Friday, April 1, 2016

Dunida Beegso!

Waa maanso aan  sameeyey oo cinwaankeedu yahay 'Dunida Beegso'. Waxay maansadani dadka Soomaaliyeed ku boorrinaysaa in ay asaaggooda horumary beegsadaan.



Dadkayagiiyow,
Maan danteeniyo,
Wixii inoo daran,
Diiradda saarnoo,
U dadaalnoo,
Dunida beegsanno!
    ********
Maan dagaalkiyo,
Dad la laayiyo,
Dhiig la daadiyo,
Duruufahan adag,
Ka dawoownoo,
Daryeel ummadeed,
Dadkaa horumariyo,
Dunida beegganno!
     **********
Maan dadkan kala tagay,
Dalal qalaad iyo,
Hadba meel daran,
Ku dullaysani,
Meel lagu diirsadiyo,
Dugsi nabadeed,
Dalka uga dhigno!
     ********
Maan danta guud iyo,
Dalka dib u dhiskiis,
U dadaalno,Dunida beegsanno.

********
Maan is diidkiyo,
Xaq la duudsiyiyo,
Qoqobka deynoo,
Dar Alle heshiis,
Nabadda doonnoo,
Dowladnimiyo sharaf,
Ku dadaalno,
Dunida beegsanno.

W/Q. Xasan Cabdi Xasan

U dulqaadan waayay!


W/Q. Xasan Cabdi Xasan







Waagii dillaacaba,
Qaraxan daryaamee,
Dadkayga laayay,
Dhiiggan dareera,
Dawlad la’aantan,
U dulqaadan waayay!
*****
Qofkan dalaalsan,
Oon runtu deeqin,
Daaha iska saaree,
Ee damiir la’aanta ah,
Oo walaalkii dilaaya,
Ee diinta sheegta,
Dadkii halaagay,
U dulqaadan waayay!
*****
Madax la doortay,
Oo dhaqaale doon ah,
Xilkood daryeelin,
Dalal qalaad iyo,
Dalxiis ku waashoo,
Dibadda uun wareega,
Dawlad la’aantan,
U dulqaadan waayay!

HADDUU WEBİGA JUBBANA JOOGSADO!

W/Q. Xasan Cabdi Xasan

Biyaha waa aasaaska nolosha aadanaha iyo tiirka ay ku dhisan tahay jiritaankiisa. Xadaaradihii hore badankood waxaa laga unkay oo xarun maamul u ahayd hareeraha il biyoodka dhow. Soomaaliya waxay dhacdaa dhul gebi ahaanba lagu yaqaan biyo yarida oo oomane ah. Sidaas daraaddeed afafka Soomaaliyeed waxaa laga helaa wax ku dhow toban erey oo tilmaanaya biyo-waaga sida: oon, harraad, luun, asqo, kawkab, loof, surmi, dhama’, dhanqalan, gooryoon, iyo kuwo kale oo la mid ah.
  Ilo biyoodka dhulka dushiisa ah ee Soomaaliya leedahay waxaa labdhabar u ah labada webi ee Jubba iyo Shabeelle, labadaasoo ka soo butaaca buuralayda Itoobiya. Labadan webi yaa u ah halbawlaha nolosha beeralayda iyo xoolo dhaqatada ku nool gobollada koonfureed kuwaasoo wax soosaarkooda u iib geeya gobollada kale ee dalkooda. Gobollada kale ee dalka waxaa aad loogu tiirsan yahay togag, waro, balliyo, ceelal iyo barkado xilliga roobku da’o biyaha lagu kaydiyo.
Qiyaas ay samaysay hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo beeraha ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano ‘FAO’ ayaa sheegaysa in celceliska qulqulka billowga webiga Jubba ee Luuq uu yahay 186m3/s (mitir saddex jibbaaran sekankii). halka kan webi Shabeelle ee Beledweyne isna lagu qiyaasay 75m3/s mitir saddex jibbaaran sekankii). Badanaa webiyada waa biyo yareeyaan xilliyada jiilaalka ama aan roobabku di’in. Hase yeeshee marna laba webi ama midkood biyuhu gebi ahaan ba kama idlaadaan oo ma engegaan.
Sannad kan 2016-ka yaa waxaa biyihii ka gureen webiga Shabeelle qeybo badan oo ka mid ah iyadoo lagu jiray xilli jiilaal oommane ah oo roob la’aan badani jirto, aadna looga baqayay abaaro. Sida lagu xusay warbixin ay soo saartay dhammaadka bishan Maarso, waaxda Maaraynta Xogta Dhulka iyo Biyaha Soomaaliya ee hoos timaadda Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ‘FAO’ ayaa tilmaantay in heerka biyaha ee webiga shabeelle ay aad u hoosaysay laga soo billaabo bilihii hore ee sannadkan. Markii ugu horraysay, wax ku dhow 35 sano, ayaa waxaa la arkayaa webigii Shabeelle oo gebi ahaanba biyuhu ka gureen oo dadku dhex lugeynayaan.
Digniinihii hay’adaha gargaarka banii aadannimo ee ku saabsanaa abaaraha soo socday iyo biyo la’aanta ka dhalatay joogsada webiga Shabeelle ayaa waxay sii kordhinaysaa walwalka dadka ku dhaqan gobollada ay dhibaatadu ka jirto iyo khasaaraha ka dhalan kara abaaraha. Waxaa maalmahan dambe la arkayay caruur yaryar iyo haween oo webiga qallallan dhexdiisa qodaya si siimowga dhoobada biyuhu ka gureen ay reerahooda biyo uga dhaammiyaan.
Marka laga soo tago roob la’aanta ayaa waxaa la sheegayaa in sababta uu webigu u joogsaday ay tahay in dawladda Itoobiya ay biyaha webigu xirtay ama u weecisay mashaariic beero oo dhulkeeda laga hirgelinayo, iyadoo marka horeba xaddiga biyaha ee xilligan kuleylaha ah ay aad u yarayd. Madaxweynaha is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay in illaa afar biyo xireen laga sameeyey ismaamulka kuwaasoo ay ka faa’iidaysan doonaan beeralayda ismaamulka.
Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka war hayso leexinta iyo biyo xireennada laga sameeyey webiga Shabeelle hase ahaatee weli wax tallaabo cad ah oo ku aaddan ma qaadin. Waxaa dhashay walaac ah in mashaariicda beeraha ee Itoobiya hirgelinayso ay dhalin doonaan in Soomaaliya aan dhibic biyo ah u soo gudbin! Labadan webi ee Soomaalidu aadka ugu tiirsan tahay waxay ka soo burqadaan buurolayda Bale ee Itoobiya. Ku dhowaad saddex meelood labo meel saxanka (basin) webiyadan waxay ku dherersan yihiin dhulka Itoobiya, keliya faraca Dawa oo Jubba kamid ah ayaa Keenya dhex mara.
Waxaa aad u liita habka Soomaalidu uga faa’iidaysato labadan webi. Maareynta biyaha webiyada waxaa qeyb ka ah maareynta fatahaadda iyo biyo yarida. Sannad kasta waxaa Soomaalidu khasaaro ba’ani ay ka soo gaartaa fatahaadda webiga ama biyo yarayntiisa. Labadan webi ee Shabeelle iyo Jubba iyo dhulka ay maraan ee beerashada ku habboon waxaa loogu yeeraa danbiisha rootiga ‘breadbasket’  ama madiibadda (baaquliga) bariiska ‘rice bowl’ ee Soomaalida. Haddii si wax ku ool ah loo maareeyo dhulkaas iyo biyaha webiyadaba waxaa la tilmaamaa in ay kaafin karaan baahida wax soosaarka beeraha ee Soomaaliya oo dhan.
Dawladda Itoobiya waxay qorshaysay mashaariic dhanka beeraha ah oo lagu kobcinayo wax soo saarkeeda si ay u kaafiso cunno la’aanta soo noqnoqota ee malaayiin dadkeeda ah soo food saarta sannad kasta. Mashaariicdan ayaa waxaa saldhig u ah in si xoog leh looga faa’iidaysto biyaha webiyada Jubba iyo shabeelle. Arrintan ayaa waxaa ay saameyn taban ku yeelanaysaa xaddiga biyaha u soo gudbaya Soomaaliya.
Cilmi baaris laga sameeyey jaamacad ku taalla dalka Iswiidhan oo lagu magacaabo ‘Royal Institute of Technology’ ayaa lagu sheegay in qorshaha horumarinta Itoobiya ee webi shabeelle (Wabi Shabelle River Basin Integrated Development Master Plan) ee 2005-2035 ay qeyb ka ahaan doonaan 25 mashruuc waraabin oo waaweyn iyo 21 xarumo koronto dhalin (hydropower sites). Tobaneeyo ka mid ah qorshayaashan waraabinta iyo biyo xireennada ah waxay fulintooda qorshaysneyd ugu dambeyn dhammaadka sannadkii tagay ee 2015.
Sidoo kale qorshayaasha ku aaddan Genale-Dawa (webigga Jubba qeybihiisa Itoobiya) ayaa iyana qeexaya hirgelinta 9 biyo xireen koronto dhalin ah iyo kuwo kale oo waraabin ah kuwaasoo fulaya inta u dhexeysa 2009-2020 ayna ku baxayso adduun lacageed ka badan 4 bilyan oo doollar. Mashaariicdaas waraabka beeraha iyo koronto dhalintaba waxay u baahan yihiin in biyaha webiyada lagu kaydiyo biyo xireenno waaweyn si loo abuuro xoog qulqul biyo oo koronto dhalin karta.
Maaddaama ay mashaariicdaas saameyn doonaan wadaagidda biyaha webiyada waxaa lagama maarmaan ah in labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay heshiisyo ka gaaraan sida ay uga wada faa’iidaysan lahaayeen. Soomaaliya oo ah dal aan dawlad qumman laheyn rubuc qarinigii ugu dambeeyey ayaa ku adkaan doonta sida ay miis ula soo fariisan laheyn Itoobiya oo heshiisyo ula gaari laheyd. Dhanka kale, Itoobiya waa dal dhaqaale iyo siyaasad ahaanba hormuud u ah geeska Afrika siyaasadda gobolkana aad saameyn ugu leh.
Sida la fili karo maaddaama ay Itoobiya faragelin baahsani ku haysay arrimaha Soomaaliya tan iyo markii ay Siyaad Barre awoodda ay ka wiiqeen maleeshiyaadkii ay iyada soo hubeysay, awood qeybsi walba oo la xiriira wadaagidda biyaha webiyada, oo dhex mari kara Itoobiya iyo Soomaaliya, oo labada ka mid ah dalalka biyo yaraanta lagu tilmaamo, waxa uu noqonayaa keliya mid ay Itoobiya meeriso qodobbadiisa.
Aan taariikhda dib ugu noqonnee 1985-kii Soomaaliya ayaa waxay maalgelin ka codsatay Bangiga Adduunka si ay u hirgeliso mashruuca biyo xireenka Baardheerer. Bangiga waxa uu Soomaaliya ka codsaday in ay ogeysiiso Keenya iyo Itoobiya. Xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya oo aad u xumaa dartiis Soomaaliya waxay Bangiga Adduunka u sheegtay in isagu uu ogeysiiyo. Natiijada waxay noqotay in Itoobiya ay ka hor timid mashruucii iyadoo ku tilmaantay inuu wax yeeleynayo danaheeda. Sababta dhabta ah oo Itoobiya ay u diiddaneyd ayaa ahayd iyadoo baqdin ka qabtay in mashruucaas uu Soomaaliya siinayo awood gorgortan oo la xiriirta adeegsiga biyaha webiyada marka shirar dambe oo arrimaha webiyada looga hadlayo la isugu yimaado.
Dawladda Soomaaliya waxay diidday in ay wada hadal la gasho Itoobiya sababtoo ah webiga Jubba waxa uu marayaa dhulka Soomaalidu degto ee Itoobiya ee lagu muransan yahay. Dhulkaasi oo ay tirada dadka ugu badan ee ku nool ay yihiin Soomaali ayaa waxa uu ahaa sababihii keenay dagaaladdii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii. Soomaaliya waxay u arkaysay in wada hadalladaasi ay wiiqayaan go’aammadii iyo booskii siyaasadeed ee ay taagneyd oo ay tilmaan u noqon  karaan in dooddii Soomaalida ee Soomaali Galbeed ay dhammaatay.
Qaramada Midoobay shir ay qabatay 1997-dii ayaa looga hadlay xeerarka caalamiga ah ee biyaha dalalka isaga gudba. Soomaaliya maadaama aysan dawlad laheyn xilligaas shirkaasi way ka maqneyd. Dawladda Itoobiya ma aysan sixiixin heshiisyadii iyo xeerarkii caalamiga ah ee ku aaddanaa biyaha webiyada ee la wadaago. Sababtana waxay ahayd mid ka mid ah xeerarkaas (Princinciple of No Significant Harm) ayaa sheegayay ‘dawlad kasta marka ay ka faa’iidaysanayso biyaha la wadaago in ay waajib ku tahay ka hortagga fal kasta oo waxyeello iyo dhibaato daran u geysan kara dalalka kale ee biyaha la wadaaga’.
Mashaariic tiro badan oo ay hirgelisay dawladda Itoobiya iyo kuwo farabadan oo u qorshaysan ayaa waxay saameyn taban ku yeelanayaan kuna yeelan doonaan Soomaaliya. Leexin kasta oo lagu sameeyo biyaha webiyada waxay yareyn doontaa tanka iyo tayada biyaha u soo gudba Soomaaliya taasoo waxyeeleneysa wax soo saarka beeraha ee Soomaaliya oo in badan dhaqaalaha dadkeedu ku tiirsan yahay. Sidoo kale, waxay saameyn taban ku yeelan doontaa deegaannada ku xeeran daanka webiyada.

Isku soo duub, Itoobiya ayaa waxay adeegsataa siyaasad ah ‘hirgeli intaanan la wada hadal’ si ay u fuliso mashaariicdeeda. Qorshayaasha dawladda Itoobiya ee aan soo sheegnay waxay u suura gelin doonaan in ay yeelato xoogga iyo xeeladdii ay ku xakameyn laheyd qulqulka biyaha webiyadaas. Soomaaliya oo aan weli laheyn dawlad cagaheeda ku taagan, oo qaadan karta go’aanno ay ku dhawrayso danaheeda ayaa waxay baryi doontaa naxariista Itoobiya. Maanta Soomaaliya  waxa ay ka sheeganaysaa joogsashada qulqulka biyaha webi Shabeelle oo laga yaabo in ay sabab dabiici keentay. Berri maxaa xal u noqon doona dadka Soomaaliyeed haddii uu webiga Jubbana joogsado?

W/Q Xasan Cabdi Xasan

Sunday, July 6, 2014

Inta caddaaladdu Maqan Tahay!


W/Q. Xasan Cabdi Xasan

Dawlad kasta shaqooyinka ugu horreeya oo ay dadkeedu ka rabaan waa hirgelinta nidaam garsoor oo dadka kala haga, qof kastana xaqa uu leeyahay u dhowra. Tani waxaa caddeyn u ah garsoorka oo laga dhigay tiir gooni u taagan oo kamid ah tiirarka dawladda. Si hufnaanta shaqadiisu ay wacnaatana iyadoo la raacayo mabda’a kala saaridda awoodaha (Separation of Powers) waxa uu garsoorku yahay mid ka madax bannaan saameynta qeybaha ka soo haray ee dawladda sida Sharci Dejinta iyo Fulinta.

Tan iyo intii aadanuhu bartay nidaamyada ismaamulka ama dawladnimada qaab kasta ha lahaadaane, jiritaankiisa waxa uu ku tiirsanaa habka caddaaladda looga fuliyo meelaha ay awooddoodu maamusho. Xasilloonida iyo midnimada ummad walbaa waxaa taageera sida wanaagsan ee ay xubnaheedu isula nool yihiin oo aan cidna cidda kale ugu xadgudbin, haddii ay dhacdana tallaabooyinka uu qaadayo nidaamka garsoorka si xuquuqaha dadka ay leeyihiin loo dhowro.

Sidii duulba duul ugu tumanayay baan waxaan soo gaarnay heer Soomaalideenna qaarkeed aan la isa tusi karin. Waxaa la billaabay in reero reero la isu bahaysto oo caddaaladdii la is lahaa waxaa laga helayaa dhanka garsoorka dawladda lala aado dhinaca reeraha oo dabadeedna reerka loo isticmaalo xoog dawladda lagaga helo xaqa dadku ay leeyihiin ama lagu duudsiyo xaqa kuwa kale.

Aan tusaaleyno habka uu u shaqeeyo nidaamkeenna garsoorka ee hadda dalkeenna ka shaqeeya. Marka dacwad aad faraha la gasho si kasta oo aad sharciga inaad raacdo u jeceshahay, waa inaad raadisaa rag beeshaada ka mid ah oo xafiisyada ay arrimahaagu kaa ku xiran yihiin ka shaqeeya. Haddii aadan qof ka aqoon xafiisyada ay danuhu kaaga xiran yihiin xaqaaga si sahal ah baad ku weyneysaa.

Waxaa kaloo la arkaa in ciidamada dawladda, iyagoo ku hadaaqaya la dagaallanka kooxaha argagixisada ah, in ay dad tiro badan si aan kala sooc laheyn u soo xiraan. Marka la imaado xabsiyadana qof kasta sidii xoolo oo kale in loo iibsado! Waxaa kaloo yaab leh in qofka la xirayaa aan laga fiirin ma dambi buu faraha kula jiray? Oggolaanshaha soo xiristiisa maxkamad amar ma ku bixisay? Su’aalahaas iyo kuwa kaloo kabadan iyadoon la is weydiin baa la iska soo xiraa.

Arrintan aan kor ku soo xusnay waxay fududaysay in qofba qof kasta oo uu danihiis ka waayo isagoo adeegsanaya awoodaha dawladda oo ay ugu horreyso ciidamada in uu siduu rabo ka yeelo. Haddii aad qof intaad ganacsi ku tartanteed ku soo gaari waayay intuu askar soo kaxaysto yuu xarumahaaga kaa xiri karaa amaba xabsi ku dhigi karaa.

Iyadoo xaalku uu sidaas yahay baa qof kasta oo inta dulmiyo xaqiisa u diriraya waxaa lagu eedeeyaa inuusan dalkiisa jecleyn, inuu halis ku yahay midnimada qaranka ama uu horumarka dalka uu ka soo horjeedo. Yaabnaye, horumarka la sheegayaa muxuu yahay?Inta sidaas aan ku sii soconno oo dad badan oo lagu gardarrooday aan xaqoodii la siin Soomaali iskuma qalbi furnaanayso midnimo iyo xasillooni waarta in la gaaraana waa mala’awaal aan runta marna u dhaweyn! Waxaana horay loo yiri “Inta caddaalad darradu ay tahay xeerka lagu dhaqmo, is difaacana wuxuu ahaanayaa waajibka keliya ee in qabto ay tahay”

Monday, June 2, 2014

Somali Business: The All Consuming

Businesses are essential in life for being the backbone of the nation’s economy. After the collapse of Siyad Barre’s administration, Somali businesses created a mass number of employment opportunities and represented the most uninterrupted source of income for a large number of the population and helped the recovery of population’s living standard after every fall and breakdown.


Also, businesses in big cities such as Mogadishu covered basic needs of the community such as food, water, electricity, telecommunication and transportation. Businesses’ wealth contributed in saving hundreds from hunger not only in the way they donated more money to the needy but every businessman took care of his family and relatives and helped them survive.

Whilst, the country was in the most troublesome situations businesses remained in function to overcome every challenge and worked through wars and the risky situations that accompanied it. For some cases, local businesses were exposed to robbery and they were forced to hire heavily armed security personnel to help them protect their assets, premises and facilities. Or in another cases, businessman from a certain region cannot beat other businesses in market competition in another regions other than his origin. Other times, there were no regulations or ‘Rule of Game’ in the market. Market competitions scenarios sometimes ended in gun fights, where the survivor is decided by who’s got the most armed militia in the territory under operations not determined by rules of supply and demand or competitive advantages.

When Somalis do business abroad they face difficulties that hinder their operations. Business centers are robbed and employees or owners killed in the process. There is no well-functioning government that can protect citizen’s business interests in foreign soils. So we see what happens in South Africa.

In addition to that, outlaw situations helped to the rise of selfish business syndicates and cartels that have the control of the most economic activities in the nation. These outlaw business tycoons did everything to make them generate the most amounts of profits. They traded and still trade poor quality goods, uncensored medical products and other goods that have unhealthy impact on the consumers. What they have in mind is to minimize all costs and maximize profits.

There are several opportunities for businesses in Somalia. First, the availability of certain unsaturated niche markets that businesses can work on, while the number of untapped opportunities in every market is endless. More needs of the community still needed to be satisfied. With a burning desire and creativity business people can capitalize on that opportunities and make a lot of money. Another opportunity is the availability of all human resources that every business needed at a considerably low cost.

The New Direction for Somali Business

With all opportunities of Diaspora investment available, local business people do business in a disorganized manner. Most businesses intend on selling finished goods imported from other countries. There are a large number of products that we can produce here at our home. Installing small-scale industries is something our businesses can do. In other words, businesses must try to import more capital goods than consumer goods that will contribute in the production of other commodities. These will help the local people get more jobs and producing what covers the local needs at lower costs and also increases the export income of the nation. As we always pay a lot to foreigners, this will give us a chance that they will pay back something to us.

In the purchasing power of the Somali community there is a great component of remittance, the billions of dollars that are transferred every year from abroad help a lot of families in Somalia to live and do business.

There is a reality that this remittance money will dry up someday as old Somali generations who lived abroad turn out to be retired and replaced by young migrants who was born in the West or went there at a young age and bred with Western individualist ideologies. Their father and mother were the access point to their country of origin and relatives. Once they are dead, the connection fails automatically since they do not have another reason to connect with.

Moreover, there are certain requirements when businesses intend to go on making a giant leap in production and industrialization that our businesses today, if they have the desire can afford. These are as follows: 

- Raw materials 
- Human Capital 
- Game-plan 
- Initial Investment 

So, local businesses should consider investing in the agricultural, livestock and fishery sectors. With the help of the local money we can improve the economy of the country. Farmers, livestock breeders and fishers need investment funds from our businesses to run their business production operations. What they produce should cover the local needs and can be part of the country’s export business, or can create raw materials for urban industries. When all these are achieved they will build motives for increased long-run productions and improved life-standards.

Finally, business should behave as stake-holders in the country by considering what the society needs not only their sole bottomline. Also, businesses can help government rebuild the country by paying taxes or supporting in the rehabilitation of basic infrastructures.

By: Hassan Abdi Hassan

Friday, June 7, 2013

Patriotism - A Lost Value in the Somali Citizen!



How many times do we describe someone’s actions as selfishness, negligent to the common interest and destructive to the nation’s welfare?

Let me give you a concerned person’s answer. In Somalia we see it everyday – if not every hour that there are times when citizens act in certain ways that create a suspicion on whether they care their country or not. Somalis can be seen as people that do actions against their loyalty to their country.

Here is a reality that mostly hurts. When all individuals lack the spirit of patriotism or the level of patriotism is very low, the country is facing a catastrophic disaster of anything from poor governance and corruption and threats from internal and external enemy. In order to prevent all these weird things to happen we need to have a patriotic citizens that love their country, care their people and sacrifice individual interests to achieve the common interest.

People in other parts of the world as well as those in the neighbouring countries respect all values of their countries, which defines their patriotism. The patriotism is the social value, which our community has lost and with effect suffers from negative impact of it.

There are several reasons for why Somali people present poor patriotism. First, the social structure of our people depends mostly on tribalism where everybody descends from a certain clan and settles in specific location. Our ancestors used to be pastorals and used to migrate from a place to another in order to look for graze lands for their animals. This part of our history creates categories of people, who do not have home-towns they belong because they spent most of their lives on travelling for graze.These types of people do not have or cannot develop a passion for the place he or she lives and after all cannot have a solid patriotism other than the belief of his bloodline connection with his or her clan members. When it comes fighting for a cause, these types of people might think the interest of their clans than the national interest. To them, the clan is a prime objective because it is the only social insurance a clan member may have. To get a job one have to secure membership from a powerful clan and political escalation goes through this.

Second, Somalia have been in civil war for decades and clannish feuds grew mountains. We faced life and death situations and every person tried to survive regardless of legitimacy of what we do even if it is not in the best interest of the nation. This difficult era created unlimited risk and challenges in our lives and brought down the pillars of the community and clouded our judgement towards national responsibility and the preservation of common good.

Third, individuals learn their values form their family, schools and community. Our families, or at least most of them do not give a try to teach their children the value of their country either they claim that they do not have the time (lame excuse) or they do not think that teaching patriotism worth their effort (ignorance). Our schools, on the other hand, have exported curriculum, a necessary evil, that does not contribute to develop student’s learning in the values of their countries.

Finally, a majority of the population do not have the chance or the opportunity to go to schools leaving them ignorant and uneducated. These people hit the market daily. They strive to get something to eat and in their jungle nothing is prohibited.

Thus, there is no public institutions that promote the national interest in order to make the citizens love their country. The citizens’ love of their country may create the stability of the country, development and unity.


By: Hassan Abdi Hassan

____________________
This article is also published on Qalin News Inc. You can reach it by clicking this link: 
http://qalin.net/articles/208/Opinion-Patriotism-A-Lost-Value-in-the-Somali-Citizen-By-Hassan-Abdi 

Ku Biiridda AMISOM: Maxay Lix Dal oo Afrikaan Ah ay Ciidamo ugu Deeqeen Hawlgalka Midwoga Afrika ee Soomaaliya?

Ku Biiridda AMISOM: Maxay Lix Dal oo Afrikaan Ah ay Ciidamo ugu Deeqeen Hawlgalka Midwoga Afrika ee Soomaaliya? ∗ Falan...