyo haween oo webiga qallallan dhexdiisa qodaya
si siimowga dhoobada biyuhu ka gureen ay reerahooda biyo uga dhaammiyaan.
Marka laga soo tago roob la’aanta ayaa
waxaa la sheegayaa in sababta uu webigu u joogsaday ay tahay in dawladda
Itoobiya ay biyaha webigu xirtay ama u weecisay mashaariic beero oo dhulkeeda
laga hirgelinayo, iyadoo marka horeba xaddiga biyaha ee xilligan kuleylaha ah
ay aad u yarayd. Madaxweynaha is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay
in illaa afar biyo xireen laga sameeyey ismaamulka kuwaasoo ay ka faa’iidaysan
doonaan beeralayda ismaamulka.
Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa
sheegtay in ay ka war hayso leexinta iyo biyo xireennada laga sameeyey webiga
Shabeelle hase ahaatee weli wax tallaabo cad ah oo ku aaddan ma qaadin. Waxaa
dhashay walaac ah in mashaariicda beeraha ee Itoobiya hirgelinayso ay dhalin
doonaan in Soomaaliya aan dhibic biyo ah u soo gudbin! Labadan webi ee
Soomaalidu aadka ugu tiirsan tahay waxay ka soo burqadaan buurolayda Bale ee
Itoobiya. Ku dhowaad saddex meelood labo meel saxanka (basin) webiyadan waxay ku dherersan yihiin dhulka Itoobiya, keliya
faraca Dawa oo Jubba kamid ah ayaa Keenya dhex mara.
Waxaa aad u liita habka Soomaalidu uga
faa’iidaysato labadan webi. Maareynta biyaha webiyada waxaa qeyb ka ah
maareynta fatahaadda iyo biyo yarida. Sannad kasta waxaa Soomaalidu khasaaro
ba’ani ay ka soo gaartaa fatahaadda webiga ama biyo yarayntiisa. Labadan webi
ee Shabeelle iyo Jubba iyo dhulka ay maraan ee beerashada ku habboon waxaa
loogu yeeraa danbiisha rootiga ‘breadbasket’
ama madiibadda (baaquliga) bariiska ‘rice bowl’ ee Soomaalida. Haddii si wax
ku ool ah loo maareeyo dhulkaas iyo biyaha webiyadaba waxaa la tilmaamaa in ay kaafin
karaan baahida wax soosaarka beeraha ee Soomaaliya oo dhan.
Dawladda Itoobiya waxay qorshaysay
mashaariic dhanka beeraha ah oo lagu kobcinayo wax soo saarkeeda si ay u kaafiso
cunno la’aanta soo noqnoqota ee malaayiin dadkeeda ah soo food saarta sannad
kasta. Mashaariicdan ayaa waxaa saldhig u ah in si xoog leh looga faa’iidaysto
biyaha webiyada Jubba iyo shabeelle. Arrintan ayaa waxaa ay saameyn taban ku
yeelanaysaa xaddiga biyaha u soo gudbaya Soomaaliya.
Cilmi baaris laga sameeyey jaamacad ku
taalla dalka Iswiidhan oo lagu magacaabo ‘Royal Institute of Technology’ ayaa lagu
sheegay in qorshaha horumarinta Itoobiya ee webi shabeelle (Wabi Shabelle River Basin Integrated Development Master Plan) ee
2005-2035 ay qeyb ka ahaan doonaan 25 mashruuc waraabin oo waaweyn iyo 21
xarumo koronto dhalin (hydropower sites).
Tobaneeyo ka mid ah qorshayaashan waraabinta iyo biyo xireennada ah waxay
fulintooda qorshaysneyd ugu dambeyn dhammaadka sannadkii tagay ee 2015.
Sidoo kale qorshayaasha ku aaddan
Genale-Dawa (webigga Jubba qeybihiisa Itoobiya) ayaa iyana qeexaya hirgelinta 9
biyo xireen koronto dhalin ah iyo kuwo kale oo waraabin ah kuwaasoo fulaya inta
u dhexeysa 2009-2020 ayna ku baxayso adduun lacageed ka badan 4 bilyan oo doollar.
Mashaariicdaas waraabka beeraha iyo koronto dhalintaba waxay u baahan yihiin in
biyaha webiyada lagu kaydiyo biyo xireenno waaweyn si loo abuuro xoog qulqul
biyo oo koronto dhalin karta.
Maaddaama ay mashaariicdaas saameyn
doonaan wadaagidda biyaha webiyada waxaa lagama maarmaan ah in labada dal ee
Itoobiya iyo Soomaaliya ay heshiisyo ka gaaraan sida ay uga wada faa’iidaysan
lahaayeen. Soomaaliya oo ah dal aan dawlad qumman laheyn rubuc qarinigii ugu
dambeeyey ayaa ku adkaan doonta sida ay miis ula soo fariisan laheyn Itoobiya oo
heshiisyo ula gaari laheyd. Dhanka kale, Itoobiya waa dal dhaqaale iyo siyaasad
ahaanba hormuud u ah geeska Afrika siyaasadda gobolkana aad saameyn ugu leh.
Sida la fili karo maaddaama ay Itoobiya faragelin
baahsani ku haysay arrimaha Soomaaliya tan iyo markii ay Siyaad Barre awoodda
ay ka wiiqeen maleeshiyaadkii ay iyada soo hubeysay, awood qeybsi walba oo la
xiriira wadaagidda biyaha webiyada, oo dhex mari kara Itoobiya iyo Soomaaliya, oo
labada ka mid ah dalalka biyo yaraanta lagu tilmaamo, waxa uu noqonayaa keliya
mid ay Itoobiya meeriso qodobbadiisa.
Aan taariikhda dib ugu noqonnee 1985-kii
Soomaaliya ayaa waxay maalgelin ka codsatay Bangiga Adduunka si ay u hirgeliso
mashruuca biyo xireenka Baardheerer. Bangiga waxa uu Soomaaliya ka codsaday in
ay ogeysiiso Keenya iyo Itoobiya. Xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya oo aad u
xumaa dartiis Soomaaliya waxay Bangiga Adduunka u sheegtay in isagu uu
ogeysiiyo. Natiijada waxay noqotay in Itoobiya ay ka hor timid mashruucii
iyadoo ku tilmaantay inuu wax yeeleynayo danaheeda. Sababta dhabta ah oo
Itoobiya ay u diiddaneyd ayaa ahayd iyadoo baqdin ka qabtay in mashruucaas uu Soomaaliya
siinayo awood gorgortan oo la xiriirta adeegsiga biyaha webiyada marka shirar
dambe oo arrimaha webiyada looga hadlayo la isugu yimaado.
Dawladda Soomaaliya waxay diidday in ay
wada hadal la gasho Itoobiya sababtoo ah webiga Jubba waxa uu marayaa dhulka
Soomaalidu degto ee Itoobiya ee lagu muransan yahay. Dhulkaasi oo ay tirada
dadka ugu badan ee ku nool ay yihiin Soomaali ayaa waxa uu ahaa sababihii
keenay dagaaladdii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii. Soomaaliya
waxay u arkaysay in wada hadalladaasi ay wiiqayaan go’aammadii iyo booskii
siyaasadeed ee ay taagneyd oo ay tilmaan u noqon karaan in dooddii Soomaalida ee Soomaali
Galbeed ay dhammaatay.
Qaramada Midoobay shir ay qabatay
1997-dii ayaa looga hadlay xeerarka caalamiga ah ee biyaha dalalka isaga gudba.
Soomaaliya maadaama aysan dawlad laheyn xilligaas shirkaasi way ka maqneyd. Dawladda
Itoobiya ma aysan sixiixin heshiisyadii iyo xeerarkii caalamiga ah ee ku aaddanaa
biyaha webiyada ee la wadaago. Sababtana waxay ahayd mid ka mid ah xeerarkaas
(Princinciple of No Significant Harm) ayaa sheegayay ‘dawlad kasta marka ay ka
faa’iidaysanayso biyaha la wadaago in ay waajib ku tahay ka hortagga fal kasta
oo waxyeello iyo dhibaato daran u geysan kara dalalka kale ee biyaha la
wadaaga’.
Mashaariic tiro badan oo ay hirgelisay
dawladda Itoobiya iyo kuwo farabadan oo u qorshaysan ayaa waxay saameyn taban
ku yeelanayaan kuna yeelan doonaan Soomaaliya. Leexin kasta oo lagu sameeyo
biyaha webiyada waxay yareyn doontaa tanka iyo tayada biyaha u soo gudba
Soomaaliya taasoo waxyeeleneysa wax soo saarka beeraha ee Soomaaliya oo in
badan dhaqaalaha dadkeedu ku tiirsan yahay. Sidoo kale, waxay saameyn taban ku
yeelan doontaa deegaannada ku xeeran daanka webiyada.
Isku soo duub, Itoobiya ayaa waxay
adeegsataa siyaasad ah ‘hirgeli intaanan
la wada hadal’ si ay u fuliso mashaariicdeeda. Qorshayaasha dawladda
Itoobiya ee aan soo sheegnay waxay u suura gelin doonaan in ay yeelato xoogga
iyo xeeladdii ay ku xakameyn laheyd qulqulka biyaha webiyadaas. Soomaaliya oo
aan weli laheyn dawlad cagaheeda ku taagan, oo qaadan karta go’aanno ay ku
dhawrayso danaheeda ayaa waxay baryi doontaa naxariista Itoobiya. Maanta
Soomaaliya waxa ay ka sheeganaysaa joogsashada
qulqulka biyaha webi Shabeelle oo laga yaabo in ay sabab dabiici keentay. Berri
maxaa xal u noqon doona dadka Soomaaliyeed haddii uu webiga Jubbana joogsado?
W/Q Xasan Cabdi Xasan
Xasan waa suaal u baahan in la isweydiiyi waxa beri dhici karo haddii uu jubbana joogsado.
ReplyDeleteHeshiis gorgortan maba jiraayee Walba tuugsigooda wax lee haku keenaan.
Allaha noo gargaaro Libaanow!
DeleteIlaahow yasir horumar dad jecel maba nihineeh Ilaahow noo gargaar
DeleteAmiin
DeleteArin mudan in laga sii fikiro.
ReplyDeletethanks #Basaam
Aad iyo aad. Hurdo dheer baan ku jirnaa Cabdiraxmaan.
Delete